HomeGobonimadda Iyo Golaha Nabadda Ha La wada Illaashado Somalilandneey

Gobonimadda Iyo Golaha Nabadda Ha La wada Illaashado Somalilandneey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Berberaay Hooyadii S/ Land,waxaad ahayd Hooyo dalkeeda iyo dadkeedaba jecel,Danyar  korisaay,jaarkeeda iyo inta la deganba aad u xushmaysa oo aan Dabac xumo iyo  qallafsanaan  lahayn,dadkuna u siman yihiin oo aan looga baran hadalo deelqaaf ku ah walaalaheeda ay wada  degaan deegaanka. Waxaana hore loo yidhi ama ay caan ku ahaydba,hooyada ka sokaw inay  tahay  SODOH-DII S/land; Sodohina waxay hiddo iyo dhaqanba u lahayd,Xishood,Karaamo iyo  qadarin ay u hayso,Cid kasta oo  ka mida walaalaha ay la dhalatay,inay gurigeeda ku soo dhaweyso, ku karaamayso magaca ay wadaagaan,taasoo taariikhdana baal dahaba ka jirta,Qalbiga iyo Maskaxdana ugu kaydsan,kuna kaydsanaan doona ABID

Haddaba,waxaa maalintii ay  Bishu ahayd ,22/12/2012,waxa qaadan waa iyo Fajiciso igu  noqotay,war yar oo berbera naga soo gaadhay,oo nagu noqday… Ma reer Berberaa  waalan  mise  Cadanbaa laga heesaya……iwm ,,?

Waxaanu in badan Rog Rognay,oo aanu isweydiinay,malaha reerkii gobta ahaa arrinkaasi kama  suuroobo ee waa war xume tashiilki oo mijintii raadinaya…..iwm. ee hala hubsado arrinkaasi, annagoo isku hayna,ayey noo xaqiijiyeen, VOA iyo BBC-du,inay berbera wax ka dhaceen,oo si  gaara loo bar tilmaamsaday,qaar ka mida shirkadaha ganacsiga  sida TELESOM, DahabShiil iyo qaar kale markaa maaha in shakhsi aan beel iyo reer toona shaqo ku lahayn,in xafiisyadiisi la  weeraray wax yeelona loo gaystay; iyadoo aaan waxba la iska weydiin ama lagu xisaabtamin,  Maamuuska iyo Xushmada uu ku leeyahay  J. S/ Land  shakhsigaasi.

Mana aha shakhsigaasi ama ,mid loo nisbeeyo Qabiil iyo reer toona,isla markaana lagu xidhiidhiyo Xukuumada. Waa shakhsi ka madax bannaan oo aan wax xidhiidh ah ama lugba ku lahayn,arrimahaas ay reer Berbera ka gadoodeen.

ganacsadahaasina,wanaag mooyee weligii xumaan kumu talin,waa shakhsi daacad u ah dadkiisa iyo dalkiisaba,isla markaana ka madax bannaan Siyaasadda oo aan wax shaqo ah ku lahayn ,kuna  eeg Ganacsigiisa iyo hawlaha u gaarka ah. Waana shakhsi ay u siman yihiin dadkiisu oo aan kala  jeclayn  Fiqiirka iyo Taajirkaba. Isla markaana qayb libaax ka qaatay dalkan Horumarkiisa,oo aan  maanta laga been sheegi karayn horaysiyo dambaysoba. Waana shakhsi gudo iyo debadba ku leh Maamuus iyo Qadarin,ay u hayaan shicibweynaha reer S/ Land. Halkana laguma soo koobi karo wax qabadkiisa iyo waxtarkiisaba.

Haddaba,waxaan leeyahay , ma gayaan manay mutaysan maanta hadallada deelqaafka ah iyo Gardarada aan geedna loogu soo gaban,ee ay reer berbera ugu badheedheen Dahab Shiil iyo Telesom toona waxa sidaasi yidhi. Moxammad  Jaamac Liibaan,oo ka mid ah wax garadka iyo aqoon-yahanada Somaliland.

Waxaan leeyahay reer berbarow, Salaadiin,Cuqaal,Waxgarad,Aqoonyahan,Duqay waayo arag ah oo aqoon leh,Rag iyo Dumarba,Dhalliyaro iyo waayeelba. Waxaa maanta iyo Bariba la idin ka fadhiyaa,sugayaa oo xil iyo waajiba idin ka saran yahay, inaad Xaal Gole Joog ah,ka siisaan kana  Raalli galisaan  Shirkadahaasi,dhacdadaas lama filaanka ahayd.

Shirkada Dahabshiil  iyo Telesom na waa Shirkadaha Keliya ee si Wadannimo leh dalkooda uga fulisa Mashruuc Kasta oo wax tar u leh dadkeeda iyo wadankeedaba hadii ay tahay Maalgashi,Dhismayaal Bilic leh iyo kuwo lagu samaynayo Da’yac tirba sida Caafimaadka  Iyo guud ahaanba Adeegyada Bulshadda,Waxbarashadda dadban iyo tan tooska ahba, Wadooyinka iyo waliba Caawimooyinka kala duwan ee ay sida joogtada ah u siiyaan Agoomaha iyo Darbijiifka yar yar, oo ay hadh iyo habeenba heegan u tahay daryeelkooda.

Waana mid ay taariikhdu xusi doonto,sidaad ka yeeshaan arrinkaasi…. Igaba dhan,waxaanse ku  darayaa oo aan leeyahay…laba  G midkood ama mid ka mida kaad  TAJKA saaraysaan  idinku    isweydiiya.. Geesina waa garanayaa,doqonna loo sheegi maayo. Ilaahay[sw] ha idin garansiiyo.

W A   B I L L A A H I    T A W F I I Q . Axmad  M.M.C.Hargeysa.

Kobciye999@gmail.com:Tel:002522-9118404

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories