HomeGolaha Deegaanka Hargeysa oo Qaaddacay Wax-ka-beddel Wasiirka Arrimaha Guduhu ku sameeyey Nidaamka...

Golaha Deegaanka Hargeysa oo Qaaddacay Wax-ka-beddel Wasiirka Arrimaha Guduhu ku sameeyey Nidaamka Waddo-marista Caasimadda oo dhaqan-galay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Caliyow wax badan baa laga xishoonayaaye inaad xishooto way wanaagsan tahay, xilligan kala guurka ah hawshaas aad samaysayna waxaan ku odhan lahaa ma wanaagsana ee ka tanaasul”

Hargeysa (SLpost)- Xildbibaano ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa, ayaa ku gacan-saydhay Qorshe Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md Cali Waran-cadde wax kaga beddelay Nidaamka Waddo-marista qaybo ka mid ah Jidadka Caasimadda, taas oo soo noolaysay khilaaf salka ku haya awood kala-riixasho oo u dhexeeya Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dawladaha Hoose ee dalka.

Xasan Shahar_Xasan Cabdi YoonKhilaafkan ayaa soo shaac-baxay kaddib markii Wasiirka Arrimaha Guduhu soo saaray digireeto uu wax kaga beddelay nidaamka waddo-marista qaybo ka mid ah jidadka magaalada Hargeysa, waxaanay tallaabadaasi ka cadhaysiiyey dawladda Hoose ee Hargeysa oo u aragta in wasiirku la wareegay masuuliyaddii ka saarnayd habaynta iyo wax-ka-beddelka qorsheynta caasimadda.

Qorshaha wax lagaga beddelay nidaamka waddo-marista ee caasimadda oo shalay hirgalay, ayaa wax ka beddelay nidaamka waddo-marista ee laba ka mid ah jidadka hal-bowlaha u ah magaalada Hargeysa, kuwaas oo kala ah waddada hor-marta madaxtooyada oo la amray inay gaadiidku u isticmaali karaan oo kaliya Hal Haad oo u socda dhinaca Galbeed iyo waddada Xagga dambe ka marta cusbitaalka Guud ee Hargeysa oo gaadiidku u soconayaan oo kaliya Dhinaca Bari.

Xildhibaanno ka tirsan Golaha deegaanka ee Hargeysa, ayaa ka soo horjeestay tallaabada wasiirka wax-ka-beddelka ku sameeyey jidadka caasimadda isaga oo aan wax talo-wadaag ah kala yeelan Golaha deegaanka Hargeysa, waxaanay ku tilmaameen mid ka hor imanaysa isla markaana xad-gudub ku ah waajibaadka shaqo ee Golaha deegaanka Caasimadda.

Xildhibaan Xasan Cali Cabdi (Xasan Shahar) oo ka tirsna mudaneyaasha golaha Deegaanka Hargeysa, ayaa wasiir Waran-cadde ugu baaqay inuu faraha kala baxo hawsha iyo waajibaadka shaqo ee u ku faro-geliyey Dawladda Hoose ee Hargeysa, isaga oo tallaabadaas ku tilmaamay mid ka hor-imanaysa shuruucda dalka ee kala-xadaynta waajibaadka shaqo ee Dawladaha Hoose iyo Dawladda Dhexe.

Xildhibaanka oo arrintan ka hadlayey waxa uu yidhi, “Masuuliyiintii Booliska ee hawshan ka shaqaynayay dhibaatooyin badan baa soo gaadhay, burbur badan baa Caasimaddii ka dhacay, Dadweynihii way yaaban yihiin, waxay leeyihiin waa maxay waxan la samaynayaa. Maye Golihii deegaanka ee aanu dooranay bay leeyihiin, waar dastuurkii iyo qaranimadii miyaa la nacay? Umaddu wax badan bay is weydiinaysaa.”

“Caliyow wax badan baa laga xishoonayaaye inaad xishooto way wanaagsan tahay, xilligan kala guurka ah hawshaas aad samaysayna waxaan ku odhan lahaa ma wanaagsana ee ka tanaasul, mana soconayso ee waa mid laab-la-kac ah oo aan qorshaheedii iyo Boodhkeedii iyo Wacyi-galinteedii iyo wakhtigeedii midna aan helin,” ayuu yidhi Xildhibaan Xasan Shahar.

Sidoo kale, waxa qorshaha Wasiir Waran-cadde mid shuruucda dalka iyo Qorsheynta caasimadda ka horimanaysa ku tilmaamay Xildhibaan Maxamed Cabdi Yoonis oo si qodobaysan u soo bandhigayshuruucda kala-xadaynaysa waajibaadka shaqo ee Dawladaha Hoose iyo Dawladda Dhexe.

Xildbibaan Maxamed Cabdi Yoon oo qoraal dheer oo ku soo bandhigay shuruucda kala-xadaynta waajibaadka dawladaha hoose iyo dawladda Dhexe, waxa uu wasiirka Arrimaha gudaha ku eedeeyey inuu u badheedhay xad-gudubka hawlaha shaqo ee dawladaha Hoose, waxaanu tallaabadan ku sifeeyey mid meesha lagaga saarayo kabka dhaqaalah ee dawladda Dhexe ku taageerto dawladda hoose ee caasimadda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa hore u soo saaray digreeto uu ku faray dawladaha hoose qorshe kor loogu qaadayo bilicda magaalooyinka waaweyn ee dalka, haseyeeshee ilaa immika ka fulin qorsheyahaasi, iyada oo lagu sababaynayo inaanu wasiirku wax talo-wadaag iyo wada-shaqayn ah kala yeelan dawladaha Hoose ee dalka oo ay ugu horeysay ta Caasimadda Hargeysa.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories