HomeGo'aamo Laga Soo Saaray Shirkii Xisbiyada Mucaaradka Maalmihii U Dambeeyay Uga Socday...

Go’aamo Laga Soo Saaray Shirkii Xisbiyada Mucaaradka Maalmihii U Dambeeyay Uga Socday Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Shir Xisbiyada Mucaaradka magaalada Hargeysa ugu soo gebo-gaboobay horaantii todobaadkan, ayaa maanta laga soo saaray war-murtiyeed xilligiisa ka baaqday oo xambaarsan qodobbo ka hadlaya xaaladda Guud ee dalka, sida doorashooyinka, Garsoorka, Haykalka maamul, ku-dhaqanka shuruucda iyo qodobbo kale.

War-murtiyeedka oo ay wada-jir ugu saxeexan yihiin labada xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani, ayaa marka laga yimaaddo xaaladaha kala duwan ee natiijadiisa lagu qorfeeyey, waxa war-murtiyeedka lagu shaaciyey go’aamo ka kooban Lix Qodob, waxaana qodobka ugu horreeya go’aamada baaq loogu jeediyey madaxweynaha inuu u hoggaansamo heshiiskii dhexmaray saddexda Xisbi Qaran iyo Xukuumadda, halka qodobka labaad lagu xusay in madaxweynuhu ka badheedhay inaanay qabsoomin doorashooyinku haddii uu fulin waayo heshiiskii dhexmaray Xisbiyada iyo xukuumadda.

Shirkan ay dhawaan qabsadeen xisbiyada mucaaradka oo lagu tilmaamay shirka wada-tashiga iyo qiimaynta xaaladda guud ee Somaliland ayaa waxa war-murtiyeedka ka soo baxay maanta oo ay ku wada saxeexan yihiin labada gudoomiye ee labada xisbi mucaarid ee UCID iyo WADDANI, Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ka mid ah go’aamada:SHIR MUCAARADKA (6)

  • In Madaxweynuhu uu fuliyo heshiiskii 26 May 2015, ee saddexda xisbi iyo xukuumaddu ka gaadheen doorashada.
  • Mucaaridku inay go’aansadeen in aanay aqbali doonin wax aan ahayn waqtigii saddexda xisbi iyo xukuumadu isla qaateen ee ahaa in doorashada la qabto December 2016.
  • Haddii madaxweynuhu uu fulin waayo heshiiskii saddexda xisbi ee Kulmiye, Waddani iyo Ucid, waxaa caddaan ah in aanu madaxweynuhu diyaar u ahayn inay dalka ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ahi.
  • Waxaana lagama maarmaan noqoneysa ayay yidhaahdeen Ucid iyo Waddani in markaasi aannu dalbanno beesha caalamka.

Go’aanka mucaaridka Somaliland soo saareen maanta waxaa kale oo ka mid ah

  • In go’aankii guurtida ee muddo kordhintu aanu waafaqsaneyn distoorka iyo sharciga Somaliland.

war-muritiyeed (3)War-murtiyeedka mucaaridka oo ka dambeeyay shir u socday 23-kii ilaa iyo 26-kii July ayaa waxa kale oo ku qoran dhalliilo fara badan oo xukuumadda ay uga soo jeediyeen dhinacyada garsoorka iyo ku dhaqanka distoorka, dib u dhaca doorashada, dhaqaalaha, amniga, iyo arrimaha dibedda.

Shirkan mucaaridka ayaa hore xukuumaddu isu hortaagtay laakiin waxaa markii dambe u ogolaatay maxkamada distooriga ah ee Somaliland oo ay u ashktoodeen labada xisbi ee mucaaridka ee Waddani iyo Ucid.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories