Home"Gobolka Sanaag si dhammaystiran ayuu ugu jiraa gacanta Puntland marka laga reebo...

“Gobolka Sanaag si dhammaystiran ayuu ugu jiraa gacanta Puntland marka laga reebo degmada Ceerigaabo, Laascaanood-na…” – Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
blank
Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad, Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland

Garowe (SLpost)- Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa sheegtay inay la wareegeen gacan-ku-haynta inta badan Deegaannada Gobollada Sanaag iyo Sool ee Somaliland isla markaana ay u hadhsan tahay oo kaliya sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen magaalooyinka Ceerigaabo oo Laascaanood.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee maamul-goboleedka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad, ayaa sheegay inay dagaal aan dhiig ku daadan kula wareegeen gacan ku-haynta inta badan deegaamada Sanaag iyo Sool kaddib markii sida uu sheegay ay kasdeen quluubta shacabka ku dhaqan deegaannadaas, kuwaas oo uu tusaale ugu soo qaatay magaalada Badhan oo uu sheegay inay markii hore ahayd magaalo gacanta ugu jirtay Somaliland oo calankeedu ka lushay balse xilligan uu maamulkoodu ka taliyo.

Wasiirka Amniga Puntland oo u warramay mid ka mid ah Idaacadaha maxalliga ah ee ka hawl-gala maamul-goboleedkaas, waxa uu sheegay inay sidoo kale la wareegeen ciidamo deegaanka u dhashay oo uu sheegay inay ka tirsanaayeen Ciidanka Qaranka Somaliland, kuwaas oo uu sheegay inay xilligan ka mid yihiin Ciidammada Maamulkooda Puntland.

Masuulkani waxa uu sheegay inay maamul ahaan ku hawlan yihiin isla markaana ay qorshaha ugu jirto sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen, ulana wareegi lahaayeen gacan-ku-haynta magaalooyinka Ceerigaabo iyo Laascaanood oo uu sheegay inay yihiin meelaha kaliya ee xilligan gacantooda maamul ka baxsan.

“Gobolka Sanaag si dhammaystiran ayuu ugu jiraa gacanta Puntland marka laga reebo degmada Ceerigaabo, Ceerigaabona howsheeda waa socotaa oo waa dhammaanaysaa. Sidoo kale Laascaanood-na iyada oo aan hawl badan laga marin ayey dhammaanaysaa oo waa socotaa,” sidaas ayuu yidhi wasiir Dhabanacad.

“Magaalada Badhan waxaad ogtihiin markii madaxweyne Deni la dooranayey, laba calan ayey lahayd laba guddoomiye, calan Somaliland ah ayaa ka taagnaa, maanta arrintaasi ma jirto,” ayuu yidhi, waxaanu intaas ku daray, “Waxa jira ilaa laba kun iyo Boqol ciidan gaadhaya oo badankoodu waagii hore Somaliland u diiwaangashanaa ayaa maanta Puntland gacanta ugu jira oo dib loo tabobaray”.

Hadalka ka soo yeedhay maamul-goboleedka Puntland, ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay maalmo kooban ka hadhsan yihiin Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo sida laga war-qabo ah xilliga kaliya ee maamul-goboleedka Puntland caadaystay inay weerarro hubaysan ku soo qaadaan Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee fadhiisimahoodu ku yaalla Bariga gobolka Sool, gaar ahaan deegaanka Tukaraq oo masaafo aan badnayd u jira xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Maamul-goboleedka Puntland oo sheegta  deegaanno ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaag, ayaa inta lagu gudo-jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan waxa ay weerarro milatari oo gaadmo ku soo qaada Ciidamada Qaranka ee fadhiisinkoodu yahay deegaannada Gambadha iyo Tukaraq oo ka tirsan gobolka Sool, haseyeeshee ciidamada maamulkaasi waxa ay weerradaas kala kulmaan guul-darro iyo Jab soo gaadha Ciidamadooda oo u badan malleeshiyo-beeleed deegaanka u dhashay oo la soo abaabulay.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories