HomeGolaha Deegaanka Burco oo Warqad Cabasho iyo Qar-naqsi is-barkan ah u Gudbiyey...

Golaha Deegaanka Burco oo Warqad Cabasho iyo Qar-naqsi is-barkan ah u Gudbiyey Baarlamaanka Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Burco (SLpost)- Golaha Deegaanka ee Degmada Burco ayaa warqad cabasho ah  u gudbiyey Golayaasha Baarlamaanka Somalilkand ee Guurtida iyo Wakiilada.

 

Warqadda oo xambaarsan Garnaqsi goluhu ku soo bandhigay xuquuq ay leeyihiin oo ka maqan, waxaana lagu sheegay in Golaha Deegaanka degmada Burco uu si xushmad iyo qadarin leh ugu gudbinayo golayaasha Baarlamaanka cabasho ku saabsan xeerarka 23/2002 iyo qodobka 87aad ee xeerka Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka.

Golaha Deegaanka Burco

Qoraalka Cabashada waxa lagu xusay in degmada Burco ay hesho dakhliga dawlada dhexe siiso ee qadarka cashuuraha Kastamada looga asteeyey oo dhan boqolkiiba 10% iyo dakhliga Dawladda Dhexe uga qoondaysay Golayaasha Deegaanka dakhliga Kabka ah oo ay Burco hesho 12.5%, taas oo marka loo eego degmooyinka kale si gaar ah loogu sad-burinayo ama loogu naas Nuujinayo.

 

Qoraalkaasi Cabashada Ah ee Golaha Deegaanka degmada Burco uu u gudbiyey Golayaasha Baarlamaanka Somaliland oo uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Burco, Sh. Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan ayaa u dhignayd sidan:-

 

Ujeedo Cabasho Xeer 23/2002 iyo Xeer 12

Anaga oo ah Golaha Deegaanka degmada Burco waxaanu si xushmad iyo qadarin leh idiinku soo gudbinaynaa cabasho ku saabsan xeerarka kor ku xusan iyo qaab maamulka cashuuraha Dawlada Dhexe kusoo celiso Degmooyinka isku xuquuqda ahaa.

 

Mudanayaal sida uu sheegay Xeerka No; 23/2002 Qodobka 87aad ee xeerka Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka Faqradiisa A&B, waxaa ku xusan in Dakhliga degmooyinka ay ka mid yihiin:

 

1. Dakhliga ay degmooyinku soo saaran (Own source Revenue).

 

2. Dakhliga Dawlada Dhexe siiso ama u qabato degmooyinka (intergovernemental Fiscal Transfer.

 

Hadaba mudanayaal haddii aad sii akhrido isla qodobka 87aad, NO: 3aad ee Xeerka Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka waxaad ka helaysaa in Dakhliga Dawladda Dhexe Siiso u qabato degmooyinka (intervovernmental fiscal transfer) inuu ka mid yahay:-

 

A= Dakhliga Dawladda Dhexe siiso ee ah Qaddarka cashuuraha kastamada (10%)

 

B= Dakhliga Dawladda Dhexe siiso degmooyinka ee ah Qaddarka ay ka helaan miisaaniyada guud ee loo yaqaano kabka (12.5%).

 

Mudaneyaal  haddaba Dhakhliga ay Dawladda Dhexe ku soo celiso degmooyinka waa (22.5%).

 

Mudaneyaal waxaad nala akhridaan qodobka 89aad NO:3 ee ku saabsan nidaamka Kabka (12.5%, mee dakhligii ahaa 10% intergovernmental fiscal transfer? Waxa la qaybinayaa waa 12.5% oo keliyaa.

 

Mudanayaal nala akhriya qodobka 89 NO;1 ee Xeerka Ismaamulka gobolada iyo degmooyinka wuxuu sheegayaa dakhliga ay dawladda dhexe siiso degmooyinka ee ay ka helaan Miisaaniyadda guud ee loo yaqaan Kabka (12.5%) waxa loo qaybinayaa degmooyinka iyadoo lagu salaynayo noocyada derejooyinka kala duwan ee degmooyinka iyo shuruudaha (criteria) ay ka mid yihiin: tirada dadweynaha degmada, Baaxadda dhulka ay ku fadhido degmadu iyo dakhliga ay soo saarto.

 

Mudaneyaal bal nala eega qaybintan: Burco 12%, Hargeysa 35%, Ceerigaabo 7.09%, Sool 6.09%. mudaneyaal idinkoo nala arka in cashuuraha Kastamada ee 10% lagu gaar yeelay meelo gaar ah (import & export) ay una egtahay in si gaar ah loo korinayo meelo gaar ah. Waxa kale oo aad nala fahamteen in kabka 12.5% loo burinayay meelo gaar ah si gaar ahna loogu naas nuujiyay taas oo ay kuu caddaynayso inay jiraan cabashooyinka aan ka hadlaynaa.

 

Mudaneyaal iyadoo ay jirto kala bursi dhaqaale oo aan markhaati kale u baahnayn marka aad xogta ka heshaan Wasaaradda Maaliyada iyo Xisaabaadka Guud. Mudaneyaal iyadoo ay jirto in degmooyinku ay noqdeen laba dabaqadood oo kala jiitay. Iyadoo aynu wadda ognahay inay dhibtu ka horaysay dawladihii Kulmiye ee kala danbeeyey kuna sinnayd dawladii UDUB.

 

Sidaa awgeed waxaan si qadarin leh idiinka codsanaynaa:

1= In labada saami cashuureed ee kala ah Kastamada (10%) iyo Kabka (12.5%) laysku daro.

 

2= marka laysku daro waa (22.5%) isugayn dabadee waa in loo qaybiyo sida ku cad qodobka 89aad NO: 1&2 ee xeerka Ismaamulka gobolada iyo degmooyinka, waxaan ogolahay in kastamada iyo dekedaha ay cashuurtani ka soo baxdo la siiyo tixgelin macquul ah.

 

Baraarujin: Dekeda Berbera iyo Kastamka Kalabaydh waa hanti qaranku wada leeyahay, xoolaha lagu cashuuraana waa hanti ka dhaxaysa ganacsatada Somaliland oo aan cidi gaar u sheegan karin.

 

Sidaa awgeed waa in cashuurta ka soo baxaysana qaranku u sinnaado oo aanay la mid noqon cashuuraha Ardiyada, Liisamada, Digada Xoolaha, Cashuuraha Dejinta Badeecadaha IWM, kuwaas oo degmo waliba gaarkeeda u leedahay una cashuurato.

 

Mudanayaal Rag Caddaalad waayaa sidii cawsha kala yaac, waxaan idinka rajaynayaa in mar hadii Xeer 23/2002 uu maanta idin horyaalo isagoo u baahan wax ka beddel iyo kaabis inaad u caddaalad samaysaan degmooyinka Jamhuuriyada Somaliland ee isku xuquuqda ah anagoo dareensan inaad nala ogtihiin cabashooyinkayagaas.

 

NB: Mudanayaal waxa jiri jiray in degmo waliba ay iyadu gaar u cashuuran jirtay khayraadkeeda sida:- Adhiga, Xabkaha, Beeyada IWM. Iyada oo ay sidaa ahayd waxa la xeeray xeer 12 (Xeerka Midaynta Cashuuraha) sidaa awgeed cashuurtii ay degmooyinku qaadi jireen waxa loo asteeyey Berbera iyo Gabiley waxay taasi keentay inay ka faa’iidaystaan degmooyin gaar ah.” Sidaas ayaa lagu yidhi Qoraalka ka soo baxay Golaha Deegaanka ee Degmada Burco.

 

Somalilandpost News

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories