HomeGolaha Guurtida oo Baajiyey Mooshin Guddoomiye Cirro Maamuuska lagaga xayuubinayey, Xildhibaanno la...

Golaha Guurtida oo Baajiyey Mooshin Guddoomiye Cirro Maamuuska lagaga xayuubinayey, Xildhibaanno la Xidh-xidhay iyo Jewigii Golaha ee Saaka

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa (SLpost)- Waxa Maanta oo Sabti ah dib loo dhigay Kalfadhigii 26aad ee Golaha Wakiillada Somaliland oo loo ballansanaa inuu furmo, ka dib markii golaha ka soo xaadireen xildhibaannada Muxaafadka ah ee Aqlabiyadda Golaha Wakiillad oo doonayey inay maamuus ka xayuubin ku sameeyeen Guddoomiyaha Golahaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.

Haseyeeshee, waxa baajinta fadhigaas sababay, ka dib markii ay ka soo xaadiri waayeen xildhibaannada muxaafadka ah ee Golaha iyo Guddoomiye Cirro iyo faro-gelin shir-guddoonka Golaha Guurtidu ugu gurmadeen in fadhigaasi furmo isl amarkaana uu hirgasho mooshinka xilka lagaga qaadayo Guddoomiye Cirro.

Shan iyo Afartan Xildhibaan oo ay ku jiraan Labada Guddoomiye ku-xigeen ee Golaha Wakiillada ayaa saaka  soo xaadiray, sidaasna waxa ku buuxsamay kooramka Golaha.

guddoomiyeLaba Guddoomiye ku-xigeenka ee Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf, ayaa saaka fadhiga Golaha Furay, haseyeeshee intii aanu goluhu furmin waxa gurmad ku soo galay Xubno ka tirsan Guurtida oo uu hoggaaminayey Saleebaan Maxamuud Aadan oo mudaneyaasha ka dalbaday in muddo laba maalmood ah fadhiga dib loogu dhigo isla markaana la baajiyo.

Balse waxa golaha dhexdiisa ka bilaabmay buuq iyo sawaxan xildhibaannada muxaafadka ahi kaga soo horjeedeen soo-jeedinta Guddoomiye Saleebaan Gaal, haseyeeshee muddo ka dib, waxa ay shir-guddoonka golahaas aqbaleen in dib fadhiga Golaha dib loogu dhigo isla markaana laysugu yimaaddo maalinta Salaasada ee todobaadkan.

Jewigii Golaha iyo Xildibaanno la xidh-xidhay

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi iyo xildhibaannada taabacsan, ayaa dibadda ka joogay Golaha Wakiillada, iyaga oo ku doodayey inaanay galayn xarunta golaha oo ay sheegeen in xaasaanaddii laga qaaaday.

jjjjShan xildhibaan oo ka tirsan mudaneyaasha Golaha Wakiillada ee Mucaaradka ah, ayaa Ciidamada Ammaanku saaka xabsiga u taxaabeen, waxaanay immika ku xidhan yihiin xarunta CID-da Hargeysa, sida uu sheegay Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdilaahi.

Xildhibaannada waxa ka mid ah Siciid Cilmi Rooble iyo Ibraahim Mahdi Buubaa oo lagu eedeeyey inay abaabulayeen mudaharaad lagaga soo horjeeday mooshinka iyo dhalinyaro ay ka soo abaabulayeen xaafadaha magaalada Hargeysa, iyada oo ciidamada boolisku shanta xildhibaan-ba meelo gooni-gooni ah ka soo qab-qabteen.

SOMALILANDPOS.NET

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories