HomeGolaha Ammaanka oo ku gacan-saydhay Codsi Dowladda Soomaaliya u gudbisay

Golaha Ammaanka oo ku gacan-saydhay Codsi Dowladda Soomaaliya u gudbisay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Isniintii xalay ansixiyay go’aan lagu kordhiyo muddada cuna-qabataynta hubka ee Soomaaliya, inkasta oo xukuumadda Muqdisho dalbatay in laga qaado cuno-qabataynta, isla markaana iyadu masuul ka noqonayso ammaanka dalkeeda.

Qaraarka Golaha Ammaanka oo tirsigiisu yahay 2607/2021, ayaa muddo hal sanno ah lagu kordhiyey cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya oo soo taxnayd muddo 30 sanno ah, waxaana wax laga beddelay go’aamo ka dambeeyay oo ka soo baxay Qaramada Midoobay

blankQodobbada ku xusan Qaraarkan ayaa sheegaya in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu kordhin doono kaantaroolidda hubka Soomaaliya Dibadda ka soo iibsaneyso si loo xakameeyo ganacsiga sharci-darrada ah ee Hubka.

13 dal oo ka mid ah 15-ka waddan ee Golaha Ammaanku ka kooban yahay, ayaa ansixiyey qaraarka lagu meel-mariyey cunaqabataynta hubka Soomaaliya, waxaana waddamada safka hore kaga jiray ansixintiisa ku jiray Waddanka Kenya oo ka mid ah Dalalka Midowga Africa ee Ciidammada nabad-ilaalintu ka joogaan dalka Soomaaliya.

Waddamada Ruusha iyo Shiinaha ayaa aamusay codeyntii qaraarkan.

Qaraarkan lagu kordhiyey cuna-qabataynta Hubka Soomaaliya waxa soo diyaariyay waddanka UK oo ballan qaaday inuu dalkaas ka taageeri doono mashaariicda dib-u-dhiska oo ay ka mid yihiin qalabaynta ciidamada ammaanka iyo xakamaynta ilaha ay kooxda Al-shabaab ka hesho dhaqaalaha iyo hubka.

Soomaaliya ayaa hore ugu baaqday in Qaramada Midoobay ka qaaddo Cuna-qabataynta hubka si ay fursad ugu hesho inay xoojiso awoodda ciidankeeda. Waxa kale oo Soomaaliya ka hor-timi qorshe muddo-kordhin loogu samaynayo xoogagga Midowga Afrika AMISOM ee nabad-ilaalinta u jooga dalkaas ama in wax-ka-beddel lagu sameeyo oo laga dhigo hawl-gal nabad-ilaalin ah oo ka kooban ciidamo isku-dhaf ah oo maamul ahaan hoos-taga Saraakiil iyo khubaro Milatari oo u dhashay Soomaaliya.

Muddo-kordhin lagu sameeyo cunaqabateynta hubka Soomaaliya iyo wax-ka-bedel lagu sameeyo sifaha xoogagga AMISOM ku joogaan dalkaas, ayaa ka mid ah go’aamada muhiimka ah ee la qorsheeyey in Golaha Ammaanku go’aamo ka soo saaro ka hor dhammaadka sannadkan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories