HomeGo’aamo ka soo baxay Shir deg-deg ah oo Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub ka...

Go’aamo ka soo baxay Shir deg-deg ah oo Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub ka yeesheen Halaagga Muhaajiriinta iyo Doodo ka dhashay Qodobbo laysku maan-dhaafay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Waa inaynu dareensanaanaa in mushkiladu inagaga imanayso dhinaca Afrika. Xaqiiqadu waxa weeye Libya waa Afrika ee maaha Yurub” – Raysalwasaaraha Netherlands

Brussels (SLpost)- Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub, ayaa ogolaaday in maraakiib iyo diyaarado intii hore ka badan laga howl-galiyo badda Mediterranean-ka si loo yareeyo tirada muhaajiriinta ku halligmaysa isla markaana loo samato-bixiyo.

Kulankan degdeg ah oo Khamiistii maanta ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaasha  28 waddan oo Midowga Yurub ah, ayaa lagu go’aamiyey in ciidamo Mileteri looga hawl-galin lahaa badda Mediterranean-ka si awood loogaga hortago kooxaha dadka tahriibiya, in kasta oo aan Qalinka lagu duugin. Balse waxa lagu talo-jiraa inay saxeexaan xeer siyaasadeed qeexaya isla markaana ogolaanaya inay diyaarado dagaal u adeegsadaan si ay uga hortagaan doonyaha ay isticmaalayaan dadka ku shaqaysta tahriibinta dadka.

midwga YurubShirka oo ku qabsoomay Xarunta Midowga Yurub ee Brussels, ayaa ka dambeeyey kaddib markii todobaadkan horaantiisii badda Mediterean-ka ku halligmeen tiradii ugu badnayd ee Tahriibayaal geeriyooday muddooyinkii dambeeyey, iyada oo sidoo kalena la badbaadiyey tahribayaal tiro badan.

Kulankan ayaa la sheegay inuu sii socon doono si meel layskula dhigo diyaarinta Qorshaha lagu hirgelinayo Awoodda mileteri oo muddo laba bilood gudahood ah lagu qaado, isla makaana  degdeg looga hortago Kooxaha ku shaqaysta soo dhoofinta dadka.

Waddamada Jarmalka iyo Faransiiska ayaa ballan-qaaday inay ku deeqayaan laba markab, halka dalka Ingiriisku uu sheegay inuu gacan ka gaysanayo ilaalinta badda, laakiin aanu ku raacsanayn xubnaha Midawga Yurub inuu qaabilo muhaajiriinta isku soo biimaynaya Badda.

Waxay waddamadan xubnaha ka ah midawga Yurub isku raaceen inay bishii bixiyaan lacag dhan $9.7 oo milyan, taasoo lagu bixin doono ilaalinta xuduudaha dhinaca badda ee qaaradda Yurub.

tahriibayaal“Waa lagama maarmaan in la badbaadiyo nolosha muhaajiriinta oo aynu qaadnaa talaabada saxda ah ee ku waajahan arrintaas,” Sidaa waxa tidhi hoggaamiyaha waddanka Jarmalka, Angela Merkel.

Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska David Cameroon, ayaa sheegay in waddankiisu hawl-galka kaga qayb-qaadanayo mid ka mid ah maraakiibtiisa ugu waaweyn ee dhinaca dagaalka, laba markab oo shidaal ah iyo saddex diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca ah.

“Anagoo ah waddanka dhaqaalaha ugu badan ku bixiya dhinaca difaaca ee Yurub, sida ugu weyn ayaanu uga qayb qaadanaynaa,” ayuu yidhi Ra’iisalwasaare Cameroon, balse waxa uu meesha ka saaray inay Midowga Yurub ku raacsan yihiin qaabilaadda muhaajiriinta .

Sidoo kale, Madaxweynaha dalka Faransiiska iyo Raysalwasaaraha dalka Holland, ayaa farta ku fiiqay caqadaha ugu waaweyn ee ka  horiman kara qorshahooda, iyaga oo ku baaqay in laga hawl-galo sidii loo abbaari lahaa waddanka Liibiya oo ah Meesha ay tahriibayaashu ka raacaan doonyaha. “Su’aasha maanta taalaa waxa weeye inaynu saxno qaladkii shalay” sidaa waxa ku tiraabay Madaxwewynaha dalka Faransiiska Francois Hollande.

Ra’iisal wasaaraha dalka Holland Mark Rutte ayaa isagoo ka hadlaya kulankaas waxa uu yidhi. “Waa inaynu dareensanaanaa in mushkiladu inagaga imanayso dhinaca Afrika. Xaqiiqadu waxa weeye Libya waa Afrika ee maaha Yurub.”

Doon ay saarnaayeen in ka badan 800 oo qof oo todobaadkan ku halligan tahay xeebaha dalka Liibiya, ayay ku halligmeen dhammaan dadkii saarnaa marka laga reebo tiro aan Boqol gaadhayn oo la badbaadiyey, waaxaanu shilkaasi noqday kii ugu khasaaraha badnaa ee soo gaadhay Tahriibayaasha sannadihii u dambeeyey.

som

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories