HomeGo’aamada Ka Soo Baxay Xukuumadda ma Lagu Gaadhi Karaa Xalka Caqabadaha Taagan?

Go’aamada Ka Soo Baxay Xukuumadda ma Lagu Gaadhi Karaa Xalka Caqabadaha Taagan?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

W/Q: Maxamuud Cali Sh Maxamed (Walaaleye)

“Markay dani meeday tidhi, maxaan talo meel ka deyey;

Markay dani maaha tidhi, weydiiyey, qof meel ka deyey,

Markay dani maaha tidhi, ku laabtay halkaan ka deyey;

Markay dani maaha tidhi, ka sii deyey meel la deyey!  (Tuduc ka mid ah Gabayga Daba Huwan, ee Maxamad I. Warsame “Hadraawi”.)

Shalay go’aamo ayaa ka soo baxay xukuumadda halkii ugu sarreysay oo ah Madaxweynaha JSL, Madaxweyne-xigeenka, iyo guddiga dhaqaalaha ee Golaha Wasiirrada oo ka koobnaa Wasiirka Maaliyadda, Ganacsiga, Xanaanadda xoolaha, Waddooyinka, Maalgashiga Beeraha, iyo macdanta iyo tamarta oo Md. Cabdiraxmaan Saylici warbaahinta u akhriyey, waxa lagu sheegay in xal looga gaadhayo caqabado badan oo dalka ka taagan, oo ay ugu weyn tahay sarre-u-kaca qiimaha maciishada daruuriga ah, xaaladaha abaaraha dalka ka taagan iyo khilaafyada gudaha oo doorashooyin la isku haysto iyamaa soo hormaraysa?.

Xilligan, oo xaqiiqdii bulshadii dalku boqolkiiba todobaatan xaaladooda nololeed ilaahay SW ogyahay, laakiin runtiina ay culays aad u weyni saaran yahay, sidday ku helaan saddexda wakhti, ayaan dhinaca kale, go’aamadu u muuqanin kuwo caqabadaha jira aan ka jawaabayn, ama wax ka tarayn, isla markaana dadka inta lexejeclo ka hayso dalka iyo dadka wanaagoodu niyadjab ku ridayo.

Xukuumaddu waajibaadkeeda ugu weyn marka laga yimaado suggida nabadgelyadda waa u jiheynta bulshada badhaadhaha iyo dariiqa ay nolosha adag kaga baxayaan.

Qof kastoo islaam ah waa ku waajib inuu ka fikiro, lana socdo xaaladda walaalahiisa islaamka ah, badhaadhe iyo dhibaato hadba kay ku jiraan, oo xilliga badhaadhaha ay ku baraarujiyaan inay ilaahay SW ugu mahadceliyaan, xilliga dhibaatooyinkana Ilaahay SW u soo noqdaan, dembi dhaafna weydiistaan, si uu dhibaatada uga dulqaado.

Adduunka wax sabab la’aan u dhacaa ma jiraan, dhibaataduna nooca ay doonto ha noqotee, waxay ku timaadaa dunuub ummada ay haleeshay geysteen.

Haddaba dhibaatada maanta dalkeenna iyo dunida islaamka in badan ka taagan, xalkeeda koowaad ee lagaga bixi karo waa in ILAAHAY SW ummadu u soo noqoto, dembi-dhaafna weydiistaan, sidaa waxaan ahayn oo lagaga bixi karo ninkii hayow adigu raadi!

Halkan xukuumadeennu hadday xalkii mushkiladaha is-biirsaday ee dalkeenna ka taagan ka baadhi weyday kitaabka Alle iyo sunnaha Rasuulku NNKH, ugu yaraan waxay ahayd inay talaabooyin cadcad oo ummadu yididiilo u arki karto soo saaraan.

Maxaa la samayn karaa?

Sida tuduca gabayga Hadraawi ee aan sare ku sheegay, marka xal arrin la doonayo waa in dariiqdeeda la abaaro, sidoo kalena aan meel keliya laga deyin ee baadi-doonkeeda loo tallo badsado, taasoo ku habboonayd xukuumaddu inay u marto, haddana, haddii ay go’aamo soo saareen, Kollay aniga fikirkayga gaaban waxaan odhan lahaa, kuna biirin lahaa xalka caqabadaha taagan, xukuumadda talaabooyin badan ayaa u furan haddii ay si wanaagsan u raadiso xalka lagaga bixi karo caqabadaha is-biirsaday ee dalka ka taagan, waxaanan ku soo koobi karaa;

  • Xukuumaddu iyadaa dalka iyo dadka masuuliyadda koowaad ka saaran yahaye, waa inay ILAAHAY SW uga cabsoodaan, xilka ay ummada u qaadeena daacadnimo u gutaan.
  • Inay raadinta xalka adduunyo ee bulshada uga muhiimsan tahay, uguna baahi weyn tahay inay u raadiyaan xalkooda aakhiro iyo sidii ay uga badbaadi lahaayeen cadaabka ALLE, (Ilaahay dhammaanteen ha innaga badbaadiyee) uguna horeyso inay ummada ugu yeedhaan adeecidda ALLE iyo oogidda Salaadda.
  • Inay raadinta xalka caqabadaha jira u maraan dariiqa ALLE ummada u tilmaamay ee kitaabka iyo sunnaha, lana kaashadaan culimadda aqoonteeda leh, taasoo haddii waxa diintu inoo sheegtay ummada loo tilmaamo, ganacsatada iyo cid walba u soo noqonayso ILAAHAY SW, xalka culayska ummaduna yaraanayo.

Marka ummadu xalka koowaad ka raadiso kitaabka iyo sunnaha, furdaaminta arrimaha aduunyadda, si loo helo hoos u dhac ku yimaada qiimaha maciishadda daruuriga ah, waa in xukuumaddu qaado talaabooyin lagu kordhinayo cuntada gudaha ee bulshada Somaliland, si taa loo gaadhana, waa in;

  • Xukuumaddu way soo iibsan kartaa raashin ay qiimo jaban ku siiso shaqaalaha iyo ciidamada, taasoo wax badan ka dhimaysa culayska bulshada haysata, (IKHTIYAAR).
  • Innagoo og in miisaaniyadda dalka ay ka soo baxdo cashuuraha kala duwan, waa in hoos loo dhigo cashuuraha maciishadda daruuriga ah iyo shidaalka, isla markaana cashuuraha hoos loo dhigay, laga soo kabbo badeecadaha aan daruuriga ahayn ee dibedda laga keeno nooc kasta, oo QAADKA, SIGAARKU, GAADIIDKA raaxadu ugu horeeyaan oo cashuuraha lagu kordhiyo.
  • Waa in xukuumaddu u jihayso bulshada, gaar ahaan shaqaalaha dawladda, ciidamada gobol walba, wax-soosaarka beeraha, kalluumaysiga, dhaqidda xoolaha, qoditaanka macdanta iyo il dhaqaale oo dalku leeyahay oo laga faa’iideysan karo.
  • Waa in meel la iska dhigo, doorashooyin iyo danno siyaasadeed, oo maanta loo wada guntado, sidii dalkeennu u noqon lahaa mid dibedda raashin u dhoofiya, waana la gaadhi karaa, haddii loo guntaddo, inta yar ee la hayanna dariiq wanaagsan lagu maamulo oo ay ugu horeyso helitaanka biyo iyo qoditaanka ceelasha biyaha.
  • Ugu dambayn, qofwalba waajib ayaa ka saaran adkeynta wadajirka ummada Somaliland, islaamka iyo sidii dhibaatada caalamka aynu qeybta ka nahay haysata looga bixi lahaa, ilayn berri waa su’aal la weydiin doonee, ILAAHAY SW dariiqa xaqa dhamaanteen ha inna waafajiyo, dhibaatada aduunyada iyo ta aakhirana ha innaga badbaadiyo. aamiin…
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories