HomeGo'aamo muhiim u ah dhismaha Qaranimada oo ka soo baxay Shirka Golaha...

Go’aamo muhiim u ah dhismaha Qaranimada oo ka soo baxay Shirka Golaha Wasiirrada Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Shirka Golaha Wasiiradda Xukuumadda Somaliland,  ayaa maanta laga soo saaray go’aamo xambaarsab saddex qodob oo saamaynaya Arrimaha Nabadgelyada, Abaaraha iyo Deegaanka, sida lagu shaaciyey warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland,  Maxamuud Warsame Jaamac.

IMG_0118Warsaxaafadeedka oo lagu faahfaahiyey natiijada shirka ka soo baxday ayaa isagoo dhammeystiran u qornaa sidan:-

“Kal-fadhigii shanaad (5aad) ee ay yeeshaan golaha wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ka qabsoomay maanta oo ay taariikhdu tahay 08.02.2018, Madaxtooyada Somaliland, ayaa waxaa si mug leh loogu lafo-guray dagaaladda dhexmara qaar ka mid ah beelaha walaalaha ah ee ku dhaqan Somaliland,  saamayn tabanna ku yeeshay bulshada Somaliland, sidoo kale waxaa wasiirradu dareen adag ka muujiyeen dhalinyarada rabshadaha ka sameeya magaalooyinka waa wayn ee dalka qaarkood.

Golaha wasiirraddu waxay soo jeediyeen in ay lagama maarmaan tahay in la helo xal waara oo lagu xakameeyo lagagana hortago in isku dhacyada beeluhu aanay dib u soo noqon iyo in la xoojiyo nidaamka dawladnimada si bulshadu u hesho nabadgalyo buuxda, wixii dhibaato ah ee iminka jirana lagu dhammeeyo hab dawladnimo.

Dhanka kale waxaa wasiirradu ku dheeraadeen in ay dalka ka jirto xaalad abaareed loona baahan yahay in la helo qorsheyaal wax ku ool ah oo lagaga hortagi karo abaaraha dalka ku soo noqnoqonaya iyo in la sameeyo daraasad sal balaadhan oo ku wajahan abaaraha.  Sidoo kale waxaa   golaha wasiirradu ka hadleen ka ganacsiga noocyada duur-joogta oo qaybo dalka ka mid ah laga soo sheegay, gabagabadii shirka waxa ka soo baxay qodobadan:-

  1. In guddida nabad-galyadda golaha wasiirradu ay daraasad qoto dheer ku soo sameeyaan sida looga hortagayo dagaaladda beelaha ee in badan soo noqnoqonayey.
  2. In la sameeyo daarasad cilmiyaysan iyo qorsheyaal wax ka tari kara abaaraha soo noqnoqday, iyagoo kaashadaan aqoon yahan-nada iyo Jaamacadaha Dalka.
  3. In sida uu dhigayo Xeer Lr: 69/2015 ay mamnuuc tahay in muwaadiniin iyo Ajaanib-tu ay ka ganacsadaan duurjoogta dalka nooc kasta oo ay tahay iyo falkasta oo lagu dhibaataynayo, “Duur –joog: waxaa loola jeedaa xayawaan kasta oo laf dhabar leh, ama bilaa laf-dhabar ah waxaana ku jira ugxanta iyo dhashooda, waxa ka baxsan bini’aadamka, xoolaha la dhaqdo iyo kalluunka.” Sidaas ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories