HomeGolaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa oo Doortay Maayar iyo Maayar ku-xigeen

Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa oo Doortay Maayar iyo Maayar ku-xigeen

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Golaha deeganka Caasimadda Hargeysa oo maanta yeeshay fadhigoodii ugu horeeyey, ayaa maayarnimada caasimadda iyo ku-xigeenkiisa u doortay laba mudane oo ka soo baxay Xisbiyada Kulmiye iyo UCID.

Fadhiga Maanta oo ku qabsoomay xarunta Dawladda Hoose ee Hargeysa isla markaana ay ka soo xaadireen aqlabiyadda Golaha oo tiradoodu dhantahay 15 Mudane, ayaa ka hor intii aanu Goluhu hoggaankooda Dooran, waxa madasha shirka ku dhaariyey Garsoore Xuseen Jaamac oo ka socday Maxkamadda Gobolka Hargeysa.

doorashada maayarka (4)

Fadhigan oo ay ka maqnaayeen 10 ka mid ah 25-ka xildhibaan ee Golaha la soo doortay ee Caasimadda, waxa Maayarka Hargeysa loogu doortay Eng Yuusuf Warsame Siciid oo ka soo baxay xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye oo ay u codeeyeen 15 xildhibaan, halka Maayar ku-xigeenka caasimaddana loo doortay Xildhibaan ka soo baxay Xisbiga UCID, Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cago-weyne) oo isaguna helay 15 cod.


doorashada maayarka (5)

Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex oo shirkaasi ka qayb-galay, ayaa sheegay in doorashadu u dhacday si sharci ah, hoggaanka golaha deegaanka Caasimadda-na ay u aqoonsan yihiin Eng. Yuusuf Warsame iyo Cabdicasiis Cago-weyne.

doorashada maayarka

Maayarka iyo ku-xigeenka cusub ee loo doortay Golaha deegaanka Caasimadda Hargeysa, ayaa ka hadlay dareenkooda ku aaddan xilka loo magacaabay iyaga oo shacabka iyo dawladdaba ka codsaday in wada-jir loola shaqeeyo.

“Maayarnimada aan maanta qabtay iyo halqabsigaygii ahaa inaan caasimadda la tartansiinno adduunka, waxa kaliya ee aynu kaga baxaynaa hawsha meesha taala ee badan idinka oo reer Hargeysoow magaaladaas ila dhisa, ila qurxiya, I garab qabta innaga oo dhan oo isku duuban,” sidaa waxa yidhi maayarka Cusub ee Caasimadda Hargeysa Eng Yuusuf Warsame Siciid.

doorashada maayarka (1)

Maayar ku-xigeenka caasimadda Md Cabdicasiis Caga-weyne oo ka hadlay madashii lagu doortay, ayaa bulshada, xildhibaannada deegaanka iyo Xukuumaddaba baaq u diray. “Haddii ay tahay Golaha Dhexdiisa, hadday tahay Xukuumadda; nala shaqeeya oo na garab istaaga. Maanta waa annaga, barrina waa idinka,” ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa.

Dhinaca kale, haldoorka madax-dhaqameedka gobolka Maroodijeex, ayaa hambalyeeyey doorashada hoggaanka cusub ee Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa, iyaga oo sheegay in lagu qanacsan yahay qaabka doorashadoodu u dhacday.

doorashada maayarka (6)

Suldaan Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa guud ahaan hambalyeeyey Goleyaasha iyo maayarradda dalka, isaga oo si gaar ah u soo qaatay maayarka iyo ku-xigeenka caasimadda ee maanta la doortay, “Waxaan hambalyeynayaa dhammaan maayarrada goleyaasha deegaanka dalka gaar ahaan Maayarka iyo ku-xigeenka cusub ee Caasimadda, doorashadani mid lagu qancay weeye,” ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.

Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey oo isaguna ka hadlay qaabka doorashada hoggaanka Golaha Caasimaddu u dhacay, ayaa yidhi, “Waxaanu halkan Hambalyo uga diraynaa Golaha Degaanka Caasimadda sida quruxda badan ee ay u doorteen Maayirka iyo Maayir ki-xigeenka, waxaanu leenahay Hambalyo.”

doorashada maayarka (3)

Sidoo kale, Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, ayaa u duceeyey mudaneyaasha Golaha iyo hoggaankooda cusub, “Waanu Hambalyeenaynaa. Hambalyada waxa ka culus ducada ee waanu u ducayneynaa,” ayuu yidhi Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan.

SOMALILANDPOST.NET

contact[at]somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories