HomeGo’aan Ka soo Baxay Dawladda Ingiriiska oo Saamayn ku yeeshay Dhaqaalaha Kenya...

Go’aan Ka soo Baxay Dawladda Ingiriiska oo Saamayn ku yeeshay Dhaqaalaha Kenya iyo Hanjabaad ay Jeediyeen Muwaadiniin dalkaas u dhashay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Nayrobi (SLpost)- Ururka jaadlayaasha dalkaKenya ayaa cabasho xooggan ka muujiyey mamnuucidda xukuumada Ingiriisku dalkeeda ka saartay soo- dejinta Jaadka, waxaanay taas beddelkeeda codsadeen in xeryaha tababarka ciidamada UK iyo beerahooda ku yaal Kenya la xidho.

Waddanka Kenya oo ah dalka ugu badan ee Jaadka nooca loo yaqaano Miirooga u dhoofiya dalalka Yurub gaar ahaan Ingiriiska, waxa saamayn ku yeeshay go’aanka Dawladda Ingiriisku ku gaadhay in la mamnuuco ka-ganacsiga Qaadka oo sida badeedaha loogu dhoofin jiray dalkaas, waxaanay ururka Jaadlayaashu go’aankan u arkaan tallaabo lagu cunaqabataynayo shacabka Kenya. “Ma aragno sabab aan jaar u ahaano cadowgayaga iyo dad dibin-daabyo ku ganaaxaya shacabka Kenya,” Sidaa waxa yidhi afhayeenka ururka jaadlayaasha Miirooga Kimathi Munjuri oo u warramay jariiradda Daily Nation ee ka soo baxday magaalada Nairobi.

khat_toyotaTodobaadkii la soo dhaafay ayaa wasiirka Daakhiliga Ingiriiska Theresa May, ku dartay Jaadka maandooriyaasha laga mamnuucay in dalkaas la geliyo, iyada oo go’aankaasi noqonayo xidhitaankii suuqa jaadka ee Yurub, iyada oo dalka Holland bishii January ee sannadkan uu mamnuucay in dalkooda loo dhoofiyo Qaadka oo ay isticmaalaan qoomiyadaha ku dhaqan ee ka soo jeeda dalalka Bariga Afrika iyo Yemen.

Ingiriiska oo hore u gumaysan jiray Kenya ayaa weli ciidamadiisu tababaro ku qaataan xeryo ay ku leeyihiin Kenya, isla markaana dhul aad u ballaadhan ayey muwaadiniin Ingiriis ah beero ku leeyihiin.  “Ingiriisku tababaro ayuu ku qaataa dhulka jaadka Miiroogu ka baxo dhexdiisa,” ayuu yidhi Munjuri, waxaanu intaas ku daray, “Waxay dhul ku leeyihiin dalkayaga, markaa waa inaan tusnaa muhiimada aynu u leenahay.”

Go’aanka dawladda Ingiriisku ku mamnuucday in Qaadka loo dhoofiyo dalkeeda, ayaa ku soo beegmaya xilli baadhitaano ay sameeyeen khubaro caafimaad ay soo bandhigi kari waayeen cadeymo ku filan halista jaadka.

khat in kenyaBeeralayda jaadka Kenya, ayaa todobaad kasta dalka Ingiriiska  u dhoofiya ugu yaraan lixdan Tan oo ah jaadka nooca Miirooga loo yaqaan oo halkii Kiiloo gudaha dalka Kenya lagu iibiyo lacag gaadhaysa Siddeed Dollar, waxaana dalkaas dhaqaale ahaan sannadkii uga soo xerooda dhaqaale lagu qiyaasay $24 Milyan.

“Mamnuucidan waxa ay caqabad ku noqon doontaa dhaqaalaha deegaamada beeralayda Jaadka,” sidaas waxa yidhi Garyaqaan Florence Kajuju oo u dhashay deegaamada laga beero jaadka.

Dawladda Kenya, ayaan ilaa wakhtigan wax jawaab ah ka bixin go’aan Ingiriisku ku mamnuucay Jaadka u dhoofa dalkiisa.

Bixitaanka Geedka Jaadka Miirooga, ayaa Celcelis ahaan ku qaangaadha muddo afar sannadood, waxaanay beerashadiisu soo taxnayd muddo Qarniyo ah.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories