HomeGolaha Aqalka Sare Ee Kenya Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay Hadalkii...

Golaha Aqalka Sare Ee Kenya Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay Hadalkii Ruto Ee Dibu-celinta Qaxoontiga Dhadhaab

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Nairobi. (SLP)- Golaha aqalka sare (Senators) ee dalka Kenya ayaa ganafka ku dhuftay maanta in qaxoontiga Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha Dhadhaab si khasab ah dalkooda loogu celiyo. Ka dib markii madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya William Ruto uu dhawaan ka dalbaday hay’adda UNHCR in saddex bilood gudahood ay qaxoontiga ku jira Dhadhaab dib ay ugu rarto gudaha Soomaaliya.Aqalka_Sare_Kenya

Afhayeenka golaha senator-rada Kenya, Ekwe Ethuro oo warbaahinta kula hadlay Nairobi ayaa sheegay inaan khasab lagu celin karin qaxoontiga Soomaaliyeed ee dalkooda ku nool, isagoo meesha ka saaray in xukuumadda Kenya ay ka hor-imanayso sharciyada u yaalla qaxoontiga Caalamka.

“Kenya xoog kuma celin doonto qaxoontiga Soomaaliyeed ee dalkeeda ku nool, waxaanan caddeynayaa in xukuumadda Kenya aanay ka hori-man doonin shuruucda caalamiga ah ee u yaalla qaxoontiga,” ayuu yidhi Ekwe Ethuro.

Isagoo sii wata hadalkiisa waxa uu yidhi. “Kenya waxay Qaramada Midoobay kala shaqaynaysaa sidii qaxoontiga Dhadhaab ku nool ay si iskood ah ugu laaban lahaayeen dalkooda, iyadoo aanu jirin wax khasab ahi.”

Hadalka mas’uulkan ka tirsan Aqalka Sare ee dalka Kenya ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay dawladda Kenya dhawaan dalbatay in qaxoontiga Dhadhaab ku jira dib loogu celiyo dalka Soomaaliya.

William Ruto ayaa ku andacooday in xeryaha Dhadhaab ay Al-shabaab u adeegsato goobo ay kasoo abaabusho weerarrada Kenya ka dhaca, waxaanu intaas raaciyay in xukuumadda Kenya ay shuruucda caalamiga ah ee ilaalinta qaxoontiga ay ka hor-marinayso sidii amniga shacabkeeda ay u sugi lahayd.

Dhinaca kale, hay’adda UNHCR oo ka jawaabtay go’aanka xukuumadda Kenya ee dib-u-celinta qaxoontiga Dhadhaab, iyadoo sheegtay in Kenya ay kala shaqayn doonto sidii ay u sugi lahayd amniga dalkeeda, ka shacabkeeda iyo ka qaxoontiga Dhadhaab ku nool.

Si kastaba ha ahaatee, Al-shabaab ayaa dhowr jeer weerar oo qaasaare badan gaystay ka fulisay gudaha dalka Kenya, kuwaasoo uu ugu dambeeyay weearkii ay Jaamacadda Gaarisa ku qaadday bilawgii bishan April oo ay ku dishay 148-qof oo u badan ardaydii Jaamacaddaas wax ka baranaysay.

 

Wararka Afrika

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories