HomeGOBONIMADU WAA SHARAF ( RAGOW DUMARKA DHAWRA ).

GOBONIMADU WAA SHARAF ( RAGOW DUMARKA DHAWRA ).

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Waa qiso dhab ahay oo ka dhacday gayigeena ,Waxay ku wada socdeen 4 nin oo safar ahaa, mid ka mid ayaa la balamay gabadh, laakin markay ugu timid goobtii balantu ahayd, ayuu diiday inuu gabadhii u kaco, dhawr jeer ayay isku dayday inay u yeedho oo ay cid u soo dirto, nasiib daro wuu diiday inuu u kaco, saxiibkii Muhanad oo garab fadhiyay ayaa ku yidhi, waar orod gabadha u kac adaa la balamaye, se wuu ka gaws adaygay, muran iyo hadal dheer ka bacdi Muhanad oo ninak gabadha la balamay ay saxiib ahaayeen oo garabkiisa fadhiyay ayaa ukacay oo gabadhii si dabacsan oo naxariisi ku jirto ula hadlay, se kumuu simin ninkii gabadha la balamay ee Xassan ee intuu ka soo daba kacay , ayuu gabadhii cay u miisay, Muhanad oo ay xasan saxiib ahaayeen oo ahaa nin dhaqan fiican , ayaa ka diiray cayda gabadha, ka dib labadii saaxiib waa Xassan iyo Muhanade aya is af-dhaafay, gacan ka hadal ayay arintu gaadhay, la kala calaf qaad, gabadhii oo bartii joogta ayaa loo yeedhay, waxaana la waydiiyay arinta halkan keentay, waxayna tidhi sidan
” Walaalo ninkani isagaa qaadka i baray, markastuu halkan yimaadana isagaa qaadka iila iman jiay, sidii uu kolba laan iigu qasbayay ayaan ugu danbayntii aan bartay qaadka, maantana kii i baabiiyay ayaa sidaa ii galaya ” naxdin, af-kala qaad iyo u qaadan waa ayaa goobtii ka dhacay, RAGU KALA GOBSAN, oo kala garad badan, Xassan ninkii sidaa sameeyay saaxiibkiisii Muhanad ee uu gacan ka hadalku dhex maray, hadalka mabuu sii badin, ee wuxuu go’aan ku gaadhay inuu hawsha si gobonimo u jirto u dhameeyo, wuxuuna gabadhii ka codsaday ( waa Muhanade (Xassan Saaxiibkii ) in ay ogoshahay inuu isagu mehersado, iyaduna marxaba ( waayahay ) oo qudha ayay ugu jawaabtay, isla goobtii ayaa meherku ka dhacay, isla goobtii ayaana sheekh loogu yeedhay, gabadhiina halkii ayay dhaar ku martay, inaanay qaad danbe afka saari doonin, oo ay wacad alle ku martay, halkii ayaanu reerkii ku dhismay, hadda reerkii way wada nool yihiin, waxaanay isku leeyihiin in ka badan 8 caruura, gabadhiina waa sheekhad diinta ilaahay ay biyo dhigtay oo aan la arag hal maalin iyadoo bilaa xijaaba, ugu danbayntii GOBONIMADU WAA SHARAF, RAGUNA KALA GARASHO IYO GARAAD BADAN…………………..RAGOW DUMARKA– RAGOW DUMARKA DHAWRA.

Firo Gaara : Gabadha waxaa guursaday Xassan Saaxiibkiisii xumaanta iyo dhaqan xumadiisa arkayay, oo ay hadda marwadiisa xalaasha ah tahay, sheekhada labada magac wana ku macaaneeyay, waayo ciday sheekadu ka dhacday lafteedu akhristayasha ayay ka mid noqon karaan, hana iga filan inaan idin tuso ama idiin sheego ciday ku dhacday, se ogaada waa qiso dhab ah oo jirtee.

Abdifatah Sh.Nouh jaamac ( Suldaanka )

Miskiin ilaahay oo xaqa danyartaa u dooda.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories