HomeGobanimow! Yaa Ku Garan Kara? - W/Q: Prof Cabdisalaan Yaasiin

Gobanimow! Yaa Ku Garan Kara? – W/Q: Prof Cabdisalaan Yaasiin

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Xilligan ay Somaliland marayso, ee aynu ka hadlayno madaxbanaanida Somaliland ama madaxbanaanida iyo gobanimada (independence and sovereignty) Somaliland, waxa isweydiin mudan, gobanimadu maxay tahay? Aniga oo isku deyaya weydiintaa warcelinteedii inaan helo, ayaa maankayga doodani ku dexmartay “Gobanimo” iyo “Geeraar”.  Bal aan idinla wadaagee, ila eega.

Cabdisalaan Yaasiin
Cabdisalaan Yaasiin

Geeraar:     Gobanimow! yaa ku garan kara? Yaa ku goyn kara?

Geel iyo adhi, guunyo oo dhame, kuma goysee, yaa ku goyn kara?

Gawaan dahabiyo gini lacaga ahi, kuma gooyee, yaa ku goyn kara?

Yaa ku garan kara?

Yaa ku geyi kara?

Yaa ku gadhoo, guudka sare iyo, gosha dhexe iyo, gunto hooseba,

Wixii galac lee, ku gadaamine, aanay la garanayn, Yaad u goysaa?

Geddee baad tahay? Ma geed baad tahay? Ma Gar baad tahay?

Ma galaydh iyo gogor baad tahay? Ma gamaan iyo gadiid baad tahay?

Geenyo furas iyo ma guul baad tahy? Mise gebo iyo godad hoosoo la galaad tahay?

Garaad-dheeriyo, garyaaqan iyo, gaar dumarkii, kugu guulay kumay garanine,

Yaa ku garan kara?

Is guhaadshoo , maankoodii gadee, ku may garanine,

Yaa ku garan kara?

Gobinimo:           Maqal Geeraar! In loo goohoo, lays guhaadshoo, gaas la kiciyoo, ay wax-garadkii,

Waxan ahay iyo warkay goobaan,  waa gedaydiyo gankan ahay iyo sirtan gunta dheer

een la gadhayn!

Geeridiid iyo fule goldidaa ima garan karo.

Dilaal gini iyo gambo lacag ahi wuxu goysaa ima garan karo.

Ganacsade aan ginigiisiyo guryihiisaba awgay u gudayn  ima garan karo.

Anaa geesiya, anaa guuto aha, anaa guunyo leh, anaa guud saroo aan la igaadhayn,

Anaa guluf iyo colaad geli kara, golaa shaahiyo, goormada qaad nin la guuxaa,

Ima garan karo.

Geeraar:              Haa dhe, Gobanimo! Sii gilgilatayay yaa ku garan kara?

Cirka gaadhayay yaa ku garan kara?

Gal aan gun lahayn oon la gaadhayn, geddii noqotee , yaa ku garna kara?

Gaalaa bixiyoo, isguhaadshoo, gees walba deyoo, kumaan garan, yaa ku garan kara?

Gobonimo:    Geeraarow hoy! Wax i garan kara ruux sidaad gama’ diidoo, u gadoodoo, garaad

Wacaniyo, hub ku gaadhoo, gelin hore iyo, goor habeenaba, gees kastay tahay,

Gaaf wareegoo, aan la gadi Karin.

Geeraar:              Sidaad garatiyo, hambalyadan guud, kaa gudoomee,

Guudka ka cadee, oo yaa ku garan kara?

Gobanimo:     Geeraarow hoy! Wax i garan nin god galayoo, geeri doortoo, gunimo iyo diiday gujadii.

Wax i garan kara guuto ciidan colaad nin geshoo, gibil diidoo, geesiyadu waday,

Gibin mooyee, wada go’ayoo, marna geeridii gees ka eegay, marna guushii gees ka Milicsaday.

Wax i garan  kara bulsho geerida u geeraartoo inaan la gumayn

Nolol guudka ah, godka hoosee geyigooda ah ugu go’antahay.

Kuu soo gaabshee, maqal Geeraar!

                                Waxan ahay geed, dhiiga geesigu, gunta yaaloo, u gasiinyahay.

                                Waxan ahay geyi, waxan gole,

                              Gabood baan ahay, gurguraan ahay,

Giddi maataad guudka saaroo, gaadhka hayoo aan la geli Karin.

Layma gooyoo, layma gadan karo.

                                Gaas baan ahayoo, guuto cidan layma gelin karo.

                                Gabay iyo hees uma guuxoo, layma soo galo.

Golahaygan waxan u goglaa,

                                Geesi miigiyo, bulsho gaatir ah.  

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories