HomeGolaha Guurtida oo Guddi u saaray Dilka Taliyihii Saldhigga Booliska Degmada Xaaji-Saalax

Golaha Guurtida oo Guddi u saaray Dilka Taliyihii Saldhigga Booliska Degmada Xaaji-Saalax

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Golaha Guurtida Somaliland, ayaa Guddi u magacaabay ka soo war-bixinta sababta, qaabka uu u dhacay dil habeen-hore koox dablay ahi ku fuliyeen Taliyihii Saldhigga Booliska Degmada Xaaji-Saalax oo ka tirsan gobolka Daad-madheedh ee dalka Somaliland iyo waliba xal u helidda falkaas.

Golaha Guurtida Somaliland
Golaha Guurtida Somaliland

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo maanta ka hadlay fadhigii ugu dambeeyey ee Kal-fadhiga 52-aad ee Golahaas oo shalay soo xidhmay, isla markaana sidaa Goluhu fasax ku galay, waxaanu Guddoomiyuhu sheegay dilkaas ka dhacay demgada Xaaji-Saalax ee gobolka Daad-madheedh, falkaas oo uu sheegay inuu ka xun yahay, Tacsina u dirayo qoyska, ehelada, qaraabada uu Marxuumku ka baxay, waxaanu Illaahay ka beryey inuu caafimaad siiyo Sarkaal caafimaad oo ku dhaawacmay falkaas Taliyaha lagu dilay.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Guurtidu in arrinta  halkaas ka dhacay  ay tahay mid aad khatar u ah, in badan ay soo noqnoqotay, isla markaana ay Golaha Guurtidu gurmad ka geli doonto arrintaasoo ay sida ugu dhakhsa badan uguna  wanaagsan u geli doonaan, iskuna dayi  doonaan in ay soo afjaraan, si aanay taas oo kale iyo mid la mid ahi toona u dhicin.

Sidaa daraaddeed-na waxa uu Sheegay Guddoomiye Saleebaan inay Gole ahaan u magacaabeen Guddi Xildhibaanno Golaha Guurtida ka tirsan ah oo sida ugu dhaqsaha badan uguna macquulsan uga soo warbixisa dilkaas, sida uu u dhacay, waxa sababay iyo weliba sida xalkeedu ku habboon yahay, kana hawlgala soo afjaridda arrintaas iyo wax la mid ah oo deegaankaas ka dhaca.

Magacyada Xubnaha Guddiga uu Guddoomiyaha Guurtidu dilka Xaaji-Saalax u magacaabay waxay kala yihiin sidan:-

1 Xildhibaan Suldaan Ismaciil Suldaan Cabdiraxamaan (Guddoomiye)

2  Xildhibaan Cabdinasir Cabdilahi Beegsi (Xogahaye)

3 Xildhibaan Muuse Ibraahim Aw Nuur Jiciir

4 Xildhibaan Cabdillaahi Ibarahim Xirsi

5 Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye

6 Xildhibaan Cabdillaahi Maxamed Xaaji Huruuso

7 Xildhibaan Xirsi Ciise Jaamac

8. Xildhibaan Axmed Waabbari Maydhane

9 Xildhibaan Diini Cabdillaahi Hande.

Kal-fadhiggii 52-aad ee Golaha Guurtida Somaliland, ayaa shalay si rasmi ah loo soo gebo-gabeeyey, isla markaana xidhmay, waxaanay Mudanayaasha Golahaasi galeen fasaxoodii caadiga ahaa, kaasoo ay ku maqnaan doonaan muddo 45 maalmood ah sha bilaabanta, sida ay Shirguddoonka Golahaasi shaaciyeen.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories