HomeGo'aamo ka soo baxay Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Somaliland

Go’aamo ka soo baxay Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Fadhigii 74aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ku qabsoomay habka Maqalka iyo Muuqaalka ah ee (Video Conference), ayaa maanta lagu lafo-guray arrimaha amniga dalka, xanuunka covid 19 iyo diyaar garowga doorashooyinka golayaasha wakiilada iyo deegaanka.

blankUgu horreyna goluhu waxa uu warbixinno ka dhegeystay wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta oo warbiximo la xidhiidha amniga dalka iyo dedaalka loogu jiro in nabad lagu dhammeeyo dirirtii beelaha walaalaha ah ee gobolka Sool gaar ahaan Ceel-biyoodka dhabar-dalool ee deegaanka xuddun. Sidoo kale waxa goluhu warbixin ka dhegeysay wasiirka horumarinta caafimaadka oo golaha xog ka siiyey xaaladda uu marayo xanuunka covid 19.

Waxaanu goluhu shirka ka dib soo saaray qodobbo:-

1) Goluhu isagoo ka duulaya nabad waarta oo laga gaadho dirirta ku dhexmartay beelaha walaalaha ah ceel-biyoodka Dhabar-dalool wuxuu go’aamiyey in Xukuumaddu sii xoojiso, si buuxdana uga hawl-gasho nabadaynta deegaanka gobolka Sool, gaar ahaan goobaha ay colaaddu ku dhex-martay labadaa beelood.

Iyadoo xukuumaddu xoojinaysa taageerada ay la barbartaagan tahay waxgaradka, waayeelka, odayaasha iyo haweenka nabadda jecel ee ku hawllan nabadaynta. Goluhu waxa uu Alle uga baryey naxariis iyo dembe dhaaf 19-kii qof ee ku dhintay colaadaas, waxaanay u ducaynayaan in uu caafiyo intii dhaawacyadu ka soo gaadheen dirirtaasi.

2) In xukuumadda ay ka go’an tahay inay si buuxda gacanta ugu qabato, sugidda amniga doorashada qabsoomi doonta 31 May 2021-ka, isla markaana Xukuumaddu si weyn diyaar ugu tahay cid kasta oo cadaw ku ah Jamhuuriyadda Somaliland, kuna hawlan carqaladaynta qabsoomidda doorashooyinka. Waxaanu goluhu Shacbiga Somaliland ku baraarujinayaa inay feejignaan dheeraad ah u yeeshaan cid kasta oo ku hawlan wax-yeelaynta waddankooda, gacan buuxdana la barbar istaagan oo kala shaqeeyaan nabadgelyada ciidammada kala duwan ee dalka.

3) Goluhu wuxuu warbixin ka dhegeysay wasiirka horumarinta caafimaadka oo golaha xog ka siiyey xaalada uu marayo xanuunka covid 19, isagoo xusay in fidistii xanuunka Covid 19, aanu kor u kicin, hoosna u dhicin, balse uu halkiisi taagan yahay, dhimashadiisuna badan tahay wakhtigan, isagoo shacbiga u soo jeediyey inay si dhammaystiran u qaataan tallooyinka ka hortagga covid 19 ee bahda caafimaadka.

4) Ugu danbayn golaha wasiiradu waxay Mawjadaha Geeska Afrika ka socda, ka yeesheen dood iyo falan-qayn dheer, waxaanay u xil-saareen Guddida siyaasadda ee golaha Wasiirradu inay soo dersaan, tallo urursana ku soo celiyaan fadhiyada dambe ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland yeelan doono.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories