HomeGolaha Amaanka iyo dalka Iiraan oo madaxa iskugula jira iyo Jaamacadda Carabta...

Golaha Amaanka iyo dalka Iiraan oo madaxa iskugula jira iyo Jaamacadda Carabta oo dhalleecaysay qaraar ka soo baxay Baarlamanka Israa’iil

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Qaahira (SLpost)- War-bixin aan weli la  shaacin oo ay soo saareen Guddiga  Caalamiga ah ee cuna-qabataynta dalka Iiraan ku sheegeen inay  Iiraan hubka u gudbiso maamulka ka taliya dalka Suuriya.

Sida ay baahisay Wakaalada wararka  ee Reuters, khubaro ka tirsan Guddigan ayaa war-bixin sir ah oo aan weli la shaacin ku sheegay in Dalka Suuriya isha ugu weyn ee uu hubka ka helaa ay tahay dalka Iiraan, taasina ay xad gudub ku tahay cuna-qabataynta Golaha amaanku uu ku soo rogay in wax hub laga soo waarido dalka Iiraan.

Guddiga cuna qabataynta  Qaramada midoobay  oo khubaro ka tirsani soo diyaariseen warbixintan ayaa marka hore  dib u eegis ku samayn doona ka hor inta aanay u gudbin Golaha Ammaanka.

Ilaa wakhtigan lama cayimin waqtiga  war-bixintan  ay guddiga cuna qabatayntu soo diyaariyeen u gudbi doonto Golaha ammaanka iyada oo dalka Ruushku uu  kal hore  is-hortaagay in war-bixintan la gudbiyo.

Dhanka kale, Ururka Jaamacada Carabta ayaa si adag u canbaareeyey Go’aan guddiga maaliyadda ee golaha baarlamaanka dalka Israa’iil  ku qoondeeyeen in miisaaniyada dalkaasi loogu daro 24 Milyan oo lacagta dalkaas ah si loogu hawl-galo degaamaynta  sharci darrada ah ee israa’iil ka waddo dhulka Falastiin.

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee  Jaamacada Carabta ee Arrimaha Falastiin iyo dhulka Carbeed ee Israa’iil haysato Maxamed Sabiix, ayaa canbaareeyey qaraarkaasi Golaha baarlamaanka Israa’iil, waxaanu xukuumadda Israa’iil ku tilmaamay inay tahay mid isu haysata inay qaanuunka ka sarayso.

Maxamed Sabiix sheegay in degaamayntu ay  tahay sharci darro aan la aqbali Karin isaga oo xusay inay dacwad arrinta ka dhan ah u gudbin doonaan Maxkamada Caalamiga.

Waxa uu Maxamed Sabiix intaa ku daray in degaamaynta Israa’iil ay waddaa ay caqabad ku tahay dhabbaha nabad lagu gaadhi lahaa iyo dedaalada nabad-raadinta.

SLpost News

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories