HomeGolaha Deegaanka Degmada Saylac oo Fadhigoodii u horreeyey isugu yimi ka dib...

Golaha Deegaanka Degmada Saylac oo Fadhigoodii u horreeyey isugu yimi ka dib markii Xal laga Gaadhay tabashooyin Dhiig ku daatay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Saylac (SLpost)- Xildhibaannada Golaha Deegaanka Degmada Saylac, ayaa maanta isugu yimi kulankoodii u horreeyey tan iyo intii la doortay Golahaas oo muran dhinac hoggaanka ka dhaliyey degmadaas.

Fadhiga maanta oo ay ka soo xaadireen 17-ka xildhibaan ee golaha Deegaanka Saylac oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md Maxamed Nuur Carraale (Duur), Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Zamzam Cabdi Aadan, La-taliyaha madaxweynaha ee Doorashooyinka Maxamed Muuse Abees iyo maamulka gobolka Salal, ayaa ku yimi ka dib markii Weftiga xukuumadda ee degmadaas ku sugani kulamo gooni-gooni ah la qaateen beelaha ku muransan hoggaanka Golaha Deegaanka Saylac, taas oo suurto-galisay in meel layla dhigo xalinta tabashooyinka la xidhiidha Doorashadii goleyaasha deegaanka ee dalka ka qabsoontay sannadkii hore daba-yaaqadiisii.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Md Duur oo kulankaas furay, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inay goob iskugu yimaadaan Xildhibaannada Golaha deegaanka degmada Saylac, waxaanu ku booriyay inay is calool xaadhaan oo ay ka wada hadlaan aayahooda. Isla markaana ka heshiiyaan wixii khilaafaad ah ee dhexdooda yaala.

Wasiirka Daakhiliga Md. Maxamed Nuur Caraalle waxa uu Mudaneyaasha Golaha deegaanka u soo jeediyay inay keeni karaan xal waara oo lagu soo af-jaro kala qeybsanaanta iyo khilaafka dhexdooda ka jira.

Wasiirka waxbarashadda iyo tacliinta sare Marwo Zamzam Cabdi Aadan oo kulankaasi ka hadashay ayaa iyana sheegtay inay ugu ducaynayso Golaha Deegaanka Saylac midnimo iyo khilaaf la’aan, waxaanay u soo jeedisayinay meel iska dhigaan wixii cunfi ah una midoobaan sidii ay uga jibo keeni lahaayeen horumarka degmaddaasi u baahan tahay.

Waxa isaguna kulankaasi ka hadlay Badhasaabka gobolka Salel Nuur Cismaan Guulleed, waxaanu Xildhibaanadda u soo jeediyay inay ku dedaalaan sidii ay u xeerin lahaayeen danta guud isla markaana u soo afjari lahaayeen khilaafkooda.

Golaha Deegaanka ee Saylac ayaa khilaafkiisu ka dhashay ka dib markii Toban Xildhibaan oo ka mid ah 17-ka Xildhibaan oo ka soo jeeda Beesha Samaroon ay doorteen maayar iyo Maayar Ku xigeenka cusub ee degmadda Saylac, halka 7 xildhibaan oo Beesha Ciise Golahaas ugu jira aanay goob joog ka ahayn kana soo xaadirin fadhigaasi wax lagu dooranayay oo ay qaadaceen.

Sidoo kale, horaantii Bishan, waxa degmadda Saylac ka dhacay mudaharaad rabshado watay oo sababay dhimasho iyo dhaawac, kaasi oo salka ku hayay khilaafaadka ka dhashay ka dib markii la shaaciyey in Maayarka cusub ee degmadaasi xilka kala wareegayo maayarkii ka horeeyey ee wakhtigiisu dhammaaday, taasina ay dhalisay inay isku dhacaan ciidamada ammaanka iyo shacab ka gadoodsan natiijadoo ka soo baxday doorashadii goleyaasha deegaanka ee dhammaadka sannadkii hore Dalka ka Qabsoontay.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories