HomeGolaha Deegaanka Cusubi Waxa Uu Leeyahay Sifaalaha Ninkii Maqasha Daayacay Ee Geela...

Golaha Deegaanka Cusubi Waxa Uu Leeyahay Sifaalaha Ninkii Maqasha Daayacay Ee Geela Loo Diray – W/Q: C/raxmaan Colaad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankBina-aadamku tariikhda waxay ka dhaxlaan in lasaxo wixii shalay qaldamay taa haddii lawaayo waxa muuqata in ay jirto astaamihii dibu dhaca. shacabka Somaliland waxay in badan ku riyoonayeen oo ay yididiilo ka qabeen in la helo isbadal horumar keena.

Wakhti hada laga joogo 11 sanadood waxaa loo dareeray dorashooyinkii lagu soo doranayey gole yaasha deegaanada waxaa lafilanayey in dadkan lasoo dooranaya ay waxbadan oo isbadala keeni doonaan lakiin taasi may dhicin waxay noqdeen dad lagu hungoobay siday dadku ka marag kaceen yar iyo weynba.

Waxaa lagu xasuustaa oo diwaanka taariikhda ugu qormay inay noqdeen golihii ugu musuq maasuqa badnaa ee Somaliland soomara waxana loo tiriyaa wixii dan guud ahaa ee umada ka dhaxasay oo maanta ay adagtahay in lahelo meel dan guud ah oo shacabku ka faaidaysan karro. Laakiin waxaa nasiib daro ah oo umadana nusqaan iyo laf-jab ku ah inaan waxba laga baran taariikhdii iyo wixii laga soo dhaxlay golayasha deegannada ee hada wakhtigoodii dhamaday.

Weli ma is-waydiisay dadka hada loo durbaanno tumayo ee lasoo sharaxay noocay yihiin aqoontooda, kartidooda, daacad nimadooda, sumcada ay bulshada dhexdeeda ku leeyihiin iyo sifooyinka lagu soo xulay.

Ugu horayn dadkan waxa lagu soo xulay habka qabiiliga ee wadanka ragaadiyey ee maaha intii labidayey aqoon, karti iyo daacadnimo balse intooda badani waa dadka aan haba yaraatee bulshada dhexdeeda ku lahayn haybad iyo sumcad.

Dadkaasi waxay ubadan yihiin dhalin-yaro aan lahayn hal-abuurnimo hogaamineed iyo waayo aragnimo ay wax ku maamuli karaan, waxa keli oo ay musharaxiin ku noqdeen intooda badani inay yihiin dadka ugu af-miisharsan bulshada dhex deeda.

Ma odhan karno dhamaantood waa ay ka siman yihiin lakiin waxaa jira ash-khaas fara ku tirisa oo leh sifooyinkii qof hogaamiye ah lagu dooran karo. Taasi waxay lamacno tahay inaan marnaba laga filan Karin inay noqdaan dad dhaama kuwa hada meesha banaynaya balse ay noqon doonaan kuwo wax badan laga calaa-cali doono.

Sawkii lahaa run-sheegii halgamaaga ahaa marxuum Maxamed xaashi dhamac gaariye Allah haw naxariistee

Wallee qalin- diraalah

Denbi qaranka laga galay

Kama qariyo wadhatada

Wallee qoonta mililka leh

qaarka sare ma dhay-dhayo

Waxaan jecelahay inaan ku soo afmeero maqalkaygan kooban talo aan usoo jeedin lahaa muwaadiniinta jecel horumarka wadanka

1) Muwadin ugu horayn waa mihiim inaad ka qayb qadata dorashooyinka deeganka balse marnaba codkaaga haku badalan ama hasiisan wax u horseedi kara wadanka dibu dhac iyo foolxumo keenta horumar la?aan iyo musuq maasuqa oo sii baaha.

2) Ogaw inaanu qof xumi qabiil iyo reernimo waxba kuugtu tari Karin lakiin qofka wanaagsani wadanka iyo adigaba wax ku tari karo.

By: C/raxman Colad Cumar jeex

Email:rafiiq2@hotmail.com

00-252-2- 4177118

Hargeisa, Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories