HomeGIIRYAALE

GIIRYAALE

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

siciid maxamuud

Gabaygan waxa curiyay Siciid Maxamuud Gahayr….. Waa tix soo baxday 08/12/2011 oo garnaqsi, haddii lagu sheelo waa lagu is-sheegaa iyo is-barraxid ahayd… Kuna socota Md Ismaaciil Maxamuud Cakuush oo maamule ka ah dugsi uu hal-abuurkani ka ahaa macallin……

Waa kan gabaygii Giiryaale

1.Gaaddadada kumaan hayn beryahan, godolka maanseede

2.      Eeggana dareen gaar ah baa, goortan ii yimiye

3.      An gorfeeyo maantana tix gabay, layga go’i waaye

4.      Ismaaciil gar culus baan haddeer, geedka soo dhigiye

5.      Garyaqaanka Dool baa fasiri, gool an leeyahaye

6.      Kasmaal galgaal-bixin halkii, uu ishkaal galo’e

7.      Weelee adoo aan gilgilan, waa garsheeg mudane

8.      Garmaqaate amintaan wajahay, gees xun baan maraye

9.      Gurxankiisa waataan barteen, gaabshay hadalkiiye

10.  Gaadiid tankiisuu rarmaa, gaadhi iyo doone

11.  Gurracii liq wayn lagu dirqiyay, goosay oo qaraxye

12.  Gaabane “cir soo laac” la yidhi, gaadhi kari waaye

13.  Badda gooshka socodkaa qof ogi, uma galboodeene

14.  Gal nimaan aqoon buu buu dilaa, geeriyaa darane

15.  Aniguna gaddaasaan war li’i, kuugu soo galaye

16.  Gudcuryahaw guluub naaqusaan, mooday laydh giga’e

17.  Qorshahayga gaarka ah kolkaad, meelo kala geysay

18.  Haddaan “giiji laba” jaalle idhi, waa gar iyo daw’e

19.  Ballanqaadka gawda ah qacdaad, iga guddoomaysay

20.  Geri iyo inaad Aar tahaan, mooday gacalloowe

21.  Gafaniyo waxaad ehel tihiin, gaarjuf iyo biiqe

22.  Gacan-yaraha aad sheegaysaan, deexna kaa gurine

23.  Gacan-saydh haddaad diiddo waan, gami lahaa jiife

24.  Afartaas garsheeggii tixdiyo, maanso geed dhaba dheh

25.  Giiryaale hadal uu ka dido, oo gob maqashaa dheh

26.  Garnaqsiga haddaan sii wadoon, eego gees kalena

27.  Cadawgaa gantaalliyo markuu, gulufyo heenseeyo

28.  Gama looma seexdee hubkaa, lagu garaacaaye

29.  Dhawaaq aan gudboonayn haddii, nacab ku geeraaro

30.  Ama uu libtaadii god iyo, gebi ku tuuraayo

31.  Gar Allee inaad “dooh” tidhaa, way gudboon tahaye

32.  Intad iinta guudkaaga sudhan, igu gufaynayso

33.  Gambo maad ka weydeen haddaad, goodhi furan layde

34.  Adoo goobtan dhaafaa ka roon, gaadhna waad heliye

35.  Afartaas garsheeggii tixdiyo, maanso geed dhaba dheh

36.  Giiryaale hadal uu ka dido, oo gob maqashaa dheh

37.  Garnaqsiga haddaan sii wadoon, eego gees kalena

38.  Aqoontaydu waxay gaadhay heer, aan gadmahayne

39.  Googlaha xogtaydaa wax badan, lagu gorfeeyaaye

40.  Imtixaannadaynaan gudbaa, goorta aan galo’e

41.  Jaamici gaboobaan ku ahay, gabayo suugaane

42.  Shaqadayda gelin maan maqnaan, waana guul kale’e

43.  Ardaydaan gardaadshaa tacliin, waa gob soo koriye

44.  Geedaha halkii saac leh baan, uga garaacaaye

45.  Malab baan gasiin uga dhigaa, loo golmoon yahaye

46.  Inta aan garaad kaabay baa, gaadhay kumannaane

47.  Kutubkeenna goor hore cilmiga, Eebbe ugu gaaray

48.  Gorfayn Saynis uu dhigay Quraan, waan gad-bixiyaaye

49.  Golji body, guluumeryulas, guulletkiyo beerka

50.  Girrigiyo hiddaa waalidkee, guurka lagu doono

51.  Garka iyo wadnaa dhiigga haba, geeya unugeenna

52.  Gol caloola, sambab giigsanoo, guraya neefteenna

53.  Geedaha cuntada noo unkee, gaajo naga reeba

54.  Bayloojka geestii la dayo, waan ku gaamuraye

55.  Gudbintiyo odhaahdaan ku ahay, Gaarriyoo kale’e

56.  Gad Hadraawi baan waano qaran, gole tilmaamaaye

57.  Aqoontii Cadaad lagu galladay, goostay aayaha’e

58.  Cawil Geeddi bay dhigay tacliin, aan gankay heline

59.  Boobaa garaaboo yaqaan, geesigaan ahaye

60.  Geeddiyo rafiiq baanu nahay, curiye Gaaxnuuge

61.  Jamaal baa waxaan gudo ku qoray, buugag aan gudhine

62.  Gaashaan Hal-doorkaan u ahay, goobo lays tebo’e

63.  Guulluhu ninkii uu abyaan, gaabis lala simine

64.  Guclo iyo haddii orod la rabo, geed –lab baan ahaye

65.  Gammaan iyo baroor baan kornahay, gaaf-wareeg socode

66.  Adigoo an ganac go’in haddaba, gaabso kuu bilane

67.  Afartaas garsheeggii tixdiyo, maanso geed dhaba dheh

68.  Giiryaale hadal uu ka dido, oo gob maqashaa dheh

69.  Garnaqsiga haddaan sii wadoon, eego gees kalena

70.  Guruxyadu waxay fiiriyaan, waa hadh galabeede

71.  Garbadiirba dhaayuhu u boge, galalacdeediiye

72.  Waxse garan, ninkii geeddi furay, gubannadeediiye

73.  Gibilkaagu waa kii waxgarad, guurtidoo kale’e

74.  Gadhka iyo bidaartaa nin deyay, geesi kugu sheegye

75.  Gunta hoosna, gabankaad bah tiin, garasho waydloowe

76.  Inta ay “gob” kugu leeyihiin, way ku gawriciye

77.  “Galool baad tay” ruuxii ku yidhi, geed-xun kuu qariye

78.  Gumarta iyo Jiicaad guntii, gacal wadaagtaane

79.  Gomoshaagu kaa dheer sidii, Gaal Islaam qaba’e

80.  Guddoon baaqday baad soo ahayd, dhawr gu’ oo hore’e

81.  Xilka guudka kuu saaran baa, goohay oo jabaye

82.  Gaashaanle ruuxaan ahayn, guuto wuu hodiye

83.  Gargaraaca maaddooyinkaad, guul ku dhalisaaye

84.  Gamashiga inaad diin ku tahay, waa god waafaqa’e

85.  Geeddiga halkaad joogtid baan, “guud mar” leeyahaye

86.  Gadh-wadeenka uunkaan rabaa, samo-gardaadshaaye

87.  Gasiinkayga Eebbaa xifdiyay, gaws wuxuu cuniye

88.  Guunyana ma siisteen milgeha, goor kastooy tahaye

89.  Gawaan-raac adoo aan i baran, haygu soo geline

90.  Allaylehe gidaarkaad hirdiday, waa hal aad geyiye

91.  Afartaas garsheeggii tixdiyo, maanso geed dhaba dheh

92.  Giiryaale hadal uu ka dido, oo gob maqashaa dheh

93.  Garnaqsiga haddaan sii wadoon, eego gees kalena

94.  Gorof caano buuxaan ninkii, gaawe igu soora

95.  Gande iyo sidii boqorradaan, gacan salaamaaye

96.  Gaadena il-dheer baan dayaa, kii i gaasira’e

97.  Gefka iyo xumaantaad rabtaa, way gun dheer tahaye

98.  Gudimuhu markay raawisaan, geed ma jarayaane

99.  Geel uu dhallaan duubay baan, gaadhin reer kale’e

100.                      Gollidaan Arbaha wiiqi karin, giririf duullaane

101.                      Golxobtaada waan sii arkaa, “gaad” haddaad tidhiye

102.                      Guduudane sidiisii intaad, geliga meerayso

103.                      Inta aad gadaashayda guux, sibiq gunuusayso

104.                      Gabashada daciifka ah intaad, gudub qorshaynayso

105.                      Good iyo intaad qarin abees, ganaya waabayda

106.                      Car go’aa ka qaad xaajadaad, gibilka saarayso????????????

107.                      Afartaas garsheeggii tixdiyo, maanso geed dhaba dheh

108.                      Giiryaale hadal uu ka dido, oo gob maqashaa dheh

109.                      Garnaqsiga haddaan sii wadoon, eego gees kalena

110.                      Taariikhda guunka ah haddaan, gocasho faalleeyo

111.                      Wiilwaal tiraab laga guntaan, garabsan doonaaye

112.                      Gamaskiyo rasaastuba nin raga, gini ma yeelaane

113.                      Gafuurkoo la taagaa halyey, goof kumay ridine

114.                      Walaal iyo waxaa gaadha weedh, loo gar tiriyaaye

115.                      Gocondhadu waxay ii tartaa, guulo nololeede

116.                      Gujadiyo qaniinkaan i lurin, goorrin iyo feedhe

117.                      Dhimbiil aadmi tuuraan i gubin, gaasta qiiqa lehe

118.                      Haddii aad “gobtahanyee” is tidhi, goostay libintiiye

119.                      Adigoo geddii jiis libdhaan, geliyay diiwaane

120.                      Gibladayda inan giijiyaa, waa go’aan dhigane

121.                      Gondahayga adigoo qabsaday, guuli way imane

122.                      Guntintayda maan-gaab ma furo, gaagax ii filaye

123.                      Afartaas garsheeggii tixdiyo, maanso geed dhaba dheh

124.                      Giiryaale hadal uu ka dido, oo gob maqashaa dheh

125.                      Garnaqsiga haddaan sii wadoon, eego gees kalena

126.                      Inkastuu gudgude hoorayaa, ciidda galacyeeyo

127.                      Gawaan aan tigaad saarin buu, Ganay tilmaamaaye

128.                      Waanadu dhegtii aanay gelin, guul-darraa badane

129.                      Gabaygana waxsheeg baan rabaa, inan ku gooyaaye

130.                      Awooddiisa ruuxoo gartaa, waa god naafaca’e

131.                      Marlay beentu way soo gudhaa, garashadaydiiye

132.                      Goortiyo ayaantaba runtaan, gooni kuu faraye

133.                      Gaanniga haddaad mooddo yaris, waad lug go’aysaaye

134.                      Qaraxyada adoon geysan karin, laysma gaasiro’e

135.                      Garoomada adoon loollan baran, looma gudo boode

136.                      Gacaltooyadaanan rabin, goorna wiilyahawe

137.                      Gabgablaha sidiisii ha noqon, gees walba u baydha

Siciid Gahayr

Hargeisa, Somaliland

saedmgahair@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories