HomeGolaha Deegaanka Gabiley oo Kulan Martiqaad ah ku Maamuusay Wasiirkii Hore Ee...

Golaha Deegaanka Gabiley oo Kulan Martiqaad ah ku Maamuusay Wasiirkii Hore Ee Maaliyadda Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Gabiley (SLpost)- Wasiirkii hore ee wasaarada maaliyada somaliland ENG Maxamed Xaashi Cilmi ayaa shalay  kulan gaar ah la yeeshay golaha deegaanka dagmada gabiley.kulankaasi oo uu ka dambeeyay marttiqaad rasmiya oo golaha deegaanka gabiley u fidiyeen ENG Maxamed Xaashi ayaa ujeedadiisu ahayd sidii xildhibaanada golaha deegaanka gabiley  uga faa,idaysan lahaayeen khibrada iyo waayo aragnimada ENG maxamed xaashi u leeyahay maamulka iyo maaraynta isla markaana talo iyo tusaale uga siin lahaa qorshayaashooda horumarineed. Kulankan oo ahaaa mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu qabtay hoolka shirarka ee dawlada hoosee gabiley waxaana ka soo qaybgalay gudoomiyaha degmada gabiley shucuyb maxamed muuse iyo xildhibaanada golaha deegaanka madaxda iyo masuuliyiinta waaxaha ay ka koobantahay dawlada hoose , cuqaal iyo madax-dhaqameedka gobolka iyo marti sharaf kale  oo aad u tirabadan ,waxaana ugu horeyn hadalka furay Chief Caaqil Cabdi Ciidle Amaan  oo hadal soo dhawayn ahaa kadib yidhi’ wasiir maxamed xaashi waxaa halkan ku horfadhiyaa waa golihii deegaanka gabiley ee umadu soo dooratay waxaananu doonaynaa inaad talo iyo tasaale ka siiso maamulka iyo sidi ay u kobcin lahaayeen dhaqaalaha gabiley taasi oo ah arimihii loo soo doortay”

maxamed Xaashi_GabileyKadib waxaa hadalka qaatay maayarka magaalada gabiley Mudane Shucayb Maxamed Muuse oo isna hadalka ku bilaabay sacaadatu wasiir waxa halkan ku dhan dhamaan masuuliyiintii waaxaha iyo gudiyadii golaha deegaanku ka koobnaa ku soo dhawow waxaad talo iyo tusaale siinayso:

Kadib waxaa hadalka qaatay wasiirkii horee wasaarada maaliyada ENG maxamed xaashi cilmi oo halkaa ka jeediyay khudbad waano iyo waxsheeg ahayd oo saacado badan qaadatay waxaaa hadaladiisii ka mid ahaa:  Horta masuul kasta oo idinka mid ahi wuu dhaarsanyahay waxaana fiican inaad dhaartaa fulisaan waxaana dadku horumar ku gaadhaa waa wadajirka iyo muwaafaqada horta waxaan idinkula talinayaa inaad wadashaqayn fiican yeelataan arimaha horumarkana imika tusaale ahaan  dooxan arabsiyo ee aanu soo marnay   si fudud ayaad u dhisi kartaan hadaad bir weyn oo tool ah dhigtaan oo gawaadhida maraysa ay lacagta ku uruuriso waxaa la idiinka baahanyahay daacadnimo iyo inaad umad u shaqaysaa.

Dhanka kale bulshawaynta ku dhaqan gobolka gabiley ayaa si weyn u soo dhawaysay martiqaadkan golaha deegaanku u fidayay ENG Maxamed Xaashi   isla markaana waxuu kulankani meesha ka saaray tuhuno badan oo jiray oo ahaa in goluhu u xuurtaysanyahay xukuumada sarre arintaasi oo kamid ahayd caqabadihii ragaadiyay golihii kan ka  horeeyay  waxayna hadii ay sidan ku sii wadaan golaha deegaanka gabiley  oo ay ka nabad galaan farogalinta dawlada dhexe   waxayna talaabadani noqanaysaa manta ay qaadeen talaabadii ugu horeysay ee intay xilka hayeen kaga duwanaadeen golihii ka horeeyay

WERIYE :CABDIKARIIM MUXUMED CADDE (QAAMUUS )

GOBOLKA GABILEY

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories