HomeGolaha Guurtida Somaliland oo Dood ka yeeshay Go'aan ka gaadhista Muddada Doorashada...

Golaha Guurtida Somaliland oo Dood ka yeeshay Go’aan ka gaadhista Muddada Doorashada loo cayimay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Golaha Guurtida ee Somaliland, ayaa maanta isugu yimi fadhi aan caadi ahayn, kaddib markii Guddoomiyaha Golahaasi mudaneyaasha oo fasax ku jira ku war-geliyey inay isugu yimaaddaan si laysu waafajiyo wakhtiga loo muddeeyey Doorashada Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo isku-sidkan.

Fadhiga Golaha Guurtida oo daba-socda warqad uu madaxweynaha Somaliland u gudbiyey, waxa ay mudaneyaashu kaga doodeen go’aan ka gaadhista xilliga doorashooyinka loo muddeeyey.

Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Guurtida Somaliland Md Siciid Cali Jaamac, ayaa Golaha ka hor akhriyey Warqadda uga timi madaxweyne Muuse Biixi oo sheegaysa in xukuumaddu dhammaystirtay dhammaan baahiyaadkii ku xidhnaa qabsoomidda doorashooyinka, sidaas awgeed Golaha Guurtida looga baahan yahay go’aan ka gaadhista xilliga doorashadu qabsoomayso.

Warkan oo faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose

 

Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa 16-kii January 2021-ka madaxweynaha u gudbiyey xilli kama-dambaysta ee ay u qorsheeyeen qabsoomidda doorashada Golayaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo ku beegan 31-ka bisha May sannadkan 2021-ka.

Haseyeeshee, Go’aanka muddeynta doorashada ee Komishanka oo ay soo dhaweeyeen Axsaabta Siyaasadda, waxa caqabad ku noqday muddo-kordhin laba sanno ah oo Golaha Guurtidu 24-kii November 2019-kii u sameeyeen Golaha Wakillada, taas oo ku dhammaanaysa bisha November ee sannadkan 2021-ka.

Hoggaanka Saddexda Xisbi Qaran iyo madaxweynaha Somaliland oo 17-kii January 2021 kulan ka yeeshay arrintan, ayaa soo jeediyey in Golaha Guurtidu go’aan ka soo saaro isla markaana is-waafajiyo xilliga doorashada loo muddeeyey iyo dhammaadka muddo-kordhinta Golaha Wakiillada.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories