HomeGolaha Deegaanka Hargeysa oo isugu yimi Fadhigoodii u horreeyey iyo nuxurka Qodobbo...

Golaha Deegaanka Hargeysa oo isugu yimi Fadhigoodii u horreeyey iyo nuxurka Qodobbo lagu soo qaaday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-  Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa ayaa maanta yeesheen fadhigoodii shaqo ee ugu horeeyey ee ka dib kulankii ay Maayarka ku doorteen,  waxaanay kaga hadeen xeer hoosaadka uu goluhu ku shaqeeyo.

Fadhigan oo uu shir Guddoominayey Guddoomiyaha golaha deegaanka ahna Maayarka Hargyesa Eng. Yuusuf Warsame Siciid oo aanay saxaafaddu goob joog ka ahayn isla markaana ay ka soo xaadireen 22 xildhibaan oo ka tirsan 25-ka xildhibaan ee Golaha, ayaa markii uu dhammaaday waxa Warbaahinta uga warramay waxyaabihii lagu soo qaaday Maayarka Caasimadda Eng Yuusuf Warsame.

doorashada maayarka“Maanta waxaanu galnay  kal-fadhigii ugu horeeyey ee golaha deegaanka Hargeysa intii horena waxaanu  ku jirnay xil-wareejin iyo in aanu fahamno  sidii ay dawladda hoose u shaqayn lahayd, waxaanay xildhibaanadu wadeen daraasad ku saabsan qaabka dawladda hoose u shaqayso  wayna soo dhammaatay  markaa maanta ayaanu yeelanay  fadhigii ugu horeeyey,” sidaa waxa yidhi Eng Yuusuf Warsame Siciid oo warbaahinta uga warramay ujeeddada iyo natiijada  kalfadhiga Golaha.

Mayarku waxa kale oo uu sheegay in saddex  bilood ee ugu horreya ay ku sii shaqayn doonaan xeer hoosaadkii  Golihii Deegaanka ee Wakhtigoodu dhammaaday, “ Waxaanu  muddo 3 bilood ah ku siin shaqayn doonaa xeer hoosaadkii dawladdii hoose ee hore ay ku shaqayn jirtay ka dibna waxaanu samayn doonaa mid noo gaar ah. Waxa kale oo aanu isku qaybinay guddiyo kala duwan oo ay ka mid tahay guddida dhaqaalaha, caafimaadka iyo nabad-gelyada,” ayuu yidhi Eng Yuusuf Warsame.

Golaha Deegaanka Caasimadda, ayaa hawl-galkii u horreeyey ee ay kor ugu qaadayaan bilicda magaalada Shalay ka fuliyey qabo ka mid ah shaaricyada degmooyinka Hargeysa, iyaga oo burburiyey dhismayaasha laga hordhistay guryaha ku yaala jidadka Hareerahooda.

Eng Yuusuf Warsame iyo ku-xigeenkiisa Cabdicasiis ooh awl-galkaas hoggaaminayay, ayaa hawl-galkan ka fuliyey degmooyinka 26 June, Gacan-libaax iyo Ibraahim Koodbuur.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories