HomeGolaha deegaanka ee Gabiley oo fadhi ay maanta yeesheen Xilkii kaga qaaday...

Golaha deegaanka ee Gabiley oo fadhi ay maanta yeesheen Xilkii kaga qaaday Maayarkii Degmada, Ku Cusubna doortay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, 14 March 2012 (SLpost)- Golaha Deegaanka ee degmadda Gabilay ayaa maanta fadhi aan caadi ahayn oo ay ku yeesheen xarunta dawladda hoose waxay cod aqlabiyad ah ugu doorteen Eng. Axmed Muxumed Qaalib inuu noqdo Maayarka cusub ee magaaladda Gabilay.
Fadhigii Golaha deegaanka Gabiley oo ay gudoominaysay Maayarkii hore ee Gabiley Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Gaydh, waxa ka soo xaadiray 17 Xildhibaan oo ka mid ah 21 ka Xubnood ee Golaha deegaanka Gabilay ka kooban yahay. Waxa kale oo fadhigaasi goob joog ka ahaa Badhasaabka Gobolka Gabilay iyo saraakiil ka socday wasaaradda daakhiliga.
Maayarkii hore ee magaaladda Gabiley Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Gaydh oo gudoominaysay shirkaasi ayaa sheegtay inay muddo ahayd ku simaha maayarka isla markaana ay ku faraxsan tahay in fadhigu qabsoomo oo lagu doorto Maayar cusub.
Fadhigaasi oo ku qabsoomay jawi degan waxa 16 Xildhibaan ay u codeeyeen in Maayarka cusub ee Gabilay ahna Guddoomiyaha Golaha deegaanka degmadaasi uu noqdo . Axmed Muxumed Qaalib.
Waxa kale oo fadhigan ay mudaneyaasha Golaha deegaanka Gabiley ay cod aqlabiyad ah xasaanadii dib ugu soo celiyeen Maayarkii hore ee Gabiley Aadan Muxumed Badde oo sagaal bilood ka hor xasaanadii laga qaaday ka dib markii Hanti-dhawrka guud ku eedeeyay inuu ku tagri-falay hanta qaran.
Waxaana ogolaaday dhammaan Mudaneyaashii halkaasi fadhiyay oo tiradoodu dhamayd 16 Xildhibaan, Guddoomiyuhuna may codayn.
Maayarkii hore ee Gabiley Marwo Khadra Xaaji Gaydh, oo hadda ah Maayar Ku Xigeenka magaaladaasi ayaa hadal kooban oo ay ka jeedisay gabo-gabadii fadhigaasi waxay ku bogaadisay maayarka cusub ee ay doorteen golaha deeganka Gebiley.

SLpost News Desk

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories