HomeGeneraalkii Hoggaaminayey afgembigii dhicisoobay ee Ethiopia oo la dilay iyo Wararkii u...

Generaalkii Hoggaaminayey afgembigii dhicisoobay ee Ethiopia oo la dilay iyo Wararkii u dambeeyey ee xaaladda dalkaas

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Addis Ababa (SLpost)- Wararka laga helayo dalka Itoobiya oo aanu ka soo xigannay wakaaladaha caalamka, ayaa sheegaya in la dilay Jeneraal Asaminew Tsige oo la sheegay inuu ka dambeeyay iskudaygii Afgembi ee ka dhacay gobolka Amxaarada, Janaraal Asamnew Tsige ay toogteen ciidammada booliska dalkaas.

 

Jeneraalka ayaa la sheegay in lagu dilay deegaan u dhaw goobtii uu weerarka ka dhacay Sabtidii todobaadkan.

 

blank
Generaal Asaminew Tsige

 

Sarkaalkan ayaa la rumeysan yahay inuu hoggaaminayay afgembigii dhicisoobay ee lagu dilay madaxweynihii maamulka Amxaarada iyo madaxii ciidammada Itoobiya.

 

Janaraal Asaminew Tsige ayaa kamid ahaa saraakiishi militariga aheyd ee xabsiga laga sii daayay sannadkii lasoo dhaafay kaddib markii dowladdii hore ay cafis u fidisay maxaabiis arrimo siyaasadeed u xidhnaa, waxaanay arrintani ka dambeysay cadaadis dowladda la saaray.

 

blank

 

Asaminew Tsige ayaa muddo 9 sanno ah xidhnaa, waxaana xilliggaas lagu eedeeyay inuu qorsheynayay afgembi ka dhan ah dowladda. Ninkan ayaa ka soo horjeeda fekerka Federaalka ah ee nidaamka dowladnimada Ethiopia ku dhisan tahay. Haseyeeshee, Raysawasaare Abey ayaa markii talada dalka qabsaday waxa uu u magacaabay inuu noqdo madaxa amniga ee gobolka Amxaarada.

 

Waa Kuma General Asaminew?

Dowladda Ethiopia ku eedeeysay madaxii ammaanka gobolka Amxaarada Janaraal Asaminew Tsige inuu ka dambeeyay isku daygii afgembi ee ka dhacay gobolkaas.

 

Sida aanu ka soo xigannay wakaaladda wararka ee Reuters, saraakiisha ugu sarreysa maamulka Amxaarada ayaa Sabtidii markii uu weerarka dhacayay ka arrinsanayay tallaabooyin uu waday Janaraalka oo ahaa inuu qoranayay ciidamo maleeshiyaad ah.

 

Janaraal Asaminew Tsige ayaa dadweynaha gobolka Amxaarada kula taliyay bishan inay hubka qaataan, sida lagu sheegay muuqaal laga soo duubay oo baraha bulshada lagu baahiyay, waxaana dadkii arkay muuqaalkaas kamid ahaa weriye ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters.

 

 

Wararkii uu dambeeyey ee xaaladda Ethiopia

Waxa maanta geeriyooday Xeer ilaaliyahii Guud ee gobolka Amxaarada Itoobiya Migbara Kebede oo u dhintay dhaawac kasoo gaadhay weerar lagu tilmaamay isku-day af-gembi oo Sabtidii todobaadkan ka dhacay magaalada Bahir Dar ee xarunta Ismaamulka Amxaarada.

blank
Madaxweynihii Maamulka Amxaarada ee la dilay

Dowladda Federaalka waxay ku tilmaantay weerarkaas isku day afgembi oo ka dhan ahaa maamulka Amxaarada.

Xeer ilaaliyahan ayaa ku dhaawacmay weerar ay ku dhinteen madaxweynihii maamulka Amxaarada iyo la taliyihiisi oo xilliggaas ku sugnaa xafiiska maamulka.

 

Guud ahaan dalka Ethiopia waxa maanta laysugu soo baxay Baroor-diiq loo sameeyey Masuuliyiinta la laayey.

 

blank
Gen Seare Mekonnen’s, Taliyihii Guud ee Milatariga Ethiopia ee la dilay

Calanka dalka Itoobiya ayaa hoos loo dhigay, teleefishanada waxay baahinayaan farriimo tacsiyo ah iyo baaq nabadeed oo ay jeedinayaan madaxda gobollada iyo dowladda federaalka. Hoggaamiyeyaasha diimaha ayaa ku baaqay in loo midoobo ilaalinta nabadgelyada.

 

Xubnaha ka tirsan Aqalka sare ee baarlamaanka Itoobiya ayaa joojiyey kal-fadhi ay yeelan lahaayeen maanta kaas oo la filayay inuu khudabad ka jeediyo Raysal-wasaare Abiy Axmed.

 

@Wakaaladaha Wararka

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories