HomeGiraamaad yeynaan ku gadan Garashadeenii! - W/Q: Suleymaan Cabdisitaar Dubad

Giraamaad yeynaan ku gadan Garashadeenii! – W/Q: Suleymaan Cabdisitaar Dubad

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankGarashada Illaah inagu galaday hadaynu nahay bulsha weynta geyiga Somaliland waa mid aynu gaar kaga nahay guud ahaanba wixii laysku odhan jiray Soomaaliweyn, waxaad taas ku garan kartaa dhawr iyo labaatankaa sano ee ay gumaca iyo rasaasta birmagaydadooda la dhacayeen inaku waa intii aynu nabada iyo guulaha isdabajoogaa goboladeena ku maamulaynay.

Hadaba inakoo garawsan haantii aynu gunta ka soo tolay iyo wadahadaladii aynu geedka hoostiisa ku soo bilawnay, inakoo aan marnaba ilaabayn in garaamaadka lagu siiyo ay daba taalo go’aano laguu yeedhiyo iyo ka faaidaysiga goldaloolooyinkaaga ama in lagu guuro qayb ka mida bulshadaada oo hadii shilimo lagu gudoonsiiyo ay ka dhigan tahay Virus sida aad isaga dawaysaa adag tahay oo maalinba ninka qaataa uu yahay ka lagu shaqaysto dantoodana ay ku fushadaan.

Waxaan aaminsanahay hadii Somalia laga dayn lahaa shilimada la siiyo in uu dhibku ka degi lahaa, inaka hadii hore laynoo siin lahaana aynaan degneen oo aynu joogi lahayn haadkaa ay hada haystaan.

Hadaba madaxda qaranka Jamhuuriyada Somalilandee haysa mindida daabkeeda iyo golayaasha talada dalka laga go’aamiyo waxaan u soo jeedin lahaa in aynaan garashadeenii ku gadan Garaamaad sababaya in aynaan yeelan go’aan ka gaadhista hawlaheena gaarka ah iyo gurigeena gudihiisa.

Waxaan Ognahay in hadii go’aan adag aad gaadho oo aanad isu hoos dhigin shilimada ay qolyaha isku sheega Deeqbixiyayaashu bixiyaan aad ka adag tahay cid walba umadaadana aad kaga helayso taageero buuxda iyo isgarabtaag dhaba, hadii bulshadeenu ay bixiso cashuurta iyo xaqa lagu leeyahay isla markaana ganacsatadeenu ka fekerto qaab ay bulshadani iskufilaansho nololeed ku gaadhi karto laga shiro oo wax laysu geegeeyo waxaaan qabaa inaynaan u baahnayn deeqshisheeye oo midnimadeena iyo wadajirkeena lagu mijo xaabiyo mid maalinwalba laynagu taago shir aynaan u qalmin oo quudhsibadani kujiro sidii kii ugu danbeeyey ee ISTANBUL ee dawladeenu dhex fadhiday iyadoo caalamka loogu sawiray inay qayb ka tahay xalka somaliweyn ee sida jeesjeeska ah madaxda somalida iyo kuwa caalamkuba inoola hadleen.

Gunta iyo gunaanadka maqalkayga waxaan si gaara xilkan iyo waajibaaadkan guudka u saarayaa inuu ka fekero qaab aan ahayn in aynu aduunka dhaqaale quudhsi ka helo Madaxweyne Siilaanyo oo isagu maanta dalka u taliya go’aankiisuna yahay ka ama aakhiro inoo diraya ama ifka nolol caafiimaad qabta inagu noolaysiin kara inta ka sokaysa qadarka eebe iyo go’aanadiisa.

Wixii aan Saxay Eebaa ku mahadsan intaan qaldayna shaydaanbaa iska leh

Qalinkii Suleymaan Cabdisitaar Dubad

Hargeysa Somaliland

cabdisitaar@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories