HomeGolaha Guurtida oo Ansixiyey Xeerka Doorashooyinka Qaranka iyo Madaxweyne Biixi oo ka...

Golaha Guurtida oo Ansixiyey Xeerka Doorashooyinka Qaranka iyo Madaxweyne Biixi oo ka hadlay

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

Hargeysa (SLpost)- Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta ansixiyey Xeerka  Doorashooyinka Qaranka iyo Diiwaan galinta Cod-bixiyayaasha oo mudaneyaashu dooddiisu ku gudo-jireen maalmihii dambeeyey.

Fadhiga maanta ee Xeerka lagu Ansixiyey waxa goob-joog ka ahaa 53 Xildhibaan oo ka mid ah 82 mudane ee Golaha, waxaana ansixinta xeerka ogolaaday 49 mudane, laba Xildhibaan way diideen, halka mid kale ka aamusay, sidaas ayaanu ku ansaxay xeerka Doorashooyinka Somaliland.

blank
Golaha Guurtida Somaliland [PHOTOFILE]
Xeerka Doorashooyinka dalka oo wax-ka-beddel iyo Kaabis lagu sameeyey, ayaa ka soo gudbay Golaha Wakiilada oo madaxweynuhu hore ugu soo gudbiyey. Waxaanay tallaabadani suurto-galinaysaa inuu xeerkani Dhaqan-gal yahay, hay’adaha dowladda ee khuseysaana ku shaqayn doonaan.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo arrintan ka hadlay, ayaa caddeeyey sida ay uga go’an tahay in laga gudbo caqabad kasta oo dhinaca doorashada ah, isaga oo tallaabada ay golaha guurtidu ku ansixiyeen xeerka doorashooyinkana ku tilmaamay mid soo af-jaray murankii siyaasadeed ee dhinaca doorashooyinka isla markaana loogu dhawaanayo qabsoomidda doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka.

“Waxa war fiican ah in golaha guurtidu uu ansixiyey oo isku raacay xeerkii Doorashooyinka, kaas oo Berri wixii ka dambeeyana dhaqan-gal ah, halkaasna waxa inoogu dhammaatay  murankii siyaasadda, wixii inoo hadhayna waa farsamo iyo dhaqaale ah ee inoo hadhayna qarankay u taallaa,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi oo hadal ka jeediyey shirweynaha 4aad ee Xisbiga Kulmiye oo Salaasada maanta la soo gebo-gabeeyey.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories