HomeGolaha Guurtida Somaliland oo Ansixiyey Xeerka Nidaamka Ururrada Siyaasadda iyo Axsaabta Qaranka

Golaha Guurtida Somaliland oo Ansixiyey Xeerka Nidaamka Ururrada Siyaasadda iyo Axsaabta Qaranka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Golaha Guurtida Somaliland, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta siyaasada ee Xeer L/14/2021 oo wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyey, muddooyinkii u dambeeyey horyaallay Golaha Guurtida.

Fadhiga Golaha Guurtida ee saaka oo ay ka soo xaadireen 52 xildhibaan oo ka mid ah 82 mudane ee goluhu ka kooban yahay, waxa ka hor intii aanu goluhu gudo-gelin ansixinta xeerka hadal ka jeediyey fadhiga saaka guddi ka tirsan golaha oo loo xil-saaray Naaqishaadda xeerka oo ay wax-ka-beddel iyo kaabis ku sameeyeen Golaha Wakiillada oo u soo gudbiyey.

blank
Golaha Guurtida Somaliland [PHOTOFILE]
Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan (Ilkacase) oo hoggaaminayey guddiga loo xil-saaray naaqishaadda xeerka, waxa uu yidhi, “Markaan aragnay qodobka 61aad, 9aad, 22aad , 23aad iyo 38aad ee Dastuurka Qaranka Jamahuuriyadda Somaliland, Markaan aragnay wax ka bedelka iyo kaabista gollaha wakiilllada ee Xeerka nidaamka Ururada iyo axsaabta siyaasada Xeer L/14/2021, in wax-ka-bedel iyo kaabis lagu sameeyo Xeerka si ay muwaadiniintu u guddan karaan xuquuqdooda si waafaqsan dastuurka oo tobbankii sannadoodba mar la furo, si ay u doortaan saddex xisbi oo talada iyo awoodda ku tartama.”

“Sidaa awgeed, markaanu ku qanacnay baahida loo qabo kaabista iyo wax-ka-bedelka Xeerka, waxaanu ku qanacnay in Xeerku sidaa uu kaga yimi golaha wakiillada cod loogu qaado,” sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan.

Soo jeedinta xildhibaanka kaddib, waxa la gudo-galay ansixinta xeerka, waxaana in loo loo qaado golaha ka codsaday Guddoomiyaha Golaha Guurtida JSL Saleebaan Maxamuud Aadan. Cod gacan-taag ah kaddib, guddoomiyaha Guurtida, ayaa halkaas ka shaaciyey natiijada codeynta loo qaaday ansixinta xeerka. Waxa in xeerka la ansixiyo oggolaaday 48 mudane, hal xildhibaan ayaa ka aamusay, mid kalena wuu ka soo horjeestay, sidaas ayaanu ku ansaxay Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda JSL.

Golaha Guurtida ayaa ansixinta xeerka u gudbin doona madaxweynaha Somaliland oo wareegto ku shaacin doona dhaqan-galka Xeerka, sida sharcigu dhigayo.

Somalilandpost.net

contat@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories