HomeGeeddi-socodka Dimuqoraadiyadda Somaliland: Ibna Khaldun iyo Astaamaha Dhicitaanka Dawladnimo - (Qaybtii...

Geeddi-socodka Dimuqoraadiyadda Somaliland: Ibna Khaldun iyo Astaamaha Dhicitaanka Dawladnimo – (Qaybtii 2aad) Qoraa, Aadan Muse Jibril

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

vvvvvvvvvvvvvvvvvvvHore waxaa loo yidhi, ”Wax-garadku wax uu wax ka bartaa khaladka dad kale, Doqonku-se khaladkiisa,koor aanu waxba ka dheefi karin, waxna ka qaban karin”. Waa-aragtida adduunku waxay caddaysay in ruux kasta oo wax-garad ahi marka uu keligi-taliye noqdo isu rogo wax-ma-garad. Maxaa yeelay, wax uu qiimayn kari waayaa xaaladaha markaas taagaan, waxaanu qaadan waayaa talada wax-garadka. Waxay dhegtiisu jeclaysataa kuwa dhuuni-raaca iyo danaystanimada darteed u hareera jooga.Misaal ahaan, markii dagaalkii 1977-8 lagu jabay, ayaa niman odayaal ah oo ay ka mid ahaayeen, Garaad Ali Garaad Jamac iyo Xaaji mohamed Husein Xaamud oo is-xilqaamay ayaa u tagey Siyaad Barre, si gooni gooni ah, waxay ka codsadeen in uu xukunka iska dhiibo, mar haddii dagaalkii lagu jabay, waxa uu ku yidhi ”oo dalka yaan uga tagaa”. Xaaji Mohamed Husein baan afkiisa sidaas ka hayaa. Saacadii ugu dambeesey ee Manfeestadu dhawaaqday waa kii yidhi, ”..Maxay la qaylinayaan may beerahooda fashaan’.Siyaad Barre, fariidnimada Soomaalidu siday u taqaan ayuu ku bannaanaa, laakiin waxaa indha-tiray xukun jacayl, iyo beenta dhuuni-raacyadu la heerar joogeen.

Haddaba, si aanan runta iyo dhexdhexaadnimada cilmi-baadhista uga fogaan, waxaan leeyahay, Siilaanyo weli ma gaadhin heerkii Siyaad Barre markii dambe gaadhay. Taasna waxa u sabab ah dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin, waqtiga oo aan kii ahayn, oo waayo-aragtii shalay weli dhegagaha dadka ka sii qeylinayso. iyada oo wixii la soo maray aan maanta ciddina aqbaleyn, iyo heerka maanta adduunku marayo (Cilmiga iyo tegnoloojiyada is-gaadhsiinta) awood gaara siisay dadka u halgama dimuqraadiyada, iyo Somaliland oo noqotay dal yeeshay dhaqan dimuqraadi ah.Laakiin waxaan qabaa in waddada yari kuu geen karto waddada wayn. Fiintuna waxay ka sii ciddaa laxaadka dabaylaha soo socda. Waxaana dhici karta oo taariikhda lagu hayaa in haddii dabaqadda siyaasaddu kala cagli roonaan weydo (Mucaarid iyo Muxaafid) markaas dalka waxay u hoggaamin karaan wiriq-oodan, oo isu dhac, qas iyo jiha wareer keenta. Ifafaalahan noocan ahi (phenomenon) waxay ka jirtaa Qaarraddan Africa guud ahaan. Dhammaan dagaalada sokeeye, kuwii la soo maray iyo kuwa hadda socdaaba waxay salka ku hayaan kala roonaan la’aanta. Haddii si kale loo yidhaahdana, Argatila’aanta iyo xaalado kale oo sii caawiya. Waana midda aynu ka sii afeef dhiganaynaa.

 sidaas darteed, waxaa lagama maarmaan ah in loo dheg taago oo lagu cibrad qaato calaamaadka muujinyaa dhicitaanka dawladnimo(Failed Statehood). Hadda maaha dawlladda oo keliya ee waxa laga hadlayaa waa dawladnimada. Tan hore waa marka ay fashisho qolada maamulka markaas haysaa, tan dambena (dawladanimada) waa marka dhammaan dabaqadda siyaasaddu islay wada fashilaan. Waana cudurka Moqdishu ku dhacay oo ay ila hadda la bogsan la’dahay.

Sida keliya ee looga badbaadi karaa waa ayada oo wax laga barto khaladaadka dadka kale iyo taariikhada. Waana in loo dheg raarciyaa waayo-aragtida Adduunka, si waxaa ay ina farayso loogu dhug yeesho.

Misaal ahaan, halkan waxaan ku soo qaadanaynaa mid ka mid ah waao-aratiyaha caalamka ugu hodansan, loona baahan yahay in si qoto leh loo fahmo. Waxna lagu qaato dhaxlgalkeeda, oo sheegaaya sababihii keenay dhictaankii dawladii wayneed ee Islaamka. Taas oo dunida oo dhan ugu awood wayneed muddo ku siman sideed boqol oo sonnadood. Muddadaas oo ay dhistay Ilbaxnimadii ama Xadaaradii waqtigaas ugu sarraysay dunida. Dadka cilmi baadhista qotada dheerleh ku sameeyey waxaa ka mid aha Shiishk Abdiraxmaan Ibna Khaldun Al-Xadrami, oo si fahafaahsan uga hadlay astaamihii muujiya dhicitaanka dawladnimo iyo burburkeedii kaas oo ku yimi gudaheeda. Ibna Khaldun waxu cilmi baadhistan sameeyey muddo haatan laga joogo lix boqol oo sannadoodo oo uu si qto dheer uga hadlay sababahii ay ku timid Dibukurashadii iyo burburkii dawladdii wayneed ee Islamku. Cilmi baadhistani waxay xoogga saaraysaa xaqiiqada ah in dawlidina aaynay burburin ilaa ay gudaha ka bukooto. Waana marka ay daweyn kari waydo cudurrada gudaha kaga dhasha. Taasi oo ay ugu wacan tahay saddex sababood oo dhextaal u ah dhicitaanka dawladnimo.

Buugiisa la yidhaahdo, Hordhaca Ibna Khaldun, ama ”Ibna Khaldun’s Introduction to History”, ayaa Waxuu kaga hadlay calaamaadka muujiya dhicitaanka dawladnimo. Buuggan oo saldhigga u ah cilmiga Sociology-ga, falsafada, iyo taariikhda, oo ila hadda laga dhigo jaamicadaha adduunka oo dhan gaar ahaan cilmiga Sociology-ga.

Shiikh Abdirahman Ibna Khaldun, asaga oo ka duulaya waayo-argtidaas hodanka ah oo uu goob-joogga ka ahaa, waxuu sifeeyey calaamadihii soo dersay ee tilmaamayey bilawga dhicitaankeeda, waxaanu hoosta ka xarriqay saddex arrimood oo kala daran, oo sababa dhicitaanka dawladnimo: 1) Marka kharshka iyo dakhliga dawladu kala bataan oo kharashku batto, 2) marka kooxda dawladda haystaa ku amr kutaaglayso awoodda dhaqaalaha iyo tan siyaasadda, 3) marka Madaxda Dawladdu muquurato Balwad iyo Tumasho, (Ibna Khaldun, his life and work, Wikepeda – Free Encyclopaedia).

Mar labaad waxa sasuusid mudan sababihii ay ku dhacday dawlladii Somaliyeed ee dadkeeda iyo gobalka oo dhan u xoogg sheegatay. Taas oo burburtay markii mucaaradka, iyo muxaafidka Somalia kala caqli roonaan waayeen, oo la isku barbar dhacay sannadkii 1991. halkan waxa susid mudan oo kale, heestii uu Abdi Mohamed Amiin ka tiriyey xaalladii markaas taagnayd, ila haddana ku dabaqan qaar badan oo madaxda Africa ah. Wxauu yidhi; Soo bari Galleey, Landcruiser gado, Guuxiisa mood Gobb inaad ku tahay Geesk Afrikaw. Xasuuso Ibna Khaldun iyo dheelliga miisaanka Kharashka iyo dakhliga dawlada!.

Haddaba, waayo-aragtida caalamiga ahi waxay sheegeysaa, in mar haddii argiti iyo daacadnimo aanay siyaasadda hagayn, oo dhacdooyinka loo  hoggaamin kari waayo dhinaca danta guud ee ummadda, markaas waxay madaxda maamulku cuskadaan ku tiirsanaanta arrimahan soo scoda: fal-celis mutuxan oo ay ku dafirayaan khaladaadka ay galaan, iyo in ay wax walba kala hortagtaan is-daafac ku salaysan ”kala qaybi oo xukun”. Taas oo muujisa xaqiiqada ah in dhacdooyinku iskood isaga socdaan, oo aany aragit iyo ferker caynaanka u hayn. Waxay Waayo-aragtidu caddaysay in Marka halkaas la gaadho arrinta siyaasaddu madaxa la gasha marxalad ay iskeed iska sabbayso. Markay sidaasi dhacdo ayaa xaaladda bulshaduu noqtaa sidii dooni badweyn socota oo aan Naakhuude lahayn, waana marka taariikhda bulshadu bilawdo daalaadhac iyo dibugurasho.

Haddaba, bal aynu mar kale isla eegno kaalintii Madaxweyne M. I. Cigaal ee hoggaaminta dhacdooyinka, iyo xisbiyada Mucarradka Somaliland ee maanta waxa laga filayo si ay u noqdaan ”Badiilka” berrito ee mustaqbalka hanta Geeddi Socodka dimoqoraadiyada dalka Somaliland. La soco.

Qoraa Sare Aadan Muuse Jibriil

Email:adamjibril@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories