HomeGOBOLKA HAWD: Guddida Doorashooyinka iyo Badhasaabka oo Socdaallo ku kala bixiyey Deegaamada...

GOBOLKA HAWD: Guddida Doorashooyinka iyo Badhasaabka oo Socdaallo ku kala bixiyey Deegaamada Gobolka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Baligubadle (SLpost)- Gudoomiyaha Guddiga Komishanka Degmada Balli-gubadle Mud. Xuseen Xasan Muxumed oo ay weheliyaan  Xoghayaha iyo xubno kale oo ka tirsan guddiga ayaa  maanta Kormeer ku soo maray Todoba iyo labaatanka Goobood ee Cod-bixinta  u astaysan ee Gobolka Howd si ay u sii diyaariyaan  ka hor inta aan la gaadhin waqtiga Doorshada Golayaasha degaanka ee foodda inagu soo haysa.

Guddoomiyaha  iyo masuuliyiinta  wehelisay   intii ay marayeen  Goobahaasi  oo ku kala yaala magaalooyinka iyo tuulooyinka Gobolka Hawd, waxa ay  kulamo la yeesheen dadweynaha Goobahaasi degan. Waxaanay u soo jeediyeen  in ay  ku dedaalaan  sidii ay u xoojin lahaayeen amaanka., waxaanay  uga xog-warameen  ujeedada kormeerkoodu  la xiidhiidho oo ay sheegeen in uu ku salaysan yahay sidii ay u sii diyaarin lahaayeen  goobaha u astaysan codaynta   doorashooyinka iyo xog-ogolaan u noqoshada degaanada  gobolka  ee dad iyo duunyaba.

Dhinaca kale, Gudoomiyaha Gobolka Hawd Jamaal Xuseen Hure ayaa kormeer shaqo ku tagay degmada Sayla iyadoo ay wehelinayaan xoghayaha gobolka Maxamed Cali Bade iyo taliyah qaybta booliska Mahad Maxamed Shaqale iyadoo ujeedada socdaalkoodu la xidhiidho u kuurgalka Xaalada Amni iyo soo afjarid Khilaaf.

Gudoomiyaha Gobolka Hawd ayaa kulamo kala duwan oo uu la yeeshay Maamulka Degmada iyo Qaybaha bulshada waxa uu booriyay inay ka taxadiraan wax kastoo khilaaf ku keenaya deegaanka degmada Sayla isagoo intaas ku daray in wixii la isla fahmi waayo ay maamul ahaan diyaar u yihiin inay wada hadal ku wada dhamaystaan.

Gudoomiyaha Gobolka Hawd waxa uu kula dardaarmay qaybaha Bulshada iyo maamulka Degmadaasi inay xil iska saaraan sidii ay u soo bixin lahaayeen Wixii Cashuuro ah ee Xukuumada dhexe ku leedahay.

Dhinaca kale Maayar ku xigeenka Degmada Bali gubadle   Cabdi Guray Iimaan Jaamac iyo Isu duwaha Wasaarada Ciyaaraha ee Gobolka Hawd Iid Ciise Aw Jaamac ayaa ka gudoomay qalab dhinaca Isboortiga ah Muwaadinad Khadra Yuusuf Cige oo ugu soo deeqday dhalinyarada ku hawlan mihnada ciyaaraha qalab wax badan ka taraya baahida dhinaca Ciyaaraha.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories