HomeGobolkii Marti-galinayay horyaalka Somaliland isla markaana haystay Horyaalka Gobollada oo gobolka HAWD...

Gobolkii Marti-galinayay horyaalka Somaliland isla markaana haystay Horyaalka Gobollada oo gobolka HAWD uu rikoodh-jabis kaga reebay Tartanka

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Burco, (SLpost)-Xulkii gobolka martigelinayey horyaalka gobollada Somaliland isla markaana hore u haystay koobka horyaalka gobollada ayaa noqday xulkii ugu horreyey ee ku hadha wareegga saddexaad ee tartanka ka dib markii ay wacdaro kala kulmeen xulka gobolka Hawd oo ay u tahay sannadkii koowaad ee ay tartanka ka qayb-galaan.

Ciyaar aad u adag oo natiijadeeda la sugayey ayaa maanta dhex martay gobollada Togdheer iyo Hawd ayaa ka dhacday garoonka Alamsy Stadium ee magaalada Burco.

Ciyaartan oo koox walba u ahayd kulankii saddexaad ayaa ku dhammaatay natiijo ka nixisay gobolka martigelinaya horyaalka gobollada Somaliland isla markaana hore u haysatay horyaalka gobollada Dalka ee Togdheer, ka dib markii xulka gobolka Hawd oo ay tahay sannadkii ugu horreeyey ee ay ka qayb-galaan ay natiijo rikoodh jabis ah ku muquuniyeen xulka gobolka Togdheer.

Waxa ay ciyaartu ku bilaaban tay xamaasad aad u adag oo koox waliba doonayso inay hanato guusha, balse nasiib darro waxa gobolka martida loo ahaa qaybtii hore ee ciyaarta laga dhaliyey laba gool in kasta oo gobolka Togdheer soo bandhigay ciyaar qaabkeedu yahay 4,4,2, halka xulka gobolka Hawd ay ku soo galeen garoonka qaab-ciyaareed weerar u badan oo u dhigan 4,2,4 taasina u suurto-galisay inay markiiba dhashadaan labada gool.

Markii lagu soo noqday, waxa markiiba gobolka hawd u suurto-gashay inay dhashadaan goolkii 3aad taasina dhalisay inay waxoogay yar niyad jabaan. Waxoogay markii ay ciyaartu socotay, waxa haddana gobolka hawd u suurto-gashay inay keensadaan goolkii 4aad.

In kasta oo aanay gobolka Togdheer wax gool ah aanay keensan, haddana waxa mar kale gool kii 5aad dhaliyey gobolka Hawd balse goolkaasi muu noqon mid uu aqbalo garsoorihii ciyaarta gacanta ku hayey kaas oo uu ka soo qaaday waxba kama jiraan.

Qaybtii dambe ee ciyaarta markii ay afar daqiiqo ka hadhasanayd ayey xulka gobolka Togdheer keensadeen goolkii 1aad.

Ciyaartan dhex martay labada gobo loo ahayd mid qurux badan isla markaana daawadayaasha garoonka ku sugnaa ay ka badnaayeen intii hore, taageerayaashuna u badnaayeen gobolka martigelinta iska leh, waxa ay ku soo dhammatay natiijo 4-1.

Labadan gobol ee maanta wada ciyaaray oo ku jira Group A isla markaana ay kula jiraan gobollada Sanaag iyo Maroodi-jeex, waxa uu gobolka Hawd ku hoggaaminayaan 6 dhibcood isaga oo gobolkani hore uga soo badiyey gobolka Sanaag halka ay kulankoodii saddexaad ay ka wada ciyaareen Maroodijeex oo isagu kaga badiyey 0-2.

Gobolka Togdheer ayaa isaguna hore ula soo ciyaaray gobolka Sanaag oo ay barbarro galeen halka kulankii kalena ay kawada ciyaareen xulka gobolka maroodijeex oo ay isna barbarro galeen, taasina keentay inay laba dhibcood helaan, waxaanay tani sababtay in xulka gobolka Togdheer ee tartanka Martigalinayey ay ku hadhaan.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories