HomeGobollada Sool iyo Sanaag oo Yeelanaya Ciidan Dab-demis, 50 Boos-Shaqo oo ka...

Gobollada Sool iyo Sanaag oo Yeelanaya Ciidan Dab-demis, 50 Boos-Shaqo oo ka bannaan iyo Shuruudaha looga baahan yahay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Gobollada Sool iyo Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa markii u horeysay yeelanaya Ciidan Dab-demis ah oo ka hawl-gali doona Xarumo Cusub oo laga samaynayo magaalooyinka Laascanood iyo Ceerigaabo.

blankXarunta Guud ee Ciidanka Dab-demiska ee magaalada Hargeysa, ayaa baahisay in labadaas gobol mid kasta ay ka hawl-gali doonaan 25 Xubnood oo tiradooda marka laysku daro noqonayso 50 xubnood oo loo tabobaro Ciidanka dab-demiska ee labada gobol.

Xubnaha loo qaadanayo ciidanka dab-demiska ee gobollada Sool iyo Sanaag ayaa boosaskooda lagu naadiyey ogeysiis bulshada gobolladaas lagu wargelinayo inay soo codsadaan boosaska iyagoo araajida codsiyadooda ku hagaajinaya Xarumaha Maamulka degmada Laascaanood iyo gobolka Sanaag.

Naadada lagu faafiyey boosaska shaqo ee ka bannaan Ciidanka dab-demiska ee loo qaadanayo gobollada Sool iyo Sanaag oo ay ku lammaan yihiin laba qodob oo gun-dhig u ah shuruudaha looga baahan yahay qofka ka qayb-galaya, ayaa u qornaa sidan:-

“Ciidanka Dab-demiska Somaliland wuxuu Naadinayaa xulashada xubnaha cusub ee loo tababari doono Ciidanka Dab-demiska Gobolada Sool iyo Sanaag, kuwaasi oo tiradoodu kala ah 25 Xubnood oo loo tababarayo Gobolka Sool iyo 25 Xubnood oo loo tababarayo Gobolka Sanaag.

Haddaba Ciddii dananaysa in ay ka mid noqoto xubnaha loo tababari doono Ciidanka Dab-demiska Goboladaas, waxay codsiyada iyo araajida ku soo hagaajin doonaan xarunta Dowlada hoose ee Laascaanood iyo xarunta Badhasaabka Gobolka Sanaag taasoo socon doonta Muddo 5 Maalmood laga bilaabo taariikhda 16/01/2020 ilaa 20/01/2020.

Shuruudaha Qaybta 1aad (Shakhsiyada Qofka )

  • Inuu yahay Muwaadin Somalilander ah, haysatana kaadhka Dhalashada Somaliland ( National ID Card)
  • In aanu xukun maxkamadeed ku dhicin 2 ilaa 3 dii Sanadood ee u dambeeyay.
  • Inaa aanuu lahayn balwad sida Jaadka, Sigaarka IWM
  • In Da’diisu aanay ka yarayn 18 Sanno kana weynaaan 25 Sanno.
  • In uu leeyahay aqoon ugu yaraan Dugsi sare ama wax u dhigma
  • In aanu dhererkiisu ka gaabanayn 1.75m, Miisaankiisuna ka yaraan 65 Kg.
  • In laga qaado Imtixaam orod, culays qaadis, Diin, Taariikh iyo Xisaab.
  • In aanuu shaqo kale haynin, Waxbarashana u socon.
  • Inuu la yimaado 2 Sawir oo kur ah iyo aqoonsiga shahaadada asalkeeda.

Shuruudaha Qaybta 2aad ( Caafimaadka Qofka )

  • Qof Jidh ahaan Caafimaad qaba Qof Maskax ahaan Caafimaad qaba.
  • Waa in qofka laga qaado baadhitaan caafimaad oo iskugu jira baadhitaanka cudurada kala duwan iyo baadhitaan maskaxeed.
  • In ay caddaato ka bad-qabka cudurada faafa sida ( TB, Hepatitis C,B iyo HIV).
  • In quwadda caafimaad ee jidhkiisa adkeysi u leedahay neefsiga xaaladaha culus.
  • In jidhkiisu bedqabo dhaawac muuqda iyo mid qarsoona laheyn.
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories