HomeGIDAARKA QOLKAYGA QUMAC BAA KUJIRA

GIDAARKA QOLKAYGA QUMAC BAA KUJIRA

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Sanadku waa sagaashamaadkii dalka ayaa lagu soo noqday inakstoo aanay jirinba kaabayaasha dhaqaalaha iyo aas aaska nolosha oo ay kamid yihiin biyo nadiifa,laydh lashito, waxbarsho toosa, iyo caafimaadka; hadanaRooble wuxuu aad ugu faraxsan yahay deegaanka uu joogu sababtoo ah wuxuu hadda kasoo noqday xeryaha qoxootiga ee dalka itoobiya waa meeshii ay injirtu ku gashay markuu waayay shaadh iyo surwaal uu kubadasho kuwa uu xidhan yahay iyo biyo uu kumaydho jidhkiisa.

Rooble gurigooda oo kuyaalay xaafada idaacada wuu dumay, waxaana meel walba kaga jira qumaca rasaasta, wuxuu dhinacwalba kamaray gurigoodii oo baryo qaarkood ahaan jiray meel ay kufanaan dhamaan reerkoodu dadkana kusoo dhaweeyaan fadhiga qurxoon ee aabahood barigaa ka keenay SANCA oo ahayd meelaha laga doonan jiray alaabta guryaha la dhigto.

Roobleqolkiisa waxaa si gaara ugujira qumac wayn oo nooca kaaraha uu rido ee looyaqaanomadfackaasoo dhexfadhiistay gidaarka isagoo aan qarxin hasewaxba yaanay sheekadu ila durkine waxaa si caadi ah usoo noqotay dhamaan qaybihii noloshu kufadhiday oodhan Rooble reerkoodu wuxuu go,aan kugaadhay in guriga la dayactiro oo lahagaajiyo hase yeesheeRooble waa loo taag waayay inuu ogolaado in qumacas laga saaro gidaarka maqsinka uu galo, waxaanu kutiraabay waa xasuus aan ubaahanay inaan naftayda kuxakameeyo markaan cadhoodo ee ha la iidaayo.

Arintii waa laga ogolaaday meeshiisana waa loodaayay maalmo kadibRooble aabihii oo ahaa nin garaad badan oo tacliin leh ayaa qumaca meesha kasaaray waxaanu kubadalay bir uu tumaalka ugeeyay oo sida qumaca loo sameeyay oon laga garanba qumicii meesha kujirayRooble inaba muu dareemin in qumacanu uu mid tumaalku soo sameeyay yahay.

Rooble qolkiisa waxaa kuxardhan kudhawaad 50 sadar oo nabada kahadlaya iyo qiimaheeda

nabad baa naas la nuugo leh

intay nabadu joogtaa ninba laba nin leegyahay

dhubuq dhubuqdaada mooyee dhul udhacaa hubso

nabadi waa naas irmaan

raga gogoshiisu waa nabada

Rooble waa nin jaamiciya waqtigan waa double master da,diisu waa 29 wuxuu kujiraa mid kamida ururada mucaaridka ah ee somaliland sababtoo ah wuxu qabsaday odhaahda African badan ay aaminsan yihiin ee tidhaa hadaad rabto inaad dawlada xil ama masuuliyad kaqabato mucaaridka kubiir si laguu arko dabadeedna laguugu yeedho, sabtida waa maalin xisbiga uu kujiro Rooble isu qanciyay inay lagama maarmaan tahay in ladhigo mudaharaad aad uwayn oo dalka oodhan gilgila si qolyaha xilkahayaa isaga laaluushaan oo malaayiinta dolar ee sida daadka usocota badhkooda ay ulaboobaan guryo iyo gaadhiyo uga iibsadaan.

 Habeenkii markuu qolkiisii yimi ayuu istusay isagoo mudaharaadkii dhacay dhamaan gobolada dalku qasan yihiinwuxuu isu qanciyay iyadoo qolyaha xilka hayaa malaayiin dolar oo laaluusha isla habeenkii dambe ukeeneen si xisbigoodu udajiyo dadka kacsan oo TV yada uga hadlaan una sheegaan in arinkii dhamaday wuxuu is tusay isagoo xilkii ugu qaalisanaa xukumada talada haysa loomagacaabay guryo dhistay gaadhiyo iibsaday isagoo riyadaas kujira ayuu markaliya isha lahelay QUMACII GIDAARKA KUJRAY aad iyo aad ayuu uga argagaxay wuxuu arkay iyadoodad dhinteen qaarkalana dhaawacmeen cusbitaalada dalka odhan baroorta dumarka mooyee waxkale aan laga maqleen bacadlayaasha suuqa dharka ku iibiya laboobay, masaakiintii suuqa ku ganacsan jirtay hantidoodii la dhacay , gaadhiyo shicib iyo kuwo dawladeed ba lagubay wuxuu arkay inaanay dadkeenu ubislayn mudaharaad salmiya oo inta boodhadh lasamaysto ama waraaqo qoraal lagu xardhay la qaato in jidka dheer si nabadgalyo ah loo maro wuxuu ogaaday in ciidamada police ka ee dalku aanay haysan sunta dadka kaga ilmaysiisa iyo budhadhka dadka lala dhaco toona ee ay hastaan rasaas nool markay doonaana ay isticmaali karaan si ay dadka ukala eryaan.

Wuxuu mar labaad xasustay DULCAD IYO DAROOR iyo injirtii kugashay markuu caruurta ahaa, kuyuugii loogalijiray qamadiga iyo biyaha si loogu noolaado oo nafta logu sasabo markaliaya ayuu jiifka ka booday wuxuu xidhay suudh kamida suudhadhkiisa uu kuxaragon jiray waxaanu tagay mid kamida TV yada ugu afka dheer ee kuyaala somaliland waxaanu halkaa kasheegay inuu iska casilay xilkii uu uhayay xisbiga mucaaridka ah mudaharaadkii barito aanu isagu hogaamin doonin halkaas waxaa kubaaqday mudaharaad dad badan ay kudhiman lahaayeen kuwo kalana hantidooda looga boobi lahaa

Duluucda sheekada ayaa waxay tahay sidee loobari karaa dadkeena somaliland sida loo qabto mudaharaad salmiya oo cidina kudhiman cidina kudhawacmin qofna hantidiisa aan looboobin?

W/Q Axmed C/raxmaan Axmed (ORIGINAL)

.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories