HomeGolaha Deegaanka Magaalada Bristol ee Dalka Ingiriiska oo loo gudbiyey Mooshin taageerada...

Golaha Deegaanka Magaalada Bristol ee Dalka Ingiriiska oo loo gudbiyey Mooshin taageerada Aqoonsiga Somaliland

Date:

Related stories

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Christian-MartinBristol (SLpost)- Xisbiga Liberal Democrat ayaa mooshin uu soo diyaariyey xildhinaan Christian Martin oo laga soo doorto deegaanka Clifton East, kaas oo saabsan xaqa Somaliland u leedahay in loo aqoonsado dal madaxbanaan u gudbiyey golaha deegaanka magaalada Bristol.

War-saxaafadeed ka hadlaya Mooshinka loo gudbiyey Golaha deegaanka ee Bristol oo uu dabada ka riixayo Xildhibaankan, ayaa ujeeddadiisa iyo nuxurka laga leeyahya lagu baahiyey barta Internetka uu ku leeyahay xisbiga Liberal Democrat ee xildhibaankani ka tirsan yahay.

War-saxaafadeedka lagu baahiyey website-ka Xisbiga Liberal Democrats, ayaa u qornaa sidan:

“Golaha Deegaanku waxuu aaminsan yahay in Somaliland, oo jaaliyad ka badan 10 kun ku nool yihiin magaalada Bristol loo aqoonsado dal madaxbanaan. Jaaliyada Somaliland kaalin weyn ayey kaga jiraan horumarka magaalada Bristol, isla markaana golaha deegaanku waxuu si weyn ugu baaqayaa taageerada culayska kordhaya eek u saabsan sidii dalkooda loogu aqoonsan lahaa dal madaxbanaan, isla markaana kursi ku yeesha Qaramadda Midoobay. Golaha Bristol waxuu aqoonsan yahay daliilada aqoonsiga Somaliland xoojinaya, iyo dhab ahaanta inay tahay dal nidaam dimoqraadi xasiloon leh, oo afar doorasho madaxbanaan ka dhaceen labadii qarni u dambeeyey, isla markaana xisbiyada mucaaradkoodu u madaxbanaan yihiin metelaada danaha taageerayaashooda.

Golaha Bristol, markaa waxuu ugu baaqayaa xukuumada Ingiriiska inay u aqoonsato Somaliland dal madaxbanaan, isla markaana ku dhiirigeliso wadammada kale ee aduunka inay aqoonsadaan.”

Magaalada Bristol, ayaa noqonaysa magaaladii labaad ee Golahooda deegaanku taageero Qadiyadda Madax-bannaanida Somaliland haddii mooshinkaasi dhaafo mudaneyaasha ku jira oo xildhibaanno kala geddisan ka soo kala jeeda. Bilowgii Bishan April, ayay ahayd markii Kalfadhi ay isugu yimaaddeen Golaha deegaanka magaalada Sheffield oo ka kooban 82 mudane ay cod aqlabiyad ah ku meel-mariyeen inay taageersan yahay qadiyadda Madax-bannaanida Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

Bristol, UK

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories