HomeGolaha Dhexe ee Kulmiye: Kala Doorashada Somaaliland iyo Reeroland

Golaha Dhexe ee Kulmiye: Kala Doorashada Somaaliland iyo Reeroland

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

 

Golaha dhexe ee Kulmiye ayaa la filayaa saaka 10/11 inuu u fadhiisto go’aaminta masiirkii xisbiga, kii qaranka iyo kii ummadda. Sida la sheegay ,golahu saaka waxaa uu kulmayaa isagoo dhaawac ah, ka dib markii uu u kala dillacay labo waaxood. Maanta waxaa aan ka soo xaadiri doonin dad badan oo xisbiga iyo qaranka magac iyo miisaan ku leh. Haddaba, haddii uu soo buuxsamo kooramku, waxaa hubaal ah tirada fadhidaa (curad talo ku filan) in ay ku filin tahay go’aaminta halka uu ku danbayn doono Xisbiga Kulmiye, iyo halka qaranku uu foolka saari doono.

 

 

Masiirka Xisbiga;Xisbiga Kulmiye waxaa loo arkaa xisbi qaan-gaadh ah oo waayo aragnimo fiican u leh sidii loo maarayn laha guul-darrada iyagoo sideetan cod keliya kaga simbiriirixday doraashadii 2003dii. Run ahaatii iyadoo ay jireen sababo badan oo ay ku duri kareen dooraashada ayay muujiyeen bisayl dheeraad ah, lexejeclo ay qaranka u hayaan iyo tanaasul aad u qadhaadh oo ay guusha ugu hanneeyeen Dahir Rayaale Kaahin. Madaxweyne Axmed Maxamed Siiilaanyo ayaa lagu xusuusan doonaa in uu go’aamiyay in la qaato guul-darrada iyo in loo tudho qaranka. Sidoo kale Kulmiye waxaa uu amaan ku mudan yahay geesinnimada ay ku xanbaarteen guul-darrada, sid ay dib isugu soo abaabuleen taasoo gayeysiisay in ay si mug leh u hantaan guusha.

 

Sidoo kale, Xisbiga Kulmiye waxaa uu waayo arag u yahay maaraynta guusha iyagoo shantii sannadood oo ay talada gacanta ku hayeen fuliyay wax badan oo lagu naaloon karo. Si la mid ah ama ka fiican ayaa laga filayaa in ay dalka ku sii maamulaan mudoda loo kordhiyay. Hase yeeshee, fadhiga Golaha Dhexe, haddii uu qabsoomo, waxaa hubaal ah raga la doortaa inay tirtiri doonaan laguna hilmaami doonaan, khayr iyo shar, waxii hore ugu hagaagay ama uga xumaaday Kulmiye. Si kasta ha ahaatee, kolba ciddii Golaha Dhexe u soo doortaan in a ku loollamaan jagada kowaad iyo tan labaad ayay ku xidhnaan doontaa masiirka xisbigu,  jacaylka ama naca dadweynahu ay ku raaci doonaan ama kaga xadhig-furan doonaan xisbiga Kulmiye.

 

Masiirka Qaranka:Qorma hore oo aan ku faafiyay warbaahinta, “Hanka Xaglotoosiye Xujo Ayuu Ku Yahay Qaranka”,ayaan ku gorfeeyaysidaDr. Xaglatoosiye oo u sharraxan xilka Madaxweyne-ku-xigeen uu xujo ugu yahay xisbiga Kulmiye, qaranka iyo beesha caalamkaba. Waxaa aan si weyn hoosta uga xarriiqay doorashada ama diidmada murrashaxu in ay saamayn weyn ku yeelan doonta siyaasadda tabban iyo khariidada toggan ee Somaaliland.

 

Sidaa darteed, mar kale, waxaan iftiiminayaa isweydiin aan ku soo xiganayo maqaalkaygii hore taasoo dulucdeedu ahayd, sidee loogu sii negaan karaa dal muwaadinkiisii marti uu ka yahay taladiisa, (madaxweyne, madaxweyne ku xigeen, guddoomiye barlamaan, mid guurti, mid garsoor, mid hay’ado qaran, mid bangi-bank, garyaqaan guud, hanti-dhowr, xeer ilaalin, xisaabiye guud, guddoomiyayaal iyo ku xigeenno xisbiyo qaran, hoggaamo ciidan) iyo meel beelaha qaarkood ka takooran yahiin 100ka kursi ee dalka looga arrimiyo.”

Waxaan Golaha Dhexe ee Kulmiye xusuusinayaa iyadoo ay soo taagnayd intaas oo cabasha ah in aanay uga sii darin oo maanta Qaranka ugu guddoomin caasimad, madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen galbeed ah taasoo sii xoojin doonta diidmada qayaxan iyo fallaagada gobolada bari oo haddaba si weyn codkoodu u muuqdo. Golahu Dhexe, ma uu laha awood uu dalka ugu soo doorto Madaxweyne iyo ku-xigeen waxaase uu leeyahay awood ay xisbiga ugu soo hoyn karaan guul ay dadku ku raacaan ama guul-darro ay dadku kaga tashadaan.

 

Xusuus: Beelaha Bariga Fog hore ayay u garnaqsadeen. Sida aan ka warqabo, bbelaha kale dhammaantood, gaar ahaan beesha dhexe, waxaa ay ka garaabeen qarnaqsigaa iyagoo ballan qaaday in ay cod, hiil iyo hoo la garab taagan yahiin murrashaxa madaxweyne ku xigeen Dr. Saleebaan Ciise Xaglotoosiye.

 

Hase ahaatee, codku waxaa uu ka go’aa xubnaha Golaha Dhexe, kuwaas oo maanta kala dooran doona sidii gacan buuxda looga geysan lahaa Somaaliland cusub, mid dhib iyo dheef wadaagta, iyo mid lagu wada naaloodo midnimo, sinnaan iyo milge. Iyo inay dalka u dhallan-roggaan Reeroland iyagoo og reerna reer kale in aanu ku sandullayn karayn  danahooda reereed. Golaha Dhexe iyagaa awood u leh in ay Dr. Xaglotoosiye u doortaan jagada uu isu taagay, madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ama in ay si dadban ugu doortaan jago aanu u taagnayn, Madaxweyne  Reeroland kale, taasoo aan ahayn go’aankiisa ama rabitaanka tolkiisa intooda badan.

 

Xassan Cumar Hoorri waa suxufi ka faallooda arrimaha Geeska iyo Bariga Dhexe. Kala xidhiidhhassanhorri@gmail.com,horri@somalilandsun.comama ku tixraac @horrimania

 

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories