HomeGo’aamo ka kooban 7 Qodob oo Guddiga Diiwaangelintu ka soo saaray Dacwaddii...

Go’aamo ka kooban 7 Qodob oo Guddiga Diiwaangelintu ka soo saaray Dacwaddii Khilaafka xisbiga UCID

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

guddigaHargeysa (SLpost)- Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta axsaabta Qaranka, ayaa maanta ku dhawaaqday go’aamo ay ka gaadhay dacwadda looga gudbiyey khilaaf siyaasadeed oo laba garab u kala qaybiyey Xisbiga UCID, kaas oo u dhexeeya Guddoomiyaha Xisbigaas Faysal Cali Waraabe iyo Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga.

Guddoomiyaha Guddiga Diiwaangelinta Ururrada iyo Anisixinta Axsaaqta Qaran Cabdirisaaq Ciyaale iyo xubno ka tirsan Guddiga ayaa goob warbaahinta iyo labada dhinac ee khilaafku u dhexeeyo ku sugnaayeen kaga dhawaaqay go’aamo laga soo saaray khilaafka xisbiga oo dacwadiisa iyaga loo gudbiyey.

ucid-faysalQodobbada ayaa u qornaa sidan:-

      1. In xisbiga UCID labadiisa garab qabsadaan shirwayne aan caadi ahayn muddo shan iyo afartan casho gudahooda oo ka bilaabmaysa 21.07.2016
      2. In labada garab soo magacaabaan guddi maamuusha shirwaynahaa oo ah tiro is le’eg.
      3. Guddiga tiradeedu waa 10 xubnood oo labada garab midba soo magacaabayo shan xubnood, waxaanna loo soo gudbinayaa magacyadooda Guddiga Diiwaangelinta
      a) guddigu waxay iska dhex dooranayaan guddoomiye iyo Xoghaye fulineed oo midba garab ka imanayo
      b) Guddigu waxay si is le’eg u soo xulaysaa ergada shirwaynaha
      c) Guddigu waxay maamulaysaa shirwaynaha ilaa inta go’aamadiisu ka soo baxayaan
      d) Kharashka shirka ku baxayana waxa bixinaya labada garab ee xisbiga si is le’eg.
      4. Shirwaynaha waxa lagu ansixinayaa dhammaan qodobada heshiiska labada garab iyo wax-ka-beddelka xeerka guud ee xisbiga UCID ee ku Taar. 12.07.2012.
      5. Golaha Dhexe ee xisbiga UCID oo tiradiisa sharciga ahi tahay 181 soo jeedin sharci ahina ka taalo waxa lagu dhammaystirayaa shirwaynaha.
      6. Murrashaxnimada Jamaal Cali Xuseen waxay ku dhammaystirmaysaa marka shirwaynuhu ansixiyo, umana baahna shir Gole Dhexe oo dambe oo lagu ansixiyo.
      7. Cali Maxamed Yuusuf oo heshiiska loogu ansixiyey guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID wuxuu xilkiisu ku dhammaystirmayaa marka shirwaynuhu ansixiyo.” Sidaas ayay u qornaayeen Qodobbada guddiga Diiwaangelintu ku dhawaaqeen.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories