HomeGolaha Guurtida oo ku guulaystay Dejinta Xaraaraddii ka aloosanayd Wakiillada iyo Natiijada...

Golaha Guurtida oo ku guulaystay Dejinta Xaraaraddii ka aloosanayd Wakiillada iyo Natiijada laga fili karo waan-waan ay ku Dhex-dhexaadinayaan

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Guddi iskeed is-xilqaantay oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland oo uu horkacayey Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-Waraabe) iyo Guddoomiyaha AKeedamiydda Nabada iyo Horumarinta ee Somaliland Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, ayaa maanta ku guulaysatay inay demiyaan khilaaf siyaasadeed oo kala-qaybiyey mudaneyaasha Golaha Wakiillada.

Guddidan oo kulamo gooni-gooni ah la qaatay garabyada shir-guddoonka Wakiillada ee khilaafkoodu cirka shareeray loollan awoodeed ee Golahaas, ayaa ku qanciyey xildhibaannada Golaha wakiillada in muddo todoba maalmood ah fasax laga ahaado Kal-fadhiga golahaas, taas oo ay ku sababeeyey wakhti loo siiyo dhex-dhexaadin iyo wada-xaajood ay ka dhex-bilaabayaan dhinacyada is-haya.

dhex-dhexaadinErgada is-xilqaantay ee dhex-dhexaadinta ku dhex-gashay khilaafka Golaha wakiillada, ayaa si gooni-gooni ah ula kulmay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo labada guddoomiye ku-xigeen ee golahaas Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf. Ka dib kulamada ay Guddigu la yeesheen dhinacyada, shir-guddoonka Wakiillada, ayaa galay xarunta Golaha, iyada oo guddoomiye Cirro fadhiistay kursiga Guddoonka golaha halka labada guddoomiye ku-xigeennada ay mudaneyaasha Golaha dhex-fadhiisteen.

Fadhigii shalay ee Golaha Wakiillada oo uu shir-guddoominaayey Guddoomiye Cabdiramxaan Maxamed  Cabdilaahi (Cirro) kana soo qayb-galeen xubno katirsan Golaha Guurtida, Gudoomiyaha Akaadamiyada Nabada, iyo Martisharafkale oo aad utiro badan ayaa kadib markii Gudoomiyahu uu furay shirka waxaa uu golaha ku wargeliyey inay u ballansanaayeen mooshinadii ay xildhibaannada soo gudbiyeen, balse ay golaha ku sugan yihiin xubno sharaf leh oo codsadtay in kelmado kooban ay fadhiga golaha ka jeediyaan.

Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdi Waraabe) oo halkaasi ka hadlay ayaa ugu horeyn waxaa uu talo iyo waano ku qotanta masuuliyada saaran mudanayaasha Baarlamaanka iyo xilka uu shacbigu u igmaday. Waxaanu halkaas ugu jeediyey xildhibaannada inay aanay mudnayn in khilaaf iyo is qabsi ay ku wejahaan xilka qaran ee ay umadda u hayaan.

Xaaji Cabdi-waraabe waxa uu sheegay saddexda shirguddoon ee golaha in ay gacmaha isku saareen kana aqbaleen in ay sidoodii hore isku ahaadaan, isagoo Xaajigu sheegay wixii dhinaca sharciga ku xidhan ay muddo todobaad ah ku dhammaystiri doonaan, waxaanu yidhi, “Arrinkan maanta jooga waa wax fudud waxaa isqoonsatey madaxdii, haddaanu gooni ula shir shirney golahay kala maarmi waayeen si uu goluhu ula maqlo oo ay la ogalaadaan, ilayn goluhu markii hore xumaa, ninba inbuu ku beermay arrinkiisii, qolaba inay toosantey bay iyada la ahayd, waxaanu ku nidhi ka daga oo isu tanaasula oo wada socda, waa naga ogalaadeen idinka golahana waxaanu idin ka doonaynaa labadii xaafadood ee aad u kala jabteen inaad mid noqotaan.”

Xaaji Cabdi Waraabe waxa uu xildhibaanada Ka dalbaday in ay ku waafaqaan oo Kala shaqeeyaan xalka khilaafka, taasoo ay dhamaantood aqbaleen. “Waxaanu ugaranay saddexda nin ee walaalaha ahi inay mid ahaadaan, waa naga yeeleen, waxaa xiga wixii lafagura ama qaynuuna ee hoose, waynu u fadhisanaynaa waa dhamaynaynaa, golahuna inuu naga yeelo todaba cisho oo fasaxa inuu galo,” ayuu halkaas ka sheegay Xaaji Cabdikariim Xuseen.

Khilaafka sababay ismaan dhaafka ka dhex aloosmay golaha Wakiillada, ayaa ka soo bilaabmay wax-ka-beddel lagu sameeyey xeer-hoosaadka Golahaas, kaas oo hoos u dhigay awooddii ay lahaayeen guddoomiye ku-xigeennada golahaas, isla markaana jidaynaya in guddoomiye ku-xigeennada xilalka lagaga xayuubin karo cod haldheeri ah oo u dhiganta 42 mudane, halka guddoomiyaha golaha wakiillada uu xeerkaasi u jeediyey inay xilka ka qaadi karaan 55 mudane, arrintani waxa ay aad uga cadhaysiiyey labada ku-xigeen oo ka soo jeeda Xisbiga Kulmiye iyo xukuumaddiisa, iyada oo xurguftu isu rogtay loollan siyaasadeed iyo mooshinno lagu dalbanayo in wax ka beddel lagu sameeyey xeer-hoosaadkaas.

Lama oga natiijada ka soo bixi doonta dhex-dhexaadinta guddiga is-xilqaantay, haseyeeshee wararka hordhaca ah ee ku aroora bilowga dhex-dhexaadinta laga bilaabay dhinacyada is-haya, ayaa tibaaxay inay jirto tanaasulaad iyo dib loo furo xeer-hoosaadka muranka dhaliyey, isla markaana isku mid laga dhigo tirada codadka lagu ridi karo guddoomiyaha iyo labadiisa ku-xigeen, halka dhinaca ku-xigeennada lagu qanciyey inay ka tanaasulaan mooshinka xil ka qaadista ah ee guddoomiye Cirro.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories