HomeGeerida Ayaa Waano iyo Tusaale Inuugu Filan

Geerida Ayaa Waano iyo Tusaale Inuugu Filan

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Waxay ahayd markii  iigu horraysay ee aan maqlo qof geeriyooday ama dhintay. Markii aan garaadsaday ee aan kala bartay geerida iyo nolosha, sidoo kale markii aan ogaaday in qofka dhintaa aanu dib ugu soo noqonaynin adduunkan. isla markaana aan garawsaday in dhammaan dadka dunida guudkeeda ku nooli ay maalin maalmaha kamid ah isugu iman doonaan aakhiro. Isla markaana uu ilaahay kula xisaab tami doono qof waliba wixii uu masuulka ka ahaa, sida nafdiisa maalkiisa, ubadkiisa, ooridiisa, iwm.

Sidoo kale waxaan ogaaday in geeridu xaqtahay.  Qof nolol ku waarayaana aanu jirin, in lawada dhimanayaana uma baahna wargelin iyo ogaysiis, marka lagasoo tago Rumayn Diimeed iyo Caqiido geeridu waa
amar hortaada yaalla, sidoo kale uma baahnid in laguu macneeyo ama laguu qeexo geerida, sidoo kale  qof walba oo dhinta ama geeriyoodaa isku si uma saameeyo dadka, eheladiisa iyo  asaxaabtiisa ah.

Qof waliba halka uu kaga jiray bulshada ayaa  lagu xasuustaa marka uu dhinto, sabab too ah dadku isu wada mid maaha, kumana sinna bulshada dhexdeeda oo qof waliba qiimo gaar ah ayuu ku dhex leeyahay bulshada .  Maalin walba waxa inaga baxa qof qiimo iyo qadarin inagu dhex lahaa, markaas ayaan u tirinaa gabayo iyo geeraaro, maalmo yar kaddib na waan iska ilawnaa waayo ilaahii lahaa ayaa qaatay oo uu la kulmi doonaa.

Dhinaca kale marka aad eegto dadka muslimiinta ahi waxbadan kuma qaataan casharadan ina sugaaya inteenna nool maanta, inyar oo ilaahay waafajiyay oo shaqaysata mooyee. Qaybo badani qaflad ayay kaga sugan yihiin, ilaahay hasoo hadeeyo.

ilaahayna wuxuu qur’aankiisa ku leyahay “dadyohow mu’miniinta ahi haddaad Eebe ka cabsataan oo ka dhowrsataan wuxuu idiin yeelayaa faraj ‘nabad gelyo’ wuxuuna asturi dambigiina. (anfaal 29)}.

Maxaan u soo joognay halyay geeriyooday oo gayigoo dhan laga yaqaannay, sida Abwaan,Wariye,Siyaasi, Aqoonyahan, Madaxweyne, Ganacsade, Sheekh iwm.

Xaggee lagu socdaa?

Aakhiro maxaa inooga horreeya?

Maxaan shaqaysannay ee innoo yaala aakhiro,?

Maxaan sadaqo la baxnay oo inooga horraysa aakhiro?

Imisaan miskiin baahan oo caawimo u baahan caawinay, imisaan masaajid ladhisaayo oo caawimo u baahan ka qayb qaadanay 1 dallor na ha noqotee, imisaan  imisaan …………

Waxaan maalin walba aragnaa qof dhintay ama mayd la sii wado. Ma ku fikirtay maalina adigu xiliga aad dhimanaysid?  Dadka ahlu cilmiga ahi waxay yidhaahdaan markay ka hadlayaan dadka geerida iyo Eebe ilaaway:  dadka geerida ilaaway wax kasta haday urursadaan  ma dhergaan, mana gaadhaan waxay ku fikirayaan (yididiiladooda), adduun aan waxba  taraynin ayay urursadaan, meel aanay degaynin  ayay dhistaan, adduunyo aanay gaadhaynin ayay ku fikiraan”.  Wuxuu ilaahay  qur’aankiisa ku yidhi, “iska dhaafa  ha cunaan oo ha raaxaystaan, waxaa mashquuliyey yiddidiilada ay ku jiraan, goor dambe ayay ogaan doonaan”. ( al xijri 3)

Ilaahay inagama dhigo kuwa goor dambe ogaadda.

Ilaahay xaqa ha ina waafajiyo, Qofkasta oo muslim ah waxa laga doonayaa inuu had iyo goor xasuusnaado dardaarankii Nabigeena “NNKH”, wuxuu yidhi “waxaad had iyo goor xasuustiisa badisaan kan macaanka iyo raaxada gooya oo ah geerida”. Waa hadal kooban oo aad ka fahmi karto waxyaabo aad u tiro badan.  kuna xasuusinaaya  inaad u sahay  qaadato guriga aad barri tagi doonto.

 

Wabilaahi Tawfiiq.

Qalinkii: Khadar Muxumed Muuse “Koodh”

Email: Khadar_dagane@hotmail.com

Hargeisa/Somaliland

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories