HomeGeneral Jidhif Oo Si Cilmiyaysan Uga Hadlay Khatarta Saldhiga Milatari Ee Imaaraadka...

General Jidhif Oo Si Cilmiyaysan Uga Hadlay Khatarta Saldhiga Milatari Ee Imaaraadka Carabtu Doonayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(SL.Post) Muj. Maxamed Xasan Cabdilaahi Oo Ahaa Halgamayaashii ururkii SNM isla markaana ah  Khabiir ku takhakhusay dhinaca militariga ayaa ka hadlay bixinta saldhiga militari ee xukuumada somaliland doonayso inay ka siiso  magaalada xeebeeda Berbera wadanka carbeed ee isu taga emirateka carabta, waxaanu Muj. Maxamed Xasan C/laahi (jidhif)sheegay in aanay wax faa,iido ahi ugu jirin Somaliland inay bixiso Saldhig militari, isaga oo sidaa ku sheegay mar uu la hadlayay warbaahinta.

images

waxaana hadaladiisi ka mid ahaa: “Dagaalkii  labaad  ee dunida ka dib  waxay dawladaha aduunku u kala jabeen laba qaybood oo kala ahaa hanti wadaag iyo hanti goosi ,kaas oo wadan kastaa uu raacay xiligaa dhinaca uu u arkayay in ay maslaxadiisa tahay, inaga ka gobol ahaan  xiligaa waxa raacay Maxamed Siyaad Bare oo qaatay dhinaca hanti wadaaga, waxaana uu saldhig militari magaalada Berbera ka siiyay quwadii Ruushka isaga oo markaas door bidayay maaliyad,dhinaca dhismaha ciidanka iyo sidoo kale isagoo ku ilaashanayay kursigiisa,  balse hadiiba ay timaado isku dhac ka yimaada labadan mabaadi ee ay kala qaateen dawladuhu ogow  wixii khasaare iyo faa,ido ka yimaada waa in wadan kastaa ogaadaa in uu qayb ka yahay wixii  dhaca, tusaaale ahaan waqtigaas wadanka Kuuba waxa uu qaatay mabda,ii hantiwadaag, waxaanay bixisay saldhigii militari ee ugu waynaa oo ay yeeshaan wadanada qaatay mabda,a hanti wadaaga,xiligaas kuuba waxa ay lumisay xidhiidhka wadankii ugu waynaa ee ay jaarka ahaayeen oo ahaa dalwaynaha maraykanka.

Hadaba hadii aynu u soo noqono Somaliland oo ah wadan aan wax aqoonsi ah ka haysan dunida caalamka, kuna taala juquraafi ahaan meel starategy u ah wadamada bariga Africa, dhibaato intee leeg ayay ku keeni kartaa wadanada gobolka hadii saldhig militari lasiiyo Wadanka isku taga imaaraatka carabta? ” ilaa hada ma hayno waxa aynu ku baddalanano heshiiskan, runtiina waa la ogyahay in  xiligan wadanada carbeed ka siraadan tahay qadiyad quwadeed oo ay ku hirdamayaan wadano carbeed oo salka ku haysa dagaalada ka socda dalka Yemen, Markaa aniga ilama  aha in wax somaliland halkaa  u yaalaa jiro, waayo dhibta ka imanasa ayaa ka wayn ta ay xukuumadu ku galaso heshiiskan ayuu yidhi Muj. Jidhif.

Muj. Maxamed Xasan C/laahi (jidhif)  mar uu ka hadlayay dhinaca cadaawada jaarnimo ee ka dhalan karta basekan militariga ee xukuumadu ka siinayso magaalada Berbera Wadanka  isku taga Emiraateka carabta waxaa uu yidhi “Ma laga yaabaa in saldhigaasi ina dhaxalsiiyo inay Somaliland ku Waydo Wadanka aynu Jaarka nahay ee Ethiopia Oo ay ku nool yihiin 100 milyan oo ruux , cilaaqaad iyo dano badanina inaga dhexeeyaan isla markaasna aanay isku fiicnayn wadamada carabta, waxay aniga  ila tahay inay xukuumadu ka fiirsato cawaaqibka ay keeni karto bixinta saldhigaasi waxaana taa ku taageersan ahay aragtidii uu ka qaatay  Muj. Ibraahin Dhagaywayne iyo aragtida ay ka qaaddan doonaan bulshada reer saaxil,” ayuu yidhi muj jidhif

Isagoo hadalkiisa siiwatana wuxu yidhi “Ugu danbayntii waxa aan  xukuumada u soo jeedinayaa in si xeeldheer oo lexejeclo ku jirto  uga fiirsato cawaaqibka uu Somaliland ku keeni karo saldhigaas militari”.

Gabogabadii  waxa uu Muj. Maxamed Xasan C/laahi (Jidhif) uga baryay Umada Reer Somaliland in  Ilaahay abaaraha ka soo jabiyo oo uu barwaqo ugu badalo xaaladan.

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories