HomeGo'aanka UK kaga Baxday Midowga Yurub: Kala Guur mise Kala Gurasho? -...

Go’aanka UK kaga Baxday Midowga Yurub: Kala Guur mise Kala Gurasho? – Qalinka Xuseen Deyr

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

31/01/2020-ka, Saacadda London markay ahayd 11:00-kii Habeenimo oo Jimce ah (02:00-dii Habeenimo ee Saacada Hargeysa); Dalka Ingiriisku wuxuu si rasmi ah uga baxay Xubin-nimadii Midowga Dalalka Yurub (EU) oo uu ka mid ahaa 47 sanadood. Waa Dhacdo Cusub oo Taariikhi ah oo u gaar ah Boqortooyada Ingiriiska, taasoo ay Bulshada Caalamku Markhaati ka ahayd.

blank

 

Ingiriiska oo Dan-wadaag la ahaa 27 Dal oo kale oo weli ka tirsan Midowga Yurub, wuxuu door biday inuu iskii isku taago oo uu gebi ahaanba ka madax banaanaado shuruucda iyo xeerarka saamaynta fog leh ee laga soo curiyo Caasimada Yurub Brussels, xeerarkaa oo si wadajir ah loogu maamulo arrimaha dhan walba leh ee dhamaan 28- ka Dal ee ka tirsan Midowga Yurub.

Haddaba, laga bilaabo 01/02/2020-ka Boqortoyada Ingiriiska waxa u bilaabay Taariikh cusub, Waqti cusub iyo Waaye hor leh oo ay adag tahay in laga sii saadaaliyo halkuu ku dambayn doono.

Dawladda Ingiriisku 23.06.2016 ayay dadweynaha Ingiriiska Afti ka qaaday in ay UK ka sii mid ahaato Midowga Yurub iyo in kale, taasoo (52%) ka mid ah Dadweynuhu ay u codeeyeen in laga baxo EU-da; halka ay (48%) ay u codeyeen in Ingiriisku uu ka sii mid ahaado Midowga Yurub.

Mashruuca ka bixitaanka Midowga Yurub (Brexit), wuxuu ahaa arrin culayskiisa iyo khatartiisaba lahaa oo saamayn weyn ku yeelatay qaabkii iyo jihadii ay u socotay guud ahaanba Siyaasadda Dalka Boqortooyada Ingiriiska.

Mashruuca Brexit, muddo 3 sano iyo badh ah, wuxuu kallifay inay Xilkooda iska casilaan laba Prime Minister ( David Cameron iyo Theresa May), ka dib markii ay ku guulaysan waayeen qaabka loo maaraynayo Mashruuca Brexit.

Wuxuu sababay in 3 sano iyo badh gudahood lagu qabto Laba Doorasho Barlamaan (parliament) oo xilligoodii ka soo hor maray. Mashruuca Brexit wuxuu Dalka iyo Dadka Ingiriiska ka dhex abuuray kala qaybsanaantii Taariikhda ugu cuslayd xaga Siyaasadda ee soo marta Dalka Ingiriiska.

Siyaasiyiin miisaan leh oo ka tirsan Garabka Midig ee Xisbiga Conservative-ka, iyagoo kaashanaya natiijadii ka soo baxay Aftidii Dadweynaha Ingiriiska, ayay waxay bilaabeen inay Dadweynaha ka iibiyaan faa’iidada dadka iyo dalkaba ugu jirta in Ingiriisku uu gebi ahaanba iskaga baxo ka mid ahaanshaha Midowga Yurub (27 Dal).

Siyaasiyiintan oo uu ka mid yahay Ra’iisal Wasaaraha UK ee haatan (Boris Johnson) waxa jirtay inay ka bixitaanka EU-da Bulshada ugu macneeyey inay la mid tahay Dalka Ingiriiska oo Xoriyadiisii dib u helay. Waxayna si joogto ah
u ballan qaadayeen in aayaha iyo mustaqbalka Dalka Ingiriiska aan dib bambe looga talin doonin
magaalada Brussels, isla markaana uu Ingiriisku noqon doono Quwad gaar u taagan oo u madax bannaan inay wax la qabsato Bulshada Caalamka cidii ay doonto.

Arrinta Brexit waxay soo jiitamaysay muddo 3 sano iyo badh ah, kadib markii Aqalka Hoose ee Barlemaanku ay codad aqlabiyad ah ku diideen meel marinta shuruudihii Ingiriisku kaga baxayey EU-da. Mashruuca Brexit wuxuu weji kale yeeshay ka dib Doorashadii Baarlamaanka Ingiriiska ee12/12/2019, taasoo uu Xisbiga Conservative-ku guul taariikhi ah ka gaadhay, isagoo aqlabiyad 80 mudane ah dheeraaday Xisbiga Shaqaalaha.

Arrintani waxay soo dedejisay inuu Ingiriisku 31/91/2020-ka gebi ahaanba ka baxo Midowga Yurub.

KALA GUUR, MISE KALA GURASHO?

Kala Guur iyo Kala Gurasho kii ay tahayba, Calankii Boqortooyada Ingiriiska ayaa si rasmi ah looga dejiyey dhammmaanba Haya’adaha Midowga Yurub ee ku yaalla Caasimada Yurub Brussels. Isla daqiiqado gudahood, Wadamada EU-du waxay si toos ah u lumiyeen Xubin aad iyo aad muhiim ugu ahayd wadajirka EU-da. Waxay lumiyeen Xubin kala tagtay in ka badan 15%
dhaqaalahooda, waxay lumiyeen Xubintii ugu awooda badnayd xagga Ciidamada iyo Kharashka
ay ku bixiso saanada Ciidamada, waxay lumiyeen Caasimadii Caalamiga ahayd ee Salayda Maaliyada iyo Ganansiga Aduunka (London), waxay lumiyeen Xubin lahayd taariikh, dhaqan iyo ilbaxnimo soo jireen ah oo Dunida oo dhan soo xukuntay.

Dadweynaha Boqortooyada Ingiriiska, ka bixitaanka Midowga Yurub waxay ka bixiyeen dareeno isku lidi ah oo ay markii horeba ku kala qaybsanayen. Dadweynaha Ingiriiska, qaarkood waxay arrintan ku qaabileen farxad iyo damaanshaad aan xad lahayn, iyagoo maalintan iyada ah (31/01/2020) ku tilmaamay “Maalintii Xorriyada Ingiriiska”.

Halka ay kuwo kalena aad uga murugoodeen in uu Ingiriisku gebi ahaanba ka baxo Midowga Yurub, iyagoo ku tilmaamay inay arrintani iyaga uga dhigan tahay dib u dhac baaxad leh oo dhan walba leh. Waxay u arkaan go’doon hor leh iyo in Ingiriisku uu meel cidla’ ah kelidii yuururo, taasoo aan la garan karin meeqaamka iyo saamaynta ay Boqortooyada Ingiriisku ku yeelan doonto Hogaaminta Siyaasadda Dunida.

Arrintu si kastaba ha ahaatee, Ingiriisku ka bax Is-baahaysiga Midowga Yurub, UK iyo EU waxay ku ballameen muddo 11 bilood ah oo loogu magac daray Xilliga Kala Gurashada (Transitional Period), xilligaas oo loogu tala galay in ay labada dhinac si quman oo rasmi ah u kala baxaan. Taasoo macnaheedu yahay in aanay mudadaa waxba iska bedalayn xidhiidhkooda, arrimuhuna waxay ahaanayaan siday awalba ahaayeen. Mudadaa 11-ka bilood ah Dalka UK wuxuu u dhaqmayaa sidii uu weli ka mid yahay Midowga Yurub, wuxuuna oofin doonaa dhammaanba xeerarka iyo axdiyada lagu dhaqo Dalalka Midowga Yurub.

Sidoo kale, xilligan kala gurashada ah waxa loogu tala galay in ay labada dhinac isla meel dhigaan nooca ay noqonayaan danaha ka dhaxayn kara labada dhinac (EU & UK) iyo qaabka uu noqonayo xidhiidhkooda mustaqbalka ee dhinacyada badan leh.

Xubin-nimada EU-da ee Dalka Ingiriisku waxay si rasmi ah u dhamaanaysaa 31/12/2020-ka.

 

W/Q:-Eng Hussein Adan Cige Deyr.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories