HomeGeeridii Marxuuun Cabdillaahi Fadal Iimaan: Gelbiskii Aaska iyo Galiilyadii Shacbiga

Geeridii Marxuuun Cabdillaahi Fadal Iimaan: Gelbiskii Aaska iyo Galiilyadii Shacbiga

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

blankMarkii aan habeenimadii 1-dii Nofemeber 2019-ka aan maqlay geerida waxa aan la xidhiidhay dhawr qof. Ciyaaryahan Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase) ayaa ii xaqiijiyay geerida Taliyihii Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland. Meel aan ka fogeyn International Hospital ayaan ku sugnaa. Hoonka gawaadhida ciidanka ee dhiillada tebinaya ayaan u maqlayay si xooggan. Waxa i saaqay dareen caloolyow ah. Waajibna way ahayd’e dhambaal tacsi ah ayaan ku faafiyay baraha bulshada.

Xilliga iyo goobta aaska waxa baahiyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland. Caweysnimadii xalay, waxa aan wacay Maxamed Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Dirawal) oo aan qoys ahaan uga tacsiyadeeday geerida, wuxuu ii sheegay in ay isla wakhtigii geerida ku xigay bilaabeen qoditaanka xabaasha, halkaasna ay joogaan.

Xilli ku beegan 11:30 barqannimo ayaan gaadhay xaafadda Shacabka oo uu guriga marxuunku ku yaallay, hal xafiis oo wasaaradda waxbarashada ah ayaan hawl kooban u galay, waanan ka laabtay. Intii aan taas ku jiray ayay soo dhaqaaqeen gaadiidkii gelbinayay marxuunku. Jidka waxa taagnaa ciidan kala hagaya moodharrada tirada badan ee godkiisa rasmiga ah u gelbinaya Marxuun Cabdillaahi Fadal Iimaan Taliyihii Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland.

Markii aan gaadhiga u imi, waxa aan doonay inaan baabuurta ka raaco marinka u dhexeeya Wasaaradda Beeraha iyo Emperial Hotel, laakiin jidku wuu buuxay. Gadaal ayaan u noqday, aniga oo dooxa iyo beerta Xorriyada ka dhacay. Axmed-Gurey ayaan uga gudbay Galbeedka Istaadyoonka. Waddada Half London ayaan taayirka la helay. Markii aan buurta fuulay ee aan Isgoyska Badhka marayo ayaan la kulmay jid-xidhan iyo baabuur tax ah. Baabuurta shacabku waa ay wada istaageen, hareeraha marinka waxa taagnaa bulsho isugu jirta dhallinyaro, haween iyo da’ yar ducada ku gelbinaya.

Ciidanka nabadgelyada waddooyinka oo kala hagayay gaadiidka ayaa hannaanka socodka wanaajiyay. Waddada Siinaay ayan u leexday, aniga oo jidcadde shaagga ku hubsaday, saa waa baabuur buurta koraysa oo fara-badan, rabana inay hal marin wada maraan. Kuwo soo kala maray suqduudyo kala gaar ah ayaa bar qudha ku kulmay. Ciidankii nabadgelyada waddooyinka ayaa haddana kala hagay. Waxa ceeryoon ahaa barxadda baabuurta ee Masaajidka, waxaanan u dhaafnay dhanka xabaasha. Meelaha aan carrabaabay waxa gaadhiga ila saarnaan kara qof toos u garanaya. Waa aan dul istaagay, waana ay dhammayd, luxudkana waa la duway.

Wax yar kaddib ayuu soo istaagay dhoolligi (ambulance), ciidan heellan ayaa hagar li’i u dejiyay. Markaa aan arkay meydka marxuunka oo naxashka saaran ku duuban maro guduudan ayaan qof ahaan sida ugu weyn u duceeyay. Gaadiidka booliska ayaa ku xigay, waxa isla daqiiqado ku soo istaagay gawaadhi ay saarnaayeen Madaxweynaha Somaliland, Madaxweyne ku-xigeenno hore, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Guddoomiyaha Guurtida, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Saraakiisha ciidamada qaranka, Xisbiyada qaranka, wasiirro, duqa caasimadda iyo ku-xigeenno, xildhibbaannada baarlamaanka, golaha degaanka, suxufiyiinta, ganacsatada iyo kumannaan iyo kumannaan iyo kumannaan. Geesta aad ka laabtaba labeentii bulshada ayaa joogtay.

Dhammaan dadku waxa ay ka marag fureen in marxuunku ahaa daljire qarankiisa u adeega, qof hawlkar ah, qof soo maray heerarka kala geddisan ee ciidanka: baadhe, taliye saldhig, hoggaanka hawl-gelinta iyo Taliyaha Booliska oo uu ahaa tan iyo 2012ka. Waxa lagu suntay qof shakhsiyad wanaagsan oo lafihiisa gobannimadu buuxday. Aadame suubban ayaa lagu asteeyay, bashar soo-dhaweyn iyo dadnimo leh ayuu ahaa. Qof sikhi ah oo wixii arrin iyo adduun looga baahdo hura ayuu ahaa inta awooddiisa ah.

Mar waayeel iyo guurti buu ahaa, waxa uu ka qayb qaadan jiray xalka dad badan oo wax kala tabanaya. Inta uu hawl halkeeda ku maareeyay ee aan warbaahinta soo gaadhin ayaa badnayd. Qof ahaan waxa aan ogaa isaga oo kormeer 04:00 habeennimo ku sameeya saldhigyada gaar ahaan kuwo aan ku xidhnaa. Raggii markaas ka maqnaa shaqadooda waxa uu ka qaadayay tallaabo sharci ah.

Waxa ay ku baaqeen in la saamaxo haddiiba wax la kala tirsado, waayo shaqada ciidanku waa mid culus. Waxa la isla gartay in dan qaran lagu kala aragti duwanaan karo, bal se aanay jirin wax gaar ah oo qof iyo qofaf u dhexeeyaa. Dhammaantood waxa ay Eebbe ka baryeen in uu godka u nuuro, in uu qoyskiisa Samir iyo iimaan ka siiyo iyo in la yahay ergo Alle uga tuugaya marxuunka dembi-dhaaf.

Waddada biyaha oo lahayd geed-gaab iyo dhijaano biyo ah cagaf ayaa la sii geliyay. Taasi waxa ay sababtay in boodh iyo uuro kacdo, qaybo ka mid ahna waa la rusheeyay. X Sarreeye Gaas Marxuun Cabdillaahi Fadal Iimaan waxa lagu sagootiyay aas qaran iyo duco qaayo leh, maalin Soo-roga (Sabti) ah 2dii Nofember 2019ka ayuu luxudka kowsaday. Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo.

Siciid Maxamuud Gahayr

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories