HomeGolaha Guurtida oo Dood Xaasaasi ah ka Yeeshay Siyaasadaha Arrimaha Gudaha iyo...

Golaha Guurtida oo Dood Xaasaasi ah ka Yeeshay Siyaasadaha Arrimaha Gudaha iyo Debedda ee dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Golaha guurtida ee Somaliland ayaa maanta dood ka yeeshay siyaasadda arrimaha dibada iyo gudaha dalka oo ka mid ah qodobada ajandaha kal-fadhigooda 48-aad ee ay ku gudo jiraan falanqayntiisa.

Fadhigan oo uu shirgudoominaayey gudoomiyaha golaha guurtida Md Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa doodda ka dhiibtay xubno ka mid ah mudaneyaashii isudiiwaan galiyey in ay ka qayb qaataan doodda qodobkan ku saabsan siyaasadda arrimah gudaha iyo dibada ee dalka.

Xildhibaan Cabdicasiis Muxumed Gaaxnuug oo ka mid ahaa xildhibaanadii madasha fadhigaa ka dhiibtay dooddiisa ayaa sheegay in marka laga imaaddo waxyaabo laga qabtay siyaasadda arrimaha gudaha dalka, haddana ay qaybo badan weli yabyo yihiin, “Goleyaasha waxa loo sameeyey in wixii dhaliilo ah ee jira si fiican u sheegaan. markaa anigu waxaan leeyahay siyaasadda arrimaha guduha wax badan oo horena waa laga qabtay, walina waxay u baahantahay in waxbadan oo kalena laga qato siibaba gobolada bariga iyo galbeedka,” ayuu yidhi Xildhibaanku.

blankXildhibaan Cabdicasiis waxa kale oo doodiisaa kaga hadlaya aragtidiisa shirarka ay beeluhu yeeshaan, waxa uu yidhi, “Shirarka beelaha waxaynu ka soo gudubnay wakhti hore, imikana waxaad maqlaysaa beel heblaayaa shiraysa anigu waxaan aamisanahay in aanay shirarkaasi wax faa’iido ah u lahayn dalka.” Xildhibaanku mar uu ka hadlaayey siyaasadda arrimaha dibada ee dalka waxa uu yidhi “Markaan ka hadlo siyaasadda arrimaha dibada ee dalka waxaan leeyahay ILAAHAY mahadii waxaynu nahay dal madax bannaan oo cid ina haystaa ma jirto. Waxaan soo jeedinayaa in labada gole ee baarlamaanku si wayn uga qayb qaataan siyaasada arrimaha dibada ee dalka.”

Mudane Daahir Ciise Buux oo isna ka qayb qaatay dooddan ayaa isagoo ha hadlaya siyaasadda arrimaha gudaha ee dalka, gaar ahaan nabadgalyada waxa uu yidhi, “Nabad galyada dalku aad bay u wanaagsantahay, laakiin waxa loo baahanyahay in la xoojiyo xuduudaha dalka, maadaama oo uu dalku dhawaan gali doono doorashooyin, guurti ahaana waa in aynu arrimhaas ka qaadanaa doorkii aynu awalba ka qaadan jirnay ee ahaa sidii dadka loogu wacyi’galinlahaa in ay doorashada u galaan si nabad galyo iyo xasilooniyi ay ku jirto.” Xildhibaanku isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray, “Waxa jira arrimo badan oo in nabad galyada la adkeeyo udub dhexaad u ah nabada, markaa anigu waxaan tallo ahaan u soo jeeinayaa in dawlad iyo shiciba layska kaashado sidii loo soo afjari lahaa xal waarna looga gaadhi lahaa hadba waxyaabaha dalka soo wajaha ee hanaanka nabada ee dalkeena wax yeelaya.”

Xildhibaanku waxa kale uu doodiisa kaga hadlay aragtidiisa siyaasadda arrimaha dibada ee dalka, isagoo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi, “Hadii aan ka hadlo siyaasadda arrimaha dibada ee dalka waxaan leeyahay aad bay u fiican tahay. Waxaan soo jeedinayaa in wakiilada Somaliland ugu sugan wadamada aynu xidhiidhka leenahay waa in ay sii xooiyaan shaqada ay hayaan si umadani u gaadho aqoonsi caalami ah.”

Mudane Sahal Iidle Dirir oo ah gudoomiyaha guddida arrimaha dibada ee Golaha Guurtida oo ka mid ahaa mudaneyaashii doodda ka qayb qaatay, ayaa isagoo ka hadlaya siyaasada arrimaha gudaha ee dalka waxa uu yidhi “Runtii wax badan waa la qabtay, lana kobciyey iyadoo aan qabo in aad loo dadaalay. In nabad galyada gudaha la sugaa waa arrin aad u muhiim ah oo ciidanka booliska iyo guud ahaan ciidamada dalka la tayeeyo oo la kobciyo waa arrin aad loogu baahanyahay.”

Mudane Sahal Iidle isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu ka hadlay dadka ajaanibka ah ee wadanka jooga, kuwaas oo uu sheegay in ay dalka culays wayn ku hayaan, waxaanuu yidhi “Waxa jira dad badan oo aan wadanka u dhalan oo ka yimi wadan aynu jaar nahay oo aan abaar iyo colaaditoona ka jirin dawladooduna tahay dawlad wayn oo caalamka laga aqoonsanyahay dalkeenana ka dhaqaale fiican, anigu waxaan leeyahay dadkaas baahiyi inooma keenin. Markii dhawaan lagu dhawaaqay in ay dalka ka baxaan dadwaynaha Somalind waxay heleen nafis aad u badan.” Mudane Sahal Iidle waxa kale oo uu doodiisaa kaga hadlay sida uu u arko siyaasada arrimaha dibada ee dalka.

Isagoo arrintaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan soo jeedinayaa in ay sii xooino xidhiidhka aynu la leeyahay wadmada aynu jaarka nahay iyo wadamada kaleba waana in aynu badino socdaalo lagu tago oo aynu waftiyo u dirno kuna noq-noqono anagu haddii aanu nahay guddida arrimaha dibada ee golaha guurtida kal-fadhigii hore aad baanu u shaqaynay.”

SomalilandPost.net/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories