HomeGo'aanadii Gudigii Beelweynta Habarjeclo Waxtarkoogii Iyo Waxii Seegay!

Go’aanadii Gudigii Beelweynta Habarjeclo Waxtarkoogii Iyo Waxii Seegay!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Guddigii beelweynta Habarjeclo ee is xilqaamay waxa ay ku guuleysteen ;

1- Soo afjarida khilaafkii siyaasiga ahaa ee doorashooyinka Somaliland oo taagnaa mudo badan.

2- xalinta jabhadii buurta gacan libaax iyo dawlada oo dagaal ka dhexeeyey.
Labadaasi qodob midna umay raacin xeerar iyo dastuur ee waxa ay u kaashadeen in xal iyo xaagaan ku soo dhameeyaan iyaga oo kalsooni weydiistay dhinacyadii arimahani ka dhexeeyeen.

Gudiga Beelweynta Habarjeclo waxa seegtay nin habar dhashay hal ma seegi waayo e ;

1- In ay kalsooni weydiistaan ururada siyaasada oo ka mid ahaa daneeyayayaashii doorashooyinka oo aan lala tashan.

2- la tashiga Gudiyadii beelaha ee isku xilqaamay xaaladaha taagan sida gudigii salaadiinta ee isku dhafka ahayd oo ay hogaaminayeen suldaan xasan suldaan cabdilahi , gudigii beelweynta Arab, ururadii bulshada, iyo cidwaliba oo arinkaasi u kacday si aan go’aankooga waxba uga soo noqon.

Isku soo wada xoori cidii go’aankaasi ka biyodiidsan waxa xaq loogu leeyahay in laga baryo in ay arimaha la isla qaato u tanaasulaan sababta oo ah waxa ay iyagu cuskanayaan nidaamkii sharci ee dalka iyo dastuurkii qaranka.

MAXAA GO’AANADANI YEELI KARAAN MUSTAQBALKA DAMBE DALKA?

Go’aanadani waxa ay ahaayeen qaar inaga saaray caqabado iyo arimo lagu kala fogaa oo dhinacyada isku hayaa qolona sharciga adeegsatay iyo hay’adaha qaranka ee dastuuriga ah sida komishanka doorashooyinka, maxkamada sare iyo Golaha Guurtida jamhuuriyada Somaliland, dhinaca kalena u arkayeen in meel dhexe la isugu yimaado oo iyaga loo jeedo.
Go’aanadani waxa muhiim ah in ay noqdaan kuwii ugu dambeeyay ee cid ka baxsan xayndaabka maamul dawladeed ee dalku soo saaraan si aanay horseed ugu noqon in marwalba sidani oo kale dhacdo waxaana lagaga hortagi karaa uun ;

1- In shuruucda iyo dastuurka dalka raaco oo waxii mad-madaw galona ( ambiguity) laga saaro .

2- In nidaamka doorashooyinka dalka dib loo habeeyo oo dhamaan doorashooyinka hal mar lawada qabto .

3- In aanay dalka dib uga dhicin mudo kordhin aan asbaabta dastuurku jideeyey wax aan ahayn aan ku imanin isla markaana xukuumad waliba ay qasab ku tahay in ay mudo xileedkooga sanadka ugu dambeeya doorashooyinka diyaariyaan.

W/Q: Mohamed Abdi Jama Dhimbiil

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories