HomeGolaha Ammaanka Oo Cod U Qaadaya Cuno-qabateynta Xuutiyiinta Yemen Iyo Ruushka Oo...

Golaha Ammaanka Oo Cod U Qaadaya Cuno-qabateynta Xuutiyiinta Yemen Iyo Ruushka Oo Laga Cabsi Qabo Inuu Diido

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

New York, (SLP)- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa lagu wadaa inay u codeeyaan in cuno-qabateyn dhinaca hubka ah oo lagu soo rogo xoogagga Xuutiyiinta dalka Yemen, kuwaasoo dagaal kula jira dawladda dalkaas oo ay Sucuudiga iyo xulufadiisu taageeraan.

Qaraarkan ogolaanaya cunno-qabtaynta ee loo codaynayo ayaa wuxuu sidoo kale qeexayaa in xoogaga Xuutiyiintu ay ka baxaan dhamaan dhulkii ay qabsadeen, waxa kale oo xayiraad la saarayaa hoggaamiyeyaasha kooxdaas.

Dawladda Ruushka ayaa laga cabsi qabaa inay qaraarkan la doonayo in lagu soo rogo Xuutiyiinta Yemen ay ka hortagto, iyadoo laga yaabo inay codka VITO-ga u adeegsato sidii qaraarkan ay uga hortagi lahayd.UN

Xukuumadda Sucuudiga ayaa hore ugu eedaysay Iiraan inay taageerto Xuutiyiinta Yemen oo shiico ah, kuwaasoo qabsaday dhamaan inta badan magaalooyinka waaweyn ee dalkaas oo ay ku jirto caasimadda Sanca.

Sidoo kale, qaraarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee Golaha Ammanka lasoo hordhigo, iyadoo haddii loo codeeyo ay taageero siinaysa waddamada duqeynta ku wada kooxdan ee uu hoggaaminayo Sucuudiga.

Xoogaga Xuutiyiinta iyo ciidamada daacadda u ah Yemen ayaa waxay ku dagaalamayaan waddooyinka magaalada Cadan, iyadoo weli aan lagu kala adkaan  la yahay dagaalka ka socda magaaladaas.

 

Somalilandposy.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories