HomeGo’aamo Xoojinaya Ammaanka iyo Difaaca Qaranimada Oo Ka Soo Baxay Golaha Wasiirrada...

Go’aamo Xoojinaya Ammaanka iyo Difaaca Qaranimada Oo Ka Soo Baxay Golaha Wasiirrada Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa maanta laga soo saaray qodobbo uu ka mid yahay xoojinta Difaaca Qaranka oo meel looga soo wada-jeesto isla markaana feejignaan gaar ah loo yeesho ammaanka gudaha.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada, ayaa lagu faahfaahiyey Arrimaha lagaga hadlay fadhiga 116aad ee Golaha wasiirrada Xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo shir-guddoominayey shirka maanta.

War-saxaafadeedka oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta Somalilandpost, ayaa u qornaa sidan:-

“Fadhigii 116aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne Ku xigeenka Qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),  waxa war-bixin guud oo la xidhiidha amniga dalka goluhu ka dhegeystay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane, Cabdilaahi Xuseen Maxamed, Waxa kale oo goluhu dood iyo falanqayn dheer ka yeeshay arrimaha dhaqaalaha dalka, maalgashiga, wax-soo saarka iyo horumarinta arrimaha bulshada.

Sidoo kale waxa goluhu lafo guray masiibada dabka soo noq-noqday ee saamaynta ku yeeshay dhaqaalaha, waxana uu  goluhu isla qaatay in laga feejignaado khasaaraha uu dabku keeno, isla markaana si hufan loo baadho arrimaha dhaliyey ee ka dhexeeya dabkii suuqyada Wajaale iyo Waaheen.

Waxa goluhu soo jeediyey in Hay’addaha dhaqaaluhu mid dawladdeed iyo kuwa gaarka loo leeyahayba ay dardar-geliyaan kobcinta dhaqaalaha dalka, lana dhiirrigeliyo maalgashiga shisheeyaha iyo ka gudahaba.

Dhinaca kale, waxa golaha loo qaybiyey qabyo qoraalka xeerka wax ka beddelka iyo kaabista xeerka Xannaanada Xoolaha oo ay soo diyaariyeen garyaqaanka guud ee qaranka iyo wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga.

Ugu danbayna waxa shirkaas ka soo baxay qodobbadan:

  1. In la xoojiyo Difaaca Qaranka meelna looga soo wada jeedo, sidoo kalena feejignaan loo yeesho Amniga Gudaha.
  2. Waxa goluhu cod gacantaag ah ku ansixiyey qabyo qoraalka Xeerka Hawlgabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Somalilandpos.net

contacT@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories