HomeGolaha Deegaanka ee Hargeysa iyo Bulshada oo Goob Fagaare ah ku Xisaabtamay

Golaha Deegaanka ee Hargeysa iyo Bulshada oo Goob Fagaare ah ku Xisaabtamay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost)-Golaha deegaanka ee Hargeysa ayaa goob fagaare ah ugu xogwaramay qaar ka mid ah bulshada caasimadda ku nool, oo ka kala socday dhammaan degmooyinka magaalada Hargeysa, halkaas oo ay xubnaha shacabkuna kula wadaageen talooyin iyo la xisaabtan. Kullankan ayey ujeedadiisu ahayd in lagaga hadlo waxyaabaha ay sanadka golaha deegaanku hirgaliyeen iyo waxyaabaha qabyadda ka ah ee bulshadu ka sugayso golaha deegaanka.

Guddoomiyaha golaha deegaanka caasimadda Hargeysa oo halkaas ka hadlay ayaa ka waramay waxqabadkooda sanadkan sii dhammaanaya, waxaanna uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxa aannu halkan iskugu nimid idinka oo ah cidda aannu u shaqaynayno iyo annaga oo ah u shaqeeyayaashiinii, taasoo ah in aynnu ka wada hadalno wixii aannu soo qabannay iyo maxaannu qaban doonaa oo aad idinka noo sheegi doontaan”

 

Kadib maayar Soltelco oo ka sheekeeyay waddooyin ay dhiseen iyo qalabbo ay dawladda hoose soo iibsatay, ayaa waxa halkaa ka hadlay bulshada goobjoogga ahayd oo soojeedinno isku jira cannaan, tusaalayn iyo ka maragkac halkaa ka sheegay. Qaar kamid ah xubnaha bulshada ayaa sheegay in golaha deegaanku aannay waxba qaban, isla markaana loo baahan yahay in ay bulshada si fiican ugu adeegaan.

 

Ugu dambayntii Maayar-xigeenka, xoghayaha fullinta iyo qaar ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka ayaa iyaga oo ka jawaabaya dalabka dadweyanaha waxa ay sheegeen in aannay waxba ka hagran doonin baahiyaha bulshada iyaga oo sheegay in ay aqbalayaan waxkasta oo shacbigu usoo jeediyay islamarkaana waxa uu xusay in ay fullin doonaan dhammaan soojeedimaha bulshada.

“Waannu qorannay waannu huri doonnaa waannu qorfayn doonaa, sida ay ukala mudan yihiinna waannu ugu dari doonaa miisaaniyadda sanadka. Dadweynaha Waxaan u sheegaynaa; baahiyo badan baad soo jeediseen, intaa aad soo jeediseen inta ugu badan ama dhammaanba aannu qaban doono” Xoghayaha fulinta, dawladda hoose ee Hargeysa.

Halkan ka Daawo Warka ku Saabsan Kullanka oo Muuqaal ah:

 

Somalilandpost.net, Hargeysa Office

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories