Home“Gobol Wal Iyo Goob Wal Oo Jamhuuriyadda Somaliland Ah Hawluhu Waxay Uga...

“Gobol Wal Iyo Goob Wal Oo Jamhuuriyadda Somaliland Ah Hawluhu Waxay Uga Socdaan Si Fiican, Cod Bixintuna Waxay U Socotaa Si Habsami Ah, Amniguna Guud Ahaan Waa Sugan Yahay.” Wasiirka Madaxtooyada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost) Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Md, Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in guud ahaan dalka ay doorashadii Madaxtooyadu saaka uga bilaaban tahay si nabad ah, ilaa hada ay u socoto si habsami leh.

Mudane Xaashi oo ka mid ahaa Masuuliyiin uu hor kacayey madaxweyne Axmed Maxmed Siilaanyo oo maanta codkooda ka diibtay xarunta Hay’adda shaqaalaha dawladda ayaa sheegay in doorashadani ay sumcad weyn u leedahay Jamhuuriyadda Somaliland waxaanu yidhi “ Farxad weyn ayey ii ahayd inaan maanta codkayga ka dhiibto xarunta hay’ada shaqaalaha dawladda ee caasimada Hargeysa, gobol wal iyo goob wal oo Jamhuuriyadda Somaliland ah hawluhu waxay uga socdaan si fiican, cod bixintuna waxay u socotaa si habsami ah, ammniguna guud ahaan waa sugan yahay, sharaf weyn ayey qarankan u tahay in doorashadii Madaxtooyada 13 Novemeber/2017-ka ay si habsami ah u socoto, waxaannu rajaynayaa inay sidaa si la mid ah ku dhammaato.”

11 codaynta (1)Wasiirka Madaxtooyadda ayaa intaasi ku daray “ Waxa ay arintaasi muujinaysaa bisaylka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay muujinaysaa qarankani sida uu isu tashaday, iyada oo wadamo badan oo la aqoonsan-yahay aanay heerkaa gaadhin, Somaliland waa dal madax-banaan hasayeeshee aan wali la aqoonsan. Doorashadu waxa ay ka socotaa 1642 goobood oo dalka ah, intaan xog-ogaalka ka ahay, ilaa hada sadex goobood ayaa tiradaa ka baaqday, sadexdaas gooboog guddiga doorashooyinka ayaa hakiyey sababo darteed. Doorashadani sumcad weyn ayey qarankan u tahay, Madaxweyne Siilaanyo sumcad weyn ayey u tahay, Xukuumaddayadana waxay u tahay sumcad weyn, xisbiga KULMIYE ee talada dalka hayana sumcad weyn ayey u tahay.”

1Mudane Maxamuud Xaahsi ayaa sidoo kalena baaq u diray bulshada Somaliladn waxaanu yidhi  “ Waxaannu rajaynaynaa inay guul ku dhammaato, shacbiga Somaliland waxaannu ku hambalyeynaynaa dedaalka iyo bisaylka, guddiga doorashooyinka qaranka waannu boggaadinaynaa, ciidamada ammniga ka shaqaynaya waannu boggaadinaynaa, waa u mahad-naqyanaa shacbigana waxaannu leenanay codeeya, si buuxdana doorashada ugu qayb qaata, nabadgalayna ilaaliya oo la shaqeeya ciidamada amaanka ku hawlan.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories