Home“Gobolka Jubooyinka yaa iska leh?” - W/Q: Cali Sh. Maxamed

“Gobolka Jubooyinka yaa iska leh?” – W/Q: Cali Sh. Maxamed

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

kismaayo4Labadii qarni ee lasoo dhaafay Lahaanshaha Jubbaland muran baa ka taagnaa, xaalkuna waa sambuus afar gees ah,Duurjoogta iyo kalluunkuba sida ay u kala xoog weyn yihiin ayey isu cunaan “survival of the fittest”. Bini-aadamku waa damaaci ka sii xun dugaagga. Dad Yurub ka haajiray oo hub iyo hantiba watey ayaa qabsaday qaaradaha: Afrika, Asiya , Australia & America . Dadkii ka dagaagay qaaradda Yurub waa ka ilbaxsanaayeen, xeelad iyo xirfad ciidanna waa ka hormarsanaayeen dadkii ay duldegeen.

Dadkii loogu tegay qaaradaha Australia & North America waa la dabargooyey, tiro yar ayaa laga reebay, dhulkiina waxaa hantiyey dadkii reer Yurub, Sidaas oo kale, Jubbaland waxaa qabsaday dadka kasoo rugdoorsaday omoska Puntland iyo Somaali Galbeed. Bartamaha qarnigii 19aad Ogaadeen hub iyo xeelad dagaalba ka sareeyey dadkii degi jirey Jubbaland, waxay qabsadeen qeybo ka mid ah Jubbaland, waxayna barakicin iyo caburin la beegsadeen beelihii aan hubeysneyn, gaar ahaan beesha Wardey, qaar waxaa loo qaxiyey dhanka NFD waxayna ku milmeen Booranta & Gabraha, qaarna waxaa laga dhigay madiidin xoolaha raaca. Isla sanadahaas abaar iyo macayshad xumo ka dhacay Woqooyi Bari, dad dhibaatadaas kasoo cararay ayaa soo degay Jubbaland. Sida taariikhyahannadu kasoo xigteen wakiilkii Kismaayo u fadhiyey Suldaan Barqash oo dhulkaas dusha ka xukumay doontii ugu horreysay ee xeebaha Woqooyi Bari kasoo shiraacatay ayaa baroosinka soo dhigatay dekedda Kismaayo Maarso 1868. 1920kii jabkii Daraawiishta kadib kooxdii seddaxaad ayaa Jubbaland soo beegsatay waxayna hayb ahaan ku biireen dadkii Woqooyi Bari doonyaha uga yimid.

Haddii lagu murmo lahaanshaha magaalo lagu nool yahay, siyaabo badan ayaa loo kala saaraa. Ugu horreyn waxaa laga baaraandegaa afar arrimood: “dhismeyaasha gaboobay, qabuuraha magaca leh, magacayada deegaanka ku meersan iyo dadka miyiga ka keena daruuriyaadka, sida: caanaha, subaga, hilibka, hargaha dhuxusha, qalabka dhismaha (dhagax, nuurad, ciid iwm). Dhismaha qadiimka ah ee Kismaayo waxaa u badan Baajuun, balse qabuuraha la siyaarto waxaa u badan Jareer iyo Gibilcadda xeebaha degta. Magacyada deegaanka 90% waxaa laga dhaxlay dadkii deegaanka loogu yimid, tusaale (Waamo, Qooqaani, Kamsuuma, Sanguuni, Yoontoy, Gajaroon, Sacmoojo, Raskaambooni, Manaraani, Warfela, Kudhaa, Unguuni, Kulbiyow, Turdho, Dhasheeg, Hoosingow iwm). Daruuriyaadka Kismaayo looga nool yahay waxaa keena beelaha deegaanka ee kala ah: (Wardey, Madaluug, Sheekhaal, Gaaljecel, Biyamaal, Cawramaleh, Jareer iyo wixii soo raaca).

Intii aan soo galootigu xoog ku qabsan, Jubbaland dadkii asal ahaan lahaan jrey qoraall tiro badan ayaa laga qoray oo gumeysigii ayaa kaydka taariikhda geliyey, tusaale. Wakiilkii Talyaaniga Ugo Ferandi 13/01/1893 magaalada Baardheere wuxuu heshiis maxmiyad Talyaani kula saxiixday Suldaan Cabdi Cismaan oo ahaa suldaankii Ajuuraan. Sidoo kale Ugo Ferandi 18/11/1893 magaalada Luuq wuxuu heshiis maxmiyad Talyaani kula saxiixday Suldaan Cali Xasan Nuur oo ahaa suldaankii beesha Gasaare-gude “Raxanweyn”. Doorasho baarlamaan oo ku celis ahayd “by election” oo la qabtay 15/01/1960, Luuq waxaa kasoo galay laba xildhibaan (Cabdikarim Xussen Malakh, Raxanweyn iyo Maxamed Cilmi Buraale, Surre Dir). Doorashadii 1964 Baardheere waxaa baarlamaanka kasoo galay laba xildhibaan (Keenadiid Amed Yuusuf, Ajuuraan iyo Xaaji Sid Bakar Shariif Cismaan, Raxanweyn) guud ahaan geyiga Soomaalida waxaa laga yaqaan halkudhegga “Baardheere waa beled Ajuuraan”.

North America & Australia dadkii loogu tegay sidii loo laayey oo kale soogalootigii Jubbaland qabsaday dadkii tabarta yaraa qaarna waa laayeen, qaarna waa barakiciyeen intii soo hartay waxaa laga dhigay madiidin sheegad ah oo haba yaraatee aan wax xuquuq ah lahayn. Maamulkii daaqiliga Ra’iisal-Wasaare Cabdullaahi Ciise ayaa is addoonsigii ka jiray Jubbaland ka damqaday, 1957 wuxuu baarlamaankii xilligaas horgeeyey xeer loo dejiyey xoreynta dadkii laga dhigay xuquuq laaweyaasha sheegadka ah ee Kafiilka laga ahaa. Xeerkii RW Cabdullaahi Ciise baarlamaanka horkeenay waxaa ka carooday xildhibaannadii Majeerteen oo ku dooday“Cabdullaahi waxaan kuu haysanay waddani, waxaadse tahay qabiiliiste doonaya nin Jaamac la yiraah in loogu waqlalo Jimcaale si Irir uga bato beelaha kale”. (Tixraac: Abolition of customary law of Harifo, was reported in the official newspaper corriere della Somalia on August 17, 1957)

Alle haka abaalmariyee, RW Cabdullahi Ciise waa ku guuleystay meelamrinta sharcigii xoreynta dadkii lagu suntay “Sheegad – Hariifo”. Ayaandarro dadaalkii Cabdullaahi mirodhal ma noqon oo wuxuu la kulmay murtidii “Abraham Lincoln 16th  US President ee ahayd nin xoreyn rabaa la xoreeyaa”. Nin baa yiri “Nabi Muuse dabadi ninka doqon abaal tara dib-buu uga shallaayaa”.  Beelaha dulman shalay si fudud baa loo qabsaday, maantana maahan mintid abaabulan oo doonaya inay is xoreeyaan, waxayna u muuqdaan dad la bahdiley oo aad ugu nugul in la addoonsado. Nin baa yiri “canshuur qaade janno jidkeed kuma joogo, haddana uma jeelqabo”. Suurtagal maaha inaan qoraalkan kusoo koobo dulmiga iyo is addoonsiga ka jira Jubbaland, sansaanku waa “lixdan jirka Dhulbahante iyo 20 jirka Habarjeclo garta Caynabo kuma heshiiyaan”.Si kale haddii loo dhigo Jubballand waxay la mid tahay “Qudus – Jerusalem” oo Muslimiinta, Kirishtaanka & Yuhuuduba ay aamisan yihiin inay tahay goob muqadis ah oo ay leeyihiin. Ugu dambeyntii waxaan ku talinayaa taariikhyahannada, indheergaratada, aqoonyahanka, abwaannada inay furan dood ku saabsan xallinta mushkilada Jubbaland.

Cali Sh. Maxamed

Sheekha333@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories