HomeGolaha Baarlamaanku Ha Joojiyo Lacagta Xaaraanta Ah Ee Madaarada Laga Qaado‏ -...

Golaha Baarlamaanku Ha Joojiyo Lacagta Xaaraanta Ah Ee Madaarada Laga Qaado‏ – W/Q: Xuseen Xirsi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Aqalka Wakiillada Waxaan Leeyay Ha Ku Sifoobina Sida Xildhibaanada Caanka Ah Ee Cali Mareexaan  Nac Nac  Iyo  Waabeeyo,Wasiiraka Duuulista Iyo Hawadana Waxaan Leeyay Yaanay  ($10usd) Kuusoo Jiidin Magac Xumo Iyo Naanays Kuu Gasha Diiwaanka

Assalaamu calaykum

Salaantaa islaamka kadib waxaan jeclaystay inaan maantana xasuusiyo Aqalka wakiillda JSL indadku ildheer ku eegaayo bal waxay ka yeelan lacagtii hadalkeedu taagnaa ee lagaga Qaadayey madaarada dadka ka dhoofa  ee ahayd ($ 10 USD) oo laga sugaayo bal waxay ka yeelaan baarlamaanku arrintaa hadaba waxaynu ka wada dheregsanay inay lacagtaasu ku tahay dadka kelifaad iyo dhib aanay Qaadi karin oo ku haysa ama lagala kulmo culays aad uu u dareemo dadku waayo waa lacag aan haysan marinkeedii ama aan sharci ahayn sida la wada ogyahay waana ku kelifaad ummada kasoo degta madaarada lacagtaasu sidaa darted waxa looga fadhiyaa golaha baarlamaanka ee JSL in aanay lacagtaa ku socodsiin ummadda danyarta ah ee dooratay waana inay dhadhamiyaan magaca ay meesha ku joogaan oo ah Aqalka wakiilada JSL isna weydiiyaan horta yay wakiil ka yihiin? maxayse wakiil uga yihiin? Waxa hubaal ah kolkay su,aashaas is weydiiyaan xildhibaanada golaha wakiilladu inay intooda damiir koodu caafimaad Qabaa dareemi doonaan masuuliyadda ka saran shacbigii soo doortay ee nin waliba u ballan Qaadyey inuu si cadaaladda waafaqsan ugu adeegi doono illaahay hortiisna ay kula mubaayacoodeen oo ballanka kula galeen inay masuuliyadaa siday tahay u gudanayaan  hadaba iyadoo ay  muuqato xaaraan nimada lacagtaa (TOBANKA DOOLLAR) ahi ayaa hadana waxa jirta cabsi dadku ka Qabaan xil gudashada Aqalka wakiillada ee aynu u igmanay is hortaaga arimahaas oo kale iyo illaalinta shuruucda dalka iyo dejinta xeeranka lagu hagayo hay,adaha dalka oo aad moodo inay beryahan ku danbeysey iska maroorsi iyo nin toocsi nin waliba siduu doono u maamulo xafiiska uu joogo hadaba waxaan ku soo  ururinayaa maqaalkaygan gaaban odayaasha Aqalka wakiiladu inay arrintaas ku eegaan fiiro dheer oo ay doontaan cidii uga Aqoon badan xeererka madaarrada iyo wax yaabaha ku waajibi kara dadka rakaabka ah ee raaca dayuuradaha xataa waxa jiri karta iyadoo loo danaynayo dakeena in laga dul qaado wax sharci ku waajibiyey oo laga saamaxo ama laga khafiifiyo taana inagu ma naqaano ee bal tan aan sharciga ahaynuun hala joojiyo oo ILLAAHAYNA halaga baqo shicibkana ha laga daayo dhibka iyo cadaalad darrada baahdey golaha wakiiladuna yaanay ku sifoobin oo aanay wada noqon  sida xildhibaanada caanka ah ee( CALI MAREEXAAN ,NACNAC ,IYO ,WAABEEYO  kuwaas oo u suntan dadkii soo doortay  oo u kalaha dantooda iyo maalinba halka  ay kulmiye ugu dhawaan karayaan  wasiirka hawada iyo duulistana waxaan kula talinyaa madaarka BERBERA waxaad ka Qabatay dib u dhis fiican kumana amaanid oo waa waajib ku saran ee yaanay(TOBANKAN DOOLLAR )ee machine kii lagu magacaabay fadhiistay kuu soo jiidin naanays iyo magac xumo diiwaanka  kuu  gasha.

XUSEEN XIRSI CAAMIR (ABU MAXAMED)

Email inacaamir1960@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories